Al-shabaab oo sheegatay qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada M K/galbeed

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Muqdisho : HN :–Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo soo gurmaday markii weerarka uu billowday.

Sarkaal u hadllay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka danbeeyeen ama fuliyeen xoogag gaar u tababaran oo ka tirsanAl-shabaab_oo_Qaraxyo_Sheegatay Al-shabaab, islamarkaana halkaa khasaare ballaaran ugu geysteeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu la hadlay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana uu nabad-qabo, isagoo cambaareeyay weerarkii maanta.

Weerarka maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada maamulka K/galbeed Soomaaliya ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux oo isugu jira kuwii weerarka soo qaaday iyo ciidammada dowladda, waxaana wararku intaa ku darrayaan in ciidammada AMISOM uu weerarka ka soo gaaray khasaare ilaa iyo hadda aan la shaacin inta uu la eg yahay.

Hiiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!