Al-shabaab oo sheegatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Baydhabo ka dhacay

by admin | Sunday, Dec 7, 2014

Muqdisho  : HN :–Kaddib weeraro is xig xigay oo ismiidaamin ahaa kuwaa oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla magaalada Baydhabo ayaa mas’uuliyada weerarkaas waxaa ay sheegatay xarrakada Al-shabaab.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, C/casiis Abuu-Muscab ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay deegaannada ay Al-shabaab ka taliso in weerarradaas ay ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Gellinkii dambe ee Jimcihii mujaahidiintu waxay laba weerar ku qaadeen goob ay isugu imaan jireen saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee gacanta siinaya, hadafkii laga lahaa weerarradaasna waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarradaas ay ku dileen 20-qof oo uu sheegay inay ku jiraan saraakiil sarsare oo uu ka midSh-Abuu ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Daynuunaay.

“Dadka kale ee weerarkaas ku dhintay waxaa ku jiray saraakiil dhar cad ah oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo xubno maamullada la doonayo in Somalia lagu kala qaybiyo ka tirsanaa,” ayuu afhayeenka Al-shabaab u hadlay ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab wuxuu sheegay inay sidoo kale ka dambeeyeen dilkii guddoomiyihii degmada Buurhabaka ee gobolka Bay, Maamow isagoo sheegay in isaga iyo laba kale ay dileen, gaarigiisiina ay gacanta ku dhigeen.

Si kastaba ha ahaateen, afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa soo hadal qaadin laba wariye oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Baydhabo ka dhacay iyo sidoo kale saddex wariye oo kale oo ku dhaawacmay.

Al-shabaab ayaa horay weerar noocan oo kale oo ay dad badan ku dhinteen ka geystay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, balse weerarradan oo ahaa kuwo loo adeegsaday nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray iyo kan kale oo ahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa noqonaya kuwii ugu cuslaa ee Al-shabaab ay ka geysato Baydhabo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!