Al-shabaab oo sheegatay weerarkii lagu dhaawacay xildhibaanka laguna dillay…

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib markii dabley la soctay gaari subaxnimadii hore ee saakay ku weerareen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir gaari ay la socdeen xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo saddex ruux kale oo uu ka mid ahaa xildhibaan hore, ayaa weerarkaas waxaa sheegtay xarrakada Al-shabaab.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Mustaf Mayo, waxaana siddoo kale ku dhintay xildhibaan horay uga tirsanaa jiray  baarlamaankii ku-meel-gaarka oo lagu magacaabi jiray Liibaan C/llaahi Nuur.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeeyeen, isla markaana ku dhaawaceen Xildhibaan Mustaf  Mayow.

“Dowladda waxay sheegtay in Al-Shabaab ay ka sifeysay Muqdisho, laakiin tan waxay tahay mid aan ku tusineyno inaan wali joognoal-shabaab_somalia1 Caasimada Muqdisho oo aan dhaq dhaqaaq xoogan ku leenahay”ayuu yiri Abuu Muscab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa weeraro ay Al-Shabaab ka geysaneysan magaalada Muqdisho waxay ku qaarijisay saraakiil iyo xubno ka tirsanaa dowladda, iyadoo dowladda iyo AMISOM ay sheegayeen inay Al-Shabaab kaga guuleysteen dagaalka.

Ilaa shan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sanadkan lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii socdaan weerarada ka dhanka ah, waxaana bishii hore weerar sidan oo kale ka bad baaday Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Maalintii shalay ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah lala beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan UN-ka, waxaana weerarkaas oo ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ku dhintay ilaa lix ruux oo mid uu ahaa sarkaal ciidan.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!