Al-shabaab oo shixnad gaari-dameero ku rarneyd ku gubay gobolka Gedo

by admin | Monday, Mar 9, 2015

Luuq; HN;- Kooxda Al-shabaab ayaa dab qabadsiiyey gaari-dameero aay ku rarneyd shixnad badeecooyin ganacsi ah oo loo waday magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Badeecadan oo la sheegay inay ku rarneyd illaa 3 gaari dameer ayaa Al-shabaab qabteen kadibna ku fuliyeen amar ah in la gubo, Kooxda Al-shabaab ayaa waxay horey amar u duldhigeen magaalada Luuq, mudo sanad ahna wax badeecad ah ma galin, iyagoona u fariistay waddo kasta ee soo gasha magaalada.

Alshabaab ayaa go’doomin ku haya magaalooyin badan oo horey looga saaray, kuwaasi oo ay gubto wax kasta oo badeeco ah oo galaya si dadka u macaluulaan, culeysna loo saaro ciidamada ka qabsaday magaalooyinka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!