Al-shabaab oo soo bandhigtay khasaaraha weerarkii Leego

by admin | Wednesday, Jul 1, 2015

soo-bandhig-3Leego : HN :–Xarrakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirrada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaaday xero ay degenaayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM, halkaasoo lagu dilay kontameeyo askari oo ka mid ahaa ciidamada Burundi.

Sawirrada oo la soo dhigay baraha Internet-ka iyo kuwa bulshada ee Al-Shabaab ayaa muujinayay khasaaraha baaxada leh ee gaaray Ciidamada AMISOM.

Meydadka Askarta Burundi ee weerarkaas lagu laayay ayaa sawiradda la soo bandhigay ku jiray, sidoo kale waxaa la soo bandhigay saanad hub iyo rasaas ah ah iyo gaadiid laga qabsaday AMISOM.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay qaadeen Guuto loogu magac daray Hogaamiyihii la dilay ee Al-Shabaab, waxaana weerarka uu ku bilowday qarax baabuur, kadiban dagaalyahanada Shabaab ayaa ugu daatay difaacyada Ciidamada AMISOM ka sameysteen xeradaas.

Afhayeen u hadlay Burundi ayaa xaqiijiyay in weerarkaas loogaga dilay in ka badan 50-askari, hasse ahaan dhinaca Al-shabaab waxaa ay sheegeen in khasaaraha gaaray ciidammada Burundi uu ka badnaa kii 2012-ka loogu geystay degmada Deyniile.

Daawo Sawirrada :soo-bandhig-4

soo-bandhig-1soo-bandhig-2soo-bandhig-5soo-bandhig-6soo-bandhig-7soo-bandhig-9soo-bandhig-10soo-bandhig-8soo-bandhig-12soo-bandhig-11soo-bandhig-15

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!