Al-shabaab oo waddaado Tabliiq u socday ku xiray deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

by Yahye | Tuesday, Sep 23, 2014

Halgan; HN;- Waddaado tabliiqa oo ku safrayay jidka dheer ee isku xirta B/weyne iyo B/burte ayaa waxaa qabsaday kooxda Al-shabaab ee hada ka taliya deegaanka Halgan.

Kooxdan tabliiqa ah ayaa tiradooda lagu sheegay 9 wadaad, kooxda Al-shabaab ee qabsatay ayaa sheegay in wadaadadan aay ka yimaadeen degmada B/burte sidaa daraadeedna aay u xirmeen.

Odayaasha deegaanka oo isku dayay inay Al-shabaab kala hadlaan sii deynta Tabliiqiyiinta ayaa diidmo la kulmay, walina waxaa magaalada Halgan ku xiran wadaadada.

Tabliiqiyiinta ayaa ku socday tuulooyinka ku teedsan wadada dheer ee laamiga.

Kal hore ayaa kooxda Al-Shabaab agagaarka deegaanka Garasyaani ugu dishay saddex ka mid ahaa wadaaddo Tabliiq ah, oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne.

Al-shabaab ayaa iyagu dambi ka dhigay in degmada B/burte la galo amaba laga soo baxo, cidii lagu qabtana aay ku fulayaan ciqaab xitaa dil noqon karta.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!