Al-shabaab oo weerar gaadmo ku dishay askar ka tirsan maamul gobolleedka Puntland

by admin | Tuesday, Feb 24, 2015

Garoowe : HN :– Inta la og-yahay labo askari oo ka tirsan ciidammada Puntland ayeey waxaa gaadmo ku dillay xoogagga ka tirsan Al-shabaab.

“Xoogagga Al-shabaab ayaa weeraray laba saldhigo oo ay ciidamadeennu ku lahaayeen buuraha Galgala, weerarradu waxay dhaceen Axaddii iyo Isniintii lasoo dhaafay,” ayuu yiri C/qaadir Sameysane oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada Puntland oo wareysi siiyay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu.

Sameysane wuxuu sheegay in ciidamadooda looga dilay weerarradaas laba askari, sidoo kalena looga dhaawacay lix askari oo kale. IsagooDagaalka_Galgala_Puntland_Somalia aan sheegin khasaaraha ay u geysteen xoogaggii soo weeraray ee Al-shabaab.

Buuraha Galgala ayaa tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisii ahaa goob ay ku hardamaan ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab oo illaa sanadkii 2010-kii ku lahaa saldhigyo ay ka weeraraan ciidamada maamulka Puntland.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ciidamada Puntland ku dileen buurahaas shan ka mid ah xoogagga Al-shabaab, kaddib markii ay weerarro balaaran ku qaadeen deegaannadaas.

Xarakada Al-shabaab oo sannadihii ugu dambeeyay laga qabsaday dhowr magaalo oo muhiim ah, ayaa waxay weli ka wadaan gudaha Soomaaliya dilal qorsheysan iyo weerarro ay ku jiraan kuwo ismiidaamin ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!