Al-shabaab oo weerartay gadiid uu la socday gudoomiyaha degmada Mandheera ee gobolka W/bari

by admin | Friday, Mar 13, 2015

Mandheera : HN :– Dagaal-yahanno ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa weerarray kolanyo gaadid ah oo u la socday guddoomiyaha magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Warbaahinya al-Shabaab ayaa lugu baahisayay weerarka inay ka dambeeyeen dagaallamayaal ka tirsan ururka kuwaado ka dagaallanta Kenya,waxuuna weerarka ka dhacay meel u dhaw degmada carabiya.

Guddoomiyaha magaalada Mandeera,Cali Roba oo isna la hadlay warbaahinta waxuu sheegay weerarka inuu ka badbaay,balse357x201x140902072622_al_shabaab_512x288_bbc_nocredit.jpg.pagespeed.ic.wyIh9RA45d al-Shabaab waxay yirahdeen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ayaan weerarka ku dilnay.

Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa sheegay in ay afar askeri ku dileen weerarkaasi, islamarkaana khasaare hantiyeed gaarsiiyeen kolanyadii uu la socday guddoomiyaha.

Kooxda ayaa dhowr mar weerartay gobolka ku yaalla waqooyi bari Kenya,halkaaso oo ay dad badan ku laayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!