Al-shabaab oo xalay weerartay xaafaddo ka tirsan degmada Jalalaqsi, Hiiraan

by admin | Monday, Jul 6, 2015

Jalalaqsi : HN :– Goob joogayaal ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in fiidnimadii xalay mar kaliya laga maqlay qeybo ka mid ah degmada |Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan qaraxyo iyo rasaas culus oo ay ridayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo gallay.

Gaar ahaan xoogagga weerarka soo qaaday ayaa bartilmaameedsaday suuq ku yaalla dhinac Bari ee magaalada oo waqtigaa ganacsigu dagaalo-Jalalaqsi-740x555si caad ah uga socday, intaa kaddibna waxaa ku baxay goobta ciidammo ka tirsan kuwa nabad-galyada degmda Jalalaqsi oo iska horimaad culus kaddib ku guuleystay in ay dib u celiyaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Xaalada degmada ayaa waqtiga degan, waxaana soconaya howlgal ballaaran oo ay ciidammadu ku xaqiijinayaan ammniga, sidda ay inoo sheegeen saraakiisha ciidammada ee degmadaas.

Iska horimaadkii xalay ka dhacay degmada ayaa la xaqiijinayaan in uu ku geeriyooday hal ruux  waxaana jira dad ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!