Al-shabaab oo xukun ku riday wiil iyo gabar aay ku eedeeyeen sino

by admin | Tuesday, Feb 24, 2015

Baardheere: HN: Maxkamad aay leeyihiin kooxda Al-shabaab oo ku taalo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa xukun ku riday labo ruux oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ku dhaceen fal Sino ah ama galmo aan sharciyeysnayn.

Qaadiga maxkamada ayaa sheegay in labadan ruux oo lagu eedeeyay inay galmo sameeyeen iyagoon is qabinmaxkamadna la horkeenay islamarkaana si sharciga waafaqsan xukunka loogu riday.

Lbadan eedeysane oo kala ah Maxamed Cabdulaahi Cali oo da’diisa lagu sheegay 22-sano jir iyo Aamina Xasan Sabdoow oo da’deeda lagu sheegay 14-sano jir.

Qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee Degmada Baardheere, ayaa goob fagaare ah ka sheegay in labadaan ruux uu midkoodna guur horey u soo marin, islamarkaana xukun Islaami ah lagu fulinaayo, taasoo macnaheedu yahya in garbash lala dhaco.

Maxamed Cabdulaahi Cali ayaa lagu xukumay 100 Karbaash iyo in Gobolka Gedo muddo hal sano ah laga musaafuriyo sida uu ku dhawaaqay qaadiga Maxkamada Shabaab ee Degmada Baardheere.

Isla goobta xukunka uu ka dhacay ayaa Maxamed lagula dhuftay 100 Karbaash, xilli ay daawanayeen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaadiga maxkamada ayaa sidoo kale sheegay in Aamina Xasan Sabdoow oo 14-sano jir ah iminka ay leedahay uur dhowr bilood ah, islamarkaana marka ay dhasho lagu fulin doono xukunka.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!