Al-shabaab uu cafis u fidiyey maxabiis u xirnaa

by admin | Wednesday, Jul 15, 2015

Baydhabo: HN:- Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in xabsiyo ku yaallo Gobolada Baay iyo Bakool deeganada ay ka maamulaan ay kasii daayeen maxaabiis badan oo loo haystay dambiyo kala duwan.

Inkastoo Shabaabka aysan shaacin tiro rasmi ah oo xabsiyada ay kasii daayeen, hadana waxa ay sheegeen in boqolaal maxaabiis ah ay fasaxeen, kadib markii Xarakada ay cafis u fidisay maxaabiistaasi.
Guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan Gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Macalin Geedoow, ayaa u sheegay Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaab in Xabsiyada Baay iyo Bakool dadkaasi laga siidaayay.
Wuxuu sheegay Degmada Diinsoor oo Gobolka Baay ka tirsan in Maxaabiis badan laga sii daayay si Maxaabiistaasi Eheladooda maalinta ciida ay ula farxaan oo ay u ciidaan.
Sanad waliba gaba gabada Bisha Ramadaan ayeey Shabaabka cafis u fidiyaan maxaabiista eedeymahooda ay fudud yihiin ee ku jira xabsiyada Shabaabka ay maamulaan.
Talaabadaan Shabaabka ay maxaabiista ku sii daayeen ayaa waxaa soo dhaweeyay maxaabiista la fasaxay oo sheegay inay ku faraxsan yihiin sii deysmadooda.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!