Al-Shabaaboow haraggii ku cesha! W.Q: Xasan Obsiiye

by Yahye | Sunday, Jan 22, 2012
Nin Soomaaliyeed ayaa damcay inuu meel tuulo ah ka ganacsado oo hilbaha ku iibiyo. Subax ayuu suuqa xoolaha tegey oo nin adhi iibinaya ku yidhi walaal lacag ma sito laakiin i amaahi neef aan lacagtiisa ku siiyo markaan hilbihiisa iibiyo.
 
Sidii ayuu yeelay oo markuu neefkii adhiga ahaa qalay ayuu suuqa la fadhiistay hilbihii laakiin dadka tuuladu waxay cunaan hilbaha geela oo qofkii soo maraaba wuxuu hidhaahdaa “hilib geel ma haysaa?” markuu maya yidhaahdo ayaa laga wada dhaqaaqaa. Goor maqribkii soo dhaw yahay oo aan weli waxba laga iibsan ayuu welwelay oo soo xasuustay in lacagtii neefka laga sugayo markaasuu eegay hilibkii oo hortiisa yaal iyo haragii oo ag yaal markaasuu yidhi “waar waxan yaa haragiisii nagaga cesha!”
 
Dhalinyarada Alshabaab raggii sameeyey waxaa u sawirnaa iyagoo wada qabsan doona Soomaaliya markaana sidii ay u haysteen in diintu sheegtay u xukumi doona. Laakiin waxaa hadda muuqata inay is leeyihiin yaa idinku cesha maalintii la idin wada jeclaa oo wadaado la idiin yaqaaney.
 
Hadaba xaggee laga raacay xarakadan alshabaab? Waxaan u malaynayaa in dhawrka arrimood ee soo socda ay si weyn u saameeyeen burburka alshabaab:
 
1.       Dhalinyaranimo – Magaca Alshabaab micnihiisu waa dhalinyaro. Dhalinyarana waxaa lagu yaqaan degdeg iyo aqoon yaraan oo waa tii maahmaahdu ahayd wiil yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa. Nin gabyey ayaa yidhi – Duul wada yaryari meel xillay wax u dareershaane. Cimrigu waa macallin wax laga barto laakiin maalinta wiilka Shabaabka ku jiraa cimrigiisa wax ku garto waa maalin uu adduun dhameeyey oo dhiig badan galay.
 
2.       Aqoon yaraan – Shabaabku dadkii aqoonta diimeed lahaa waxay u kala saareen saddex qolo. Qaar ay dil ku xukumeen oo sheegeen inay gaalada uga daran yihiin maadaama ay aragti kaga duwanaadeen. Qaar ay masaakiin ka dhigeen oo iyaga dhex jooga oo wixii ay sax u arkaan aan siday doonaan saani ugu sheegi karin iyo in yar oo iyaga aragtidooda raacsan oo ay calan dheer ka dul taageen magacii culimdana iyaga uun ku koobeen. Waxay ahayd in cilmigu wax hogaamiyo laakiin shabaabku waxay door bideen in cilmi kasta oo aan waxay jecelyihiin waafaqsanayn ay damiyaan. Dadka cilmiga adduunka leh waxay shaabku ka qabaan shaki waxayna rumaysan yihiin in aanay uba baahnayn aqoontooda.
 
3.       Isla weyni – Wadaadku markuu kitaab gacanta ku sito waa xishoodaa oo yara khushuucaa laakiin markii qori garabka kuu sudhan yahay caqligaaga iyo sida aad u fekereysaaba waa is bedelaan.  Hubka badan ee shabaabku haystaan wuxuu ku kalifay inay isku dayaan inay wax walba xoog ku xaliyaan arrinksaasona wuxuu u samayeeyey cadaw badan.
 
4.       Siyaasad xumo – Adduunka keligaa kuma noolid. Shabaabku kama fekerin in wadamo kale oo adduunka ku dhaqan ay saamaynayso habka ay wax u wadaan. Iyagoon wax badan hayn ayayba yidhaahdeen waxaan tegeynaa Alaska iyo Solomon Islands. Hadalka ay kula hadlaan saxaafada waxay ka xushaan kan ugu adag mana eegaan waxa ka iman kara taasina waxay sii badisay cadawgooda ilaa ay noqotay inay cirka iyo dhulkaba iska eegaan.
 
5.       Is qabasho la’aan – waxaa muuqata in shabaabku aanay is qaban karin oo kooda caqliga lihi aanu la talin karin madaxdooda. Baaba’ jira ninna kama qarsoona waana xaqiiq in ay jiraan rag dareemaya in talaabo walba oo ay qaadaan ay sii kordhinayso dhibaatada dadka haysata laakiin marna si muuqata inay u hadlaan ay ku adag tahay. Talooyinka dibeda kaga yimaada iyaga iskaba daa waayo haddii aanay iyagii talo kala qaadanayn waa adag tahay inay ruux kale wax ka qaataaN.
 
Ugu dambayn, maxaa laga dhaxlayaa Shabaab? Waxaan u malaynayaa in ay shabaab sii socdo oo waqti yari ka haray dhamaadkoodii laakiin ay ka tegi doonaan Soomaalidii oo jeclaatay Xabashi iyo Keenyaati maadaama ay iyagu ka xoreeyeen shabaab, waddankii oo ciidankii soo galaaba siduu doono ka yeelo iyagoo ku andacoonaya inay argagixiso daba joogaan, Soomaalida oo u qaata in diintuba tahay dhaqanka Alshabaab iyo wiilasha Alshabaab wax u dila oo cimrigooda welwel iyo tiiraanyo ku noolaada.
 
Waxaan kula talin lahaa ragga maamula Alshabaab, hadayba wax akhriyaan, inay ogaadaan inay tahay geesinimo inay qirtaan in aanay hore ugu socon karin siyaasadaha ay imminka wax ku wadaan. Haddii aad gudcur ku socoto qofkii laydhka kuu shidi lahaana aad disho goormaad wax arkaysaa? Aqoonyahanka aad laynaysaan waa raggii idiin iftiimin lahaa dariiqa, haddaad dadkiiba cabsi geliseen oo ninkii qalad idiin sheegaba cadaw ilaahay u qaadataan, dee sacabkuun baa la idiin tumayaa ilaa aad haadaan ku dhacdaan.
 
Xassan M. Maxamed (Obsiiye), Ph.D

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!