ALL AYAA KADBA NAFLAY OO DHAN. WQ: Cumar Sumeiman

by admin | Wednesday, Feb 29, 2012

ALL AYAA KADBA NAFLAY OO DHAN.
 
Markii aan arkay dad badan oo ka hadlaya nolosha adduunyada ayna ugu jirto muhimmadda koowaad ayay igu dhalatay in aan dadka Islaamka ah u soo bandhigo waxa diintu ka sheegtay. Magaca maqaalkan waxaan ka soo qaatay aayaddan
وَمَا مِنْ دَابَّةٍ فِي الْأَرْضِ إِلَّا عَلَى اللَّهِ رِزْقُهَا وَيَعْلَمُ مُسْتَقَرَّهَا وَمُسْتَوْدَعَهَا كُلٌّ فِي كِتَابٍ مُبِينٍ(هود 6).
Marka sida ka muuqata aayadda wuxuu Alle ballan qaadayaa in uu

isagu isa saaray in uu kadbo wax kasta oo noole ah. Hase yeeshee Alle wuxuu aayad kale ku sheegay in uusan dadka kadabka u simin ee uu qaarna u badiyo qaarna ku yareeyo taas oo ah in midka loo badiyey lagu eego in sida uu ka yeelo kana lagu yareeyeyna lagu eego in uu raalli ku noqdo waxa Alle u gartay.
اللَّهُ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ وَيَقْدِرُ وَفَرِحُوا بِالْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا مَتَاعٌ(الرعد 26).
Hase yeeshee wuxuu Alle isla aayaddan noogu sheegayaa in ay nolosha adduunku aakhiro waxba ka ahayn. Marka iyada oo dadku wixii uu hanti adduunka ku kasbo ka dhimanaya aanayna aakhiro waxba ka ahayn ayay juhdi aad u weyn oo mararka qaarkood si xaaraan ah u geliyaan si ay ku helaan dhalanteedka adduunyo oo kala baxa hanti, xoolo, maskab iyo derejo.
 
Waxaan kale oo walaalaha islaamka xasuusinayaa aayaddan hoos ku dhigan oo Alle csw noogu sheegayo in ruuxii nolol adduunyo iyo bilicdeeda doon ah ee ku dadaala nnaga oo aan waxba ka hagran ayaanu siinaynaa.
مَنْ كَانَ يُرِيدُ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا وَزِينَتَهَا نُوَفِّ إِلَيْهِمْ أَعْمَالَهُمْ فِيهَا وَهُمْ فِيهَا لَا يُبْخَسُونَ(هود 15).
Isla aayadda ku xigta middanina wuxuu Alle csw noogu sheegayaa in kuwaas kor lagu soo sheegay aanay aakhiro cadaab mooyee wax kale lahayn wixii ay adduunka camal ku samaysteenna waa joogsaday waana buray wax alla wixii ay samayn jireenna waxba laga soo qaadi maayo,
أُولَئِكَ الَّذِينَ لَيْسَ لَهُمْ فِي الْآخِرَةِ إِلَّا النَّارُ وَحَبِطَ مَا صَنَعُوا فِيهَا وَبَاطِلٌ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ(هود 16).  
Isla mar ahaantaas sida aayadda hore aan ku soo aragnay Alle isaga ayaa isku waajib yeelay in uu noole kasta wixii uu siinayo ee kadab ah siinaya, meel kasta oo uu adduunka ka joogo iyo koox kasta oo uu ka tirsan yahay kuma waayayo kadabka Alle.
 
Isla sida aan kor ku soo sheegay Alle dadka uma simin kadabka isaga oo qaarna u badiyey qaarna ku yareeyey, sidaas darteed ruuxii dadaal kasta oo uu sameeyo wixii kadab Alle u jaangooyey mooyee wax kale ma helayo. Waxaase ka sii daran isaga oo kadab aan u jaan go’nayn ku raadiya jid xaaraan ah.
 
Waxaan soo tusaalaysanayaa maanta ruux kasta oo Soomaali ah oo dadaal ugu jira in uu xoolo, hanti iyo maskab yeesho una hoos gala dad aadami ah oo uusan Alle waxba noogu dhiibin, isla mar ahaantaasna diintii Islaamka si kasta ugu tuntay oo aayad aayad u jebiyey. Ruuxaas waa in uu ogaado sida aayadaha kor ku xusan in uusan aakhiro cadaab mooyee wax kale lahayn. Si loo gaadho maskab ama loo helo sumcad iyo magac ama hanti loo yeesho waxaa la aaminay in ruux aadami ahi bixiyo kadabkii Alle sidii uu isagu xukumo qasnadaha Alle.
أَمْ عِنْدَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ(ص 9).

Waxaa taas idiin cadaynaysa in ruuxii maanta Soomaali ah ee madax ah uu ku hadaaqo in ay Beesha Caalamku deeq la soo gaadho. Reer Muqdisho si cad ayay u weydaartiin tubtii Alle ee ha is daba qabteen.
 
Aayaddan kalena wuxuu Alle csw noogu sheegayaa in haddii Beesha Caalamku ay iyadu gacanta ku hayn lahayd qasnadaha deeqda Alle aanay qof wax ka siiyeen iyaga oo ka cabsi qaba in ay ka dhammaadaan oo ay wax beelaan.
قُلْ لَوْ أَنْتُمْ تَمْلِكُونَ خَزَائِنَ رَحْمَةِ رَبِّي إِذًا لَأَمْسَكْتُمْ خَشْيَةَ الْإِنْفَاقِ وَكَانَ الْإِنْسَانُ قَتُورًا(الإسراء 100).
 
Waxaan ummadda Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay joojiyaan in ay Beesha Caalamka wax weydiistaan meesheedana ay Alle wax weydiistaan, waayo haddii aadami oo dhammi isu kaashado in ay wax ku taraan ma ku tari karaan idanka Alle la’aantiis, marka maxaad meel aanay waxba jirin ugu lug go’aysaa.
قُلْ لَنْ يُصِيبَنَا إِلَّا مَا كَتَبَ اللَّهُ لَنَا هُوَ مَوْلَانَا وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ(التوبة 51).

Aayaddan macnaha weyn ee ay ku fadhido miyaan la garan sidee la isaga indho tiray. Aayaddu waxay noo tilmaamaysaa in baryada xaqa ahi ama runta ahi ay tahay midda Alle la baryo, ciddii wax kale oo dhan baridaa waxay la mid tahay qof biyo ceel salfug ku jira gacmaha u hoorsaday sidii ay soo gaadhayaan oo kale si uu u cabbo hase yeeshee ma soo gaadhayaan. Marka baryada Beesha Caalamku waa sidaas waxna laguma dheefayo.  
لَهُ دَعْوَةُ الْحَقِّ وَالَّذِينَ يَدْعُونَ مِنْ دُونِهِ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُمْ بِشَيْءٍ إِلَّا كَبَاسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى الْمَاءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَالِغِهِ وَمَا دُعَاءُ الْكَافِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَالٍ(الرعد 14).

Haddii aan soo qaato labadan aayadood oo ka wada tirsan Al-Acraaf iskuna xiga waxay midda hore sheegaysaa in Alle laga baryey wiil dhan kasta ka fayaw, hase yeeshee markii Alle siiyey wiil dhan kasta ka fayaw ayay sida aayadda dambe sheegayso ay Alle ku sidkeen, sidaas oo kale Beesha Caalamka waa la mid waayo xaq ma aha baryadaasi.
هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا فَلَمَّا تَغَشَّاهَا حَمَلَتْ حَمْلًا خَفِيفًا فَمَرَّتْ بِهِ فَلَمَّا أَثْقَلَتْ دَعَوَا اللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنْ ءَاتَيْتَنَا صَالِحًا لَنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ(189). فَلَمَّا ءَاتَاهُمَا صَالِحًا جَعَلَا لَهُ شُرَكَاءَ فِيمَا ءَاتَاهُمَا فَتَعَالَى اللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ(190).
 
Midda kale waxaan doonayaa in aan aayad sida loo macneeyey aan wax ku daro macnaheeda dadkuna ha ila arkaan, haddii ay ii arkaan in aan qalda nahayna ha i qabtaa waana aayaddan.
الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَبِمَا أَنْفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللَّهُ وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا(34),

Waxay aayaddu ku saabsan tahay in raggu ugu taliyo haweenka 1) abuur ahaan sida Alle ugu kala talo galay iyo 2) in ay xoolahooda wax ka siiyaan, haddaba qodobka 2) waxaan ka fahmi karnaa in cidda ku masruuftaa ay tahay in ay kuu taliso, sidaas darteed Beesha Caalamku waxay gargaarka uga daba ordayaan waxay og yihiin in aan qofna diidi karin iyo in ay ka dib iyagu u talin doonaan, sidaas darteed haddii aad doonaysaan xornimo iyo in aad idinku tashataan wixii aad ku tashataanna ku dhaqaaqdaan diida waxna ha weydiisanina Beesha Caalamka.
 
GUNAANAD:
 
Alle oo keliya ayaa xaq ay  tahay in la baryo, ciddii cid kale baridaa waxay la mid tahay sidii ay ciddaas caabudaan oo kale. Sidaas darteed Beesha Caalamka waa in aan la baryin.
 
Cidda wax aan Alle ahayn baryeysaa ma Alle ayay wax ka weyday, waxaan lee yahay naftiinna ka ilaaliya cadaab.
 
Wuxuu Alle noo ballan qaaday hiillo haddii aynu si daacadnimo leh u caabudno, sidaas darteed dhibaatad ummadda Soomaaliyeed haysata aynu isaga la hoos galno, intii aynu aadami innaga oo kale ah baryi lahayn.

Weliba wuxuu Alle oo aan laga run badnayni noo sheegay in haddii ay wax noo hayn lahaayeen aanay koob iyo ah afkaas noo saareen.
 
 
G/le Sare Omer Suleiman Ali​​​​27/02/12

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!