Allaha u naxariistee waxaa maanta Baydhabo lagu aasayaa xildhibaan Xaabsade

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Baydhabo; HN;- Maamulka koofur galbeed ayaa shalay ku dhawaaqay gudi ka shaqeeya aaska marxuum xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Meydka Xildhibaanka ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, qaban qaabada aaska marxuumka ayaa ka socota magaalada Baydhabo.

Meydka Marxuum Xaabsade ayaa la filayaa in goor dhow ay diyaarad ka qaado garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan aaska Xildhibaan Xaabsade, iyadoo haatan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo goor dhow diyaarad ay ka qaadi doonto.

Marxuum Xaabsade ayaa ahaa siyaasi caan ka ah gobolada Baay iyo Bakool, waxaana uu horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii KMG.

Marxuumka oo dhashay sanadkii 1958 ayaa sidoo kale ka mid ahaa Hogaamiyayaashii Kooxaha Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa aas aasayaashii Jabhadii RRA la dhihi jiray ee fadhigooda ahaa Gobolada Bay iyo Bakool.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!