Allaha u naxariistee waxaa Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Maxamuud Ilkacase

by Yahye | Friday, Nov 21, 2014

Muqdisho; HN;- Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajalistaha caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Maxamuud Ilkacase.

Mareereye ku-xigeenka Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdikariim Jiir oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa xaqiijiyay geerida Cabdi Maxamuud Ilkacase, isagoona sheegay in xaalada majaajilistaha ay ahayd mid wanaagsan, laakiin tii rabi u timid.

Abwaanka ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Majaajliste Ilkacase laga heley Meydkiisa guriga oo ka deganaa Muqdisho duhurnimadii maanta, waxaana Abwaanka uu noo xaqiijiyay in xaalada caafimaad Allaha u naxriistee Cabdi Maxamuud Ilkacase ay aheyd mid wanaagsan hase yeeshee geeridan ay tahay mid naxdin leh oo ku soo boodo ah.

Bahda Hiiraan net waxay tacsi u dirayaan dhamaan bulshada Somaliyeed gaar ahaan eheladii uu ka geeriyooday, ilaaheyna waxay marxuumka uga baryayaan inuu jannatul fardowso geeyo AAMIIN AAMIIN.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!