Amaanka magaalada Muqdisho oo la adkeeyay & doorashada guddoonka baarlamaanka oo dhaceysa

by wadani | Wednesday, Jan 11, 2017

Muqdisho : HN :-Waxaa maanta siweyn loo adkeeyay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho xili lagu wado in ay dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaad ku arkeysaa ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya, waxaana la diiday gabi ahaanba dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.

Inta magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa la sheegay in amaanka magaalada Muqdisho la adkeyn doono si looga hortago carqalado dhanka amaanka ah.

Waddooyin ay kamid yihiin Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo waddooyin kale oo muhiim ah ayaa gabi ahaanba xiran.

Ugu danbeyntii, xarunta gollaha shacabka ayaa la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka oo afar musharax ay ku tartamayaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah