AMIIN AMIIR AMA IMAARAD. WQ: Warsame Cade

by admin | Tuesday, Dec 6, 2011
Hadda ka hor Waraabe  ayaa dhibsaday magacan loogu yeero ee Waraabe  ama Dhurwaa (SHABAAB), wuxuuna jeclaystay in loo bixiyo magac muujinaya sifo wanaagsan,   halka  uu u arkayay in magaca Waraabe ama dhurwaa(SH) ay muujinaysay sida ay isaga la ahayd argagax iyo cabsi galin.Waraabe ayaa casuumaad u fidiyay dhamaan habar dugaag(BAARLAMAANKA) halkaas oo uu ka sheegay waxa uu doonayo(AMIIN AMIIR AMA IMAARAD) iyo waxa uu diidan yahay(DHURWAA  WARAABE AMA SHABAAB), habar dudaag ayaa dhankooda waxa ay isku raaceen in magacan cusub ee uu waraabuhu doortay loo baahan yahay in uu la yimaado sifooyinka magacu leeyahay taas oo ay soo jeediyeen in hal qado aanan magac lagu badali karin laakiin loo baahan yahay in uu galo imtixaan kaas oo hadii uu ku guulaysto uu mudaysan doono magacan (AMIIN AMIIR AMA IMAARAD )

Imtixaankii ayaa waxaa laysku raacay in uu noqdo in waraabe lagu amaaneeyo Ri iyo Waxar yar oo ay dhashay(K.SOMALIYA)  oo uu mudo isbuuc ah xanaaneeyo hadii uu taas ku guulaystana uu mudeysan doono darajadda iyo magaca uu doonayo.

Waraabihii ayaa maalmihii ugu horeeyay  ee isbuucii la balamay isku dayay in uu nafta samir galiyo oo ku gaabsaday in rida uu ka cuno naasaha iyo meel aan muuqan (SHAMOOW) laakiin horaa loo yiri WAXAAD BARATO WAA BAASKAAHE, maalinkii lixaad ayuu hadana ka maarmi waayay in uu waxarta ka cuno wax yar oo aan muuqan ama bushimaha (HARGAHA IYO SAAMAHA) si uu ugu sugo balanka.

Maalinkii la balansanaa ayaa habar dugaag (B) isu timid isla markii ay gudaha soogaleenba waxaa indhahoodu qabteen ridii iyo waxartii oo badqaba (MUQDISHO) waxayna hoos isugu sheegeen in Waraabe(SH) maanta imtixaankii ku guulaystay laakiin intii aan natiijada si rasmi ah loogu dhawaaaqin ayaa Dawaco (SHARIIF 1) oo aad u garanaysay caqliga waraabaha(SH) inta uu la’egyahay ayaa codsatay bal inta aanan magaca laga badalin  aw waraabe(SH) balse marka hore waxarta loo deeyo rida si ay u nuugto taas oo waraabihii laga codsaday in uu saas yeelo.

Waraabihii oo ceeb iyo ciil dartii is qarin kari waayay ayaa (ISQARXIYAY) oo yiri OO MAXAY KU NUUGTAA AMA KA NUUGTAA.

Halkaas ayaa ay ku fashilantay dhagartii (SH) waxaana halkaas ka hadlay afayeenka habar dugaag (SHARIIF 2 )oo yiri “kuwa hadhoow afka la taagi doono AMIIR ama IMAARAD  waxaan leeyahay bal ragga marka hore imtixaana inta aadan magaca ka badalina oo weydiiya  iyaga maxaa iska badalay”.

Waxaa kale oo  halkaas ka hadlay ergay ka socday kooxaha laba wejiilayaasha ah (AALASHEEKH) oo yiri  asaga oo sabar siinaya Ex saaxiibkiis WARAABE AMA (SH) waxa uuna yiri  saaxiib magacaagan kula xun ee DHURWAA (SH) wax  xun ma ahayn  laakiin waxaa xumaa afcaashiina iyo dhaqankiina, waxa hadda u baahan badalkana waa dhaqankiina laakiin magaca  aad hadda ka guura is leedihiin waakan ugu fiican ee qof ama koox qaadan lahayd, maantana idinkaan u qalmin mooyee magacu wuu idinka sareeyaa ceebna malaha.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay aqoonyahan ka socday qurba joogta (CEYR QAATE) oo yiri waxaan idin  xusuusinayaa in magacan hadda idinla fiican (AMIIR AMIIN AMA IMAARAD)hadii xitaa laydiin baxsho uu noqon doono wax laga cabsado ama laga argagoxo waayo dhaqankiina iyo ficilkiina iyo fakarkiina ayaa saas ah.

Waxaa halkaas goob joog ka ahaa oo aan wax ra’yi ah ka gaysan shacabka( DHAGOOLKA) iyaga oo u muuqday kuwo aan fahamsanayn waxa laga hadlayo laakiin waxaa la sheegay in markii shirka laga soo baxay kadib ay ooyeen.WQ: Warsame Cade
warsamecade12@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!