AMISOM” nagama tirsana ciidammada Itoobiya ee howlgalka ka wadda gobolka Hiiraan

by admin | Monday, Aug 17, 2015

Beledweyne : HN :- Taliyaha sektarka Afraad ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cabdoow, ayaa isaga oo jooga magaalada Beledweyne, sheegay in ciidammada Itoobiya ee howlgalka ka wadda dhul-ballaaran oo ka tirsan gobolka Hiiraan ka tirsaneyn AMISOM.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan garaneynin sabab ciidammo aan qeyb ka ah AMISOM qeyb uga yihiin howlgalka, waxaana uu kuCol-Cabdiraxmaan-Cabdoow-Dhinbil-1 eedeeyay ciidammada Itoobiya ee dhawaan isaga baxay Halgan ka amar qaataan magaalada Addis Ababa.

Edeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee loo soo jeediyo ciidammada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan, waxaana muuqata in uusan jirin iska warqab ama xiriir ay leeyihiin ciidammada Itoobiya kuwa Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Col Cabdoow, ayaa sheegay dhawaan in ciidammada Jabuuti dib ugu laaban doonaan deegaannada ay baneeyeen ciidammada Itoobiya si aan loo wax yeeleyn ayuu yiri dadka shacabka ah.

Askar ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa dhawaan kootaroolka laga gallo degmada Halgan ku dillay dad shacab ah oo doonayay in ay ka qeyb-gallaan tacsi kana anbabaxay magaalada Beledweyne.

Hiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!