AMISOM oo cambaareysay dilkii sarkaal ka tirsanaa QM loogu geystay Beledweyne

by admin | Monday, Nov 16, 2015

Muqdisho : HN :–Taliska Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya[AMISOM] ayaa maBeledWeyneanta cambaareeyay toogashadii Mahdi Xuseen Macow loogu geystay maalin ka hor magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mahdi Xuseen Macow ayaa ahaa madaxii hay’adda miino-baarista Qaramada Midoobay ee UNMAS, iyadoo AMISOM ay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Mahdi uu sidoo kale ahaa madax xafiiska xiriirka bulshada (CLO), xafiiskaasoo xiriir dhow la lahaa howlgalka xasilinta ee AMISOM.

“Dilka Mahdi Xuseen Macoow waxay calaamad cad u tahay in weli ay jiraan kooxo cadow ku ah nabadda, kuwaasoo doonaya inay hor-istaagaan dadaallada lagu xasilinayo Somalia si ay nabad-buuxda uga hirgasho,” ayay AMSIOM ku tiri warbixinteeda.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ku xustay inay tacsi dirayso guud ahaan ehelladii, saxiibbadii iyo hay’adda UNMAS ee uu ka geeriyooday Mahdi Xuseen Macoow oo loo yiqiinnay Shiiqaal.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!