AMISOM oo dalbatay ciidammo dheeraad ah

by wadani | Sunday, Nov 13, 2016

Addis Ababa : HN :-Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa ku dhawaaqay inay u yeerayaan ciidamo kale oo dheraad ah oo la yimaada Soomaaliya inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka iyadoo ay jiraan hanjabaadaha joogtada ah ee ka imaanaya Xarakada Al-shabab.

Arintaan ayaa timid kulan ay qaateen hogaanka ciidamada ka qeyb qaadanaya Howlgalka AMISOM kaa oo ka dhacay magaalada Adis Ababa waxana ay dalbadeen ciidamo dheeri ah oo awood u yeelanaya in ay kaalmeeyaan kuwa Soomaaliya waxana la geeyn doonan ciidamadaasi Jubooyinka,Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Hogaamiyaasha Militry ee kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyay baahida in QM iyo beesha caalamka ay bixiyaan tashiilaadka ciidamo tiradoodu gaareyso 4000-askari oo mudo lix bil ah heegan u noqon doona inay ka hortagaan weerarada Al-shabab.

Ugu danbehntii, shirka waxaa ka qeyb galay taliyaasha Militry ee Burundi,Jabuuti,Ethiopia,Kenya iyo masuul ka socday Uganda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!