AMISOM oo dareys ugu deeqday booliiska magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Apr 27, 2015

Beledweyne : HN :– Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu qabtay gudaha saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ayaa loogu mahad celiyay saraakiisha howlgalka midowgga Africa AMISOM oo dareys ugu deeqay booliiska gobolka.

DCIM225MEDIA

DCIM225MEDIA

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb-gallay maamulka Gobolka Hiiraan  aqoonyahano qurbo joog  saraakiisha ciidamada AMISOM  ee Gobolka Hiiraan  iyo kuwa Dowlada Somaliya ayaa maanta lagu qabtay  Magaalada Baledweyne.

Taliyaha ciidanka booliiska   ee degmada Balad-weyne  Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla oo ka hadlay Munaasabada  ayaa  ka mahad celiyay   dareeysa ciidanka  AMISOM  ay ku wareejiyeen  Taliska Booliska  gobolka  Hiiraan.

DCIM225MEDIA

DCIM225MEDIA

Taliyaha ciidamada jabuuti ee Gobolka Hiiraan  col cismaan  dubad sugule  oo  hadal ka jeediyay Munaasabada  ayaa sheegay in ciidamada AMISOM Gar ahaan  kuwa jabuuti ay markaste garab tagan yihiin  ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan.

DCIM225MEDIA

DCIM225MEDIA

Ku-simaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan.  ahna  Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada  sheekh xuseen cismaan cali  ayaa sheegay  in ciidamada jabuuti ay ugu mahad celinayan   sida markaste ay  u Garab tagan yihiin ciidamada  dowlada Somaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

DCIM225MEDIA

DCIM225MEDIA

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!