AMISOM oo dhalinyarro u qabtay shir ku saabsan hiigsiga 2016-ka

by admin | Friday, Sep 18, 2015

Muqdisho : HN :–Kulan looga hadllayay da’yarta iyo saameynta ay ku yeelan karaan hiigsiga  2016-ka  oo ay soo qaban qaabisay AMISOM  ayaa shalay  lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay  qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaliyeed,  masuuliyiin ka tirsan dowlada  iyo AMISOM.

Wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha ee xukuumada federaalka Soomaaliya Max’ed Muqdisho1C/llaahi Xasan (Nuux) oo ka hadlay  furitaanka shrika ayaa sheegay  inay waqtigan wadaan dejinta siyaasadda dhalinyarrada wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhalinyarada ay door wanaagsan ku yeellan karaan siyaasadda Soomaaliya iyo hiigsiga  2016.

Wasiirka  Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa isna ugu baaqay dhalinyarrada inay ka qeyb qaabtaan barnaamijyadda wacyi-gellinta bulshada.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada qaranka  Soomaaliyeed Faadumo Cabdi Warsame   ayaa iyaduna sheegtay inay dhalinyarrada soo mareen daruufo adag intaa kaddibna aysan u dulqaadan doonin inay dhibta ku sii jiraan.

Dhalinyarada ka qeyb gashay shirka ayaa isku raacay  la dagaalanka  fikirka xag jirnimada iyo xoojinta midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!