AMISOM oo ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaayo

by admin | Saturday, Aug 22, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa wali sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta Al-shabaab ku Qaadeen Jaamacadda Kismaayo oo Tabbabar lagu siinayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qoraal kooban oo goor-dhow lasoo dhigay barta Twitter-ka AMISOM ayaa lagu Sheegay inay weerarkaas Waamisom-milaterixyeello ka soo gaartay Qaartay ka mid ah Saraakiishooda.

Sidoo kale, AMISOM ayaa Xaqiijisay in halkaas ay ku dhinteen 11 ruux oo laba ka mid ah qof ay sheegeen inay ahaayeen xoogaggii Weerarka soo Qaaday, Sagaal kalena kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada millateriga Somalia, lana hayo laba qof oo looga shakisan yahay in Weerarka ay ku jireen.

“Weerarkii Kismaayo waxaa ku dhaawacmay seddax sarkaal oo tababarayaal ah, waxaana dhintay Sagaal Askari oo Ciidamada Xoogga ka tirsan, laba ka mid ah kooxda weerarka soo qaaddayna way dhinteen, Ciidamada Xoogga Dalka Waxaa kaloo ka dhaawacmay lix qof. Waxaana la hayaa laba qof oo lagu tuhunsa yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkaas,” ayaa lagu yiri Qoraalka AMISOM ee Twitter-ka lasoo dhigay.

Ugu dambeyn, Weerar Is-miidaaminta ah ayaa aroornimadii maanta lagu Qaaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo tababar lagu siinayya ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!