AMISOM oo ka tacsiyeeysay geeridii taliyihii ciidamada booliiska

by admin | Friday, Oct 31, 2014

Muqdisho : HN :– Taliska ciidammada midowgga Africa AMISOM ayaa uga tacsiyeeyay ciidamadda booliiska iyo shacabka Soomaaliya geeridii ku timid Alle ha u naxariisto taliyihii booliska Soomaaliya, Jen Maxamed Xasan Ismaaciil, oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM, Col Cali Aadan Xumad ayaa warbaahinta u sheegay in inkastoo ay geeridu xaq tahay ay haddana midda ku timid taliyihii ciidanka booliska ay si wayn u taabanayso AMISOM.

Afhayeenka ayaa dhanka kale ku boorriyay booliska Soomaaliya in uusan ku niyadjabin geerida taliyaha, maadaama ay jiraan saraakiil kaxa tirsan booliska oo awood u leh inay qabtaan howsha taliyihii geeriyooday.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxda sare ee dowladda ay soo magacaabi doonaan taliyaha booliska, isagoo xusay in ay AMISOM mar kasta garab taagan tahay booliska Soomaaliya.

AMISOM ayaa kala shaqeyneysa ciidamada Soomaaliya sidii dalka loogu soo celin lahaa amniga, xasilloonida iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!