AMISOM oo loogu baaqay in ay kala dhax-gasho dhinacyada ku dagaallamaya Guri-ceel

by admin | Saturday, Feb 28, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka dib-u-hishiisiinta ka soconaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in wax loo dul-qaadan karo aheyn sii socoshada dagaallada degmada Guri-ceel, xili qeybo ka mid ah gobollada dhexe ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Xubnaha Ergada ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta ayaa isla gartay in lagama maar-maan ay tahay in colaada salka dheeraatayDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud ee ka taagan Guriceel in AMISOM fara geliso, si nabad loo gaaro.

War murtiyeedka ayaa waxaa dhaliil loogu jeediyay qaabka dowladda Soomaaliya u wajahday xal u helida colaada Guriceel, iyadoo degmada ay ka barakaceen boqolaal qoysas ah, kuwaasoo dhibaatooyin ku heysta duleedyada magaalada.

Dagaalka ka taagan Guri-ceel oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogaga Ahlusuna ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dagaalada ay ahaayeen kuwo soo noq-noqonayay, isla markaana labada dhinac ay ku loolamayeen gacan ku heynta magaalada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!