AMISOM oo raashin ugu deeqday isbitaalka Banaadir

by admin | Tuesday, Mar 3, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidammada midowgga Africa AMISOM ayaa ugu deeqay isbitaalka Banaadir deeq raashin ah oo isugu jirtay Burbur,Bariis,Caano iyo cuntooyinka kale oo nafaqada laga helo  isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Mas’uliyiinta ka socday AMISOM ayaa mid mid u kormeeray qaybaha kale duwan Cisbtaalka ay ku jireen bukaano farabadan kuwasi oo badnaa carruuur iyo dad da ’ah.

Taliyaha qeybta 3 aad ciidanka Boliiska AMISOM oo warbaahinta kla hadalay gudaha Cisbtaalka ayaa sheegayin Rashinkani deeqda ah sababta ay u keeneen ay tahay sidii shacabka Soomaaliyeed isla markaana ula qeybsan lahaayeen dhibaatooyinka haysata dadka Soomaaliyeed.

Dr Cabdirasaaq Xasan Cali Agaasimaha Cisbtaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa tilmaamay in baahi weyn ay u qabeenDSC07747 gargaarkan oo kale isla markaana Cisbtaalka ay ka jirto baahiyo kaladuwan oo dhinaca adeega ah.

Gudoomiyaha degmadda Wadajir ee mamulka gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax oo kamid ahaa mas’uuliyiintii goob jooga ha aheyd deeqda maanta la gaarsiiyay Ciibitaalka Banaadir ayaa u mahadceliyay Ciidanka Boliiska AMISOM oo gurmad u sameeyay bukaanada ku jira Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!