AMISOM oo sheegtay in Al-shabaab la gaarsiiyay meel aysan ka soo noqon karin

by admin | Tuesday, Oct 7, 2014

Dick-OlumMuqdisho : HN :– Taliyaha qeybta Uganda ee howl galka AMISOM Gen. Dick Olum ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan heyn xeelad dagaal oo uu kaga hor-yimaado Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, isagoo qiray in Al-Shabaab la soo bixi karaan xeelado kale sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Gen. Dick Olum qadka taleefanka kula hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in qorshaha lagu soo qabtay Baraawe uu muddo dheer ah soo socday, isla markaana uu ahaa mid ka mid ah qorshayaasha howl galka AMISOM in Soomaaliya ay xasiliso.

“Qorshaha lagu qabanayay Baraawe mid dheer ayuu ahaa, mid ka mid ah qorshaha AMISOM waa in Soomaaliya ay xasiliso, isla markaana ay tababarto ciidanka Soomaaliya, si uu keligiis u istaago, dalkana uu difaaco, qorshaha lagu qabanayo meelaha ay Al-Shabaab heysato mar hore ayuu soo bilowday Baraawe waa ka mid”ayuu yiri Gen. Dick Olum.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Baraawe ay Al-Shabaab u aheyd meeshii ugu dambeysay ee ay ku xooganaayeen, isla markaana ayDick-Olum dhaqaale ka heli jireen.

Mar la weydiiyay intii ay ku sii socdeen Baraawe inay la kulmeen iska caabino ayuu sheegay in deegaanka Ambareeso oo ilaa lix KM u jira Baraawe ay Al-Shabaab difaac ka galeen, halkaasna ay kula dagaalameen muddo saacado, waxaa uu xusay in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Waxaa uu sheegay in deegaanka Ambareeso ay marto wado ay ka baxaan Jilib, Sablaale iyo wado aada Baraawe, waxaa tilmaamay markii ay Al-Shabaab halkaas ka saareen ay doonyo ku carareen, sidoo kale intii ay sii galayeen Baraawe ay isku dayeen inay difaacaan, hase yeeshee ay ka hortageen.

“Al-Shabaab istiraatiijiyad adag ma lahan goob walba waa looga adkaaday waxay gaareen meel aanay ka soo noqon karin, AMISOM waa harqisay Soomaaliya oo dhan, Gedo, Jubada dhexe iyo jubada hoose, shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe ayay la wareegtay”ayuu yiri Gen. Dick Olum.

Mar la wediiyay maadaama ay ciidamada baahayaan in ciidamada ay la kulmi karaan jidgooyooyin loo dhigto sahaydooda ayuu sheegay in taasi ay AMISOM u heyso xeelad, isla markaana ciidankooda qabsaday Baraawe uu daadsan yahay ilaa Muqdisho.

“Mar kasta meelaha sahayda u soo mareyso AMISOM wey ilaashatay, ciidanka qabtay Baraawe waxay fidsan yihiin laga soo bilaabo Muqdisho, wadooyinkana ammaan ayaa ka dhignay wax dhib ah ma jiro”ayuu yiri Taliyaha qeybta Uganda ee AMISOM ka socda.

Ciidamada AMISOM oo ka socda ilaa lix dowladood ayaa howl galo ay isugu fidinayaan ka wada gobolada dalka, waxaana howl galada ay haatan si xoogan uga socdaan Jubada Hoose, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

 Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!