AMISOM oo sheegtay in ay dishay boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab

by admin | Saturday, Aug 29, 2015

Nairobi : HN :–Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa u sheegay Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya  tan iyo intii uu socdo Howlgalka Jubba ciidammada AMISOM dilleen 250 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan deegaanno.

Afhayeen u Hadlay Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in illaa 10- Hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsanaa ay ku jiraan Dagaal-yahannada lagu dilay Gobolladaas.

Jasiirada_Kudhaa_ee_Somalia“Howlgallada Jubba ka socday bishan Ogoosto oo keliya waxaan ku dilnay 250-xubnood oo 10 sarkaal oo sar-sare, tanina Waa Qayb ka mid ah Guulaha aanu Gaarnay,” ayaa lagu yiri Warkan maanta lagu Qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Warbixinta Saraakiisha AMISOM ka tirsan ee lagu sheegay in boqolaal dagaalyahanadooda ka tirsanaa looga dilay dagaallo ka dhacay Gobollada Jubbooyinka ee Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!