AMISOM oo soo dhaweysay calleemo saarka Shariif Xassan Sheekh Aadan

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Muqdisho : HN :–Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sidikou oo ka qaybgalay munaasabaddii Baydhabo ka dhacday ee lagu caleemo-saaray madaxweynaha KMG ah ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan caleemo-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Ururka Midowga Afrika iyo shucuubta Afrika dhamaantood oo wiilashooda iyo gabdhahooda u soo diray inay caawiyaaan walaalahooda Soomaaliyeed sidii ay ugu raaxeysan lahaayeen nabad una suuro-gelin lahaayeen xaqa ay u leeyihiin nolol-wanaagsa, way sii wadi doonaan inay ku taageeraan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dalkooda booskiisii hore ee lagu faani jiray iyo sharaftiisiiba,” ayuu yiri Danjire Sidikou.

Sidoo kale, danjiraha ayaa xusay in maamulka KMG ah uu yahay guul u soo hoyatay shacabka saddexda gobol ku nool, laakiinse waaSharf udub-dhexaad ay qotomisay dowladda federaalka ah, ayna ku xaqiijineyso ujeeddooyinka aragtida sannadka 2016-ka.

Danjire Sidikou ayaa dhanka kale ku dhiirri-geliyay madaxweynaha KMG ah ee maamulka KMG ah Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu sii wado geeddi-socodka dib u heshiisiinta, si uu aasaas adag ugu dhigo dhisida nabad-waarta iyo horumarka dowladda. Isagoo ugu baaqay Shariif Xasan in uusan balan-fur ku sameyn kalsoonida ay shacabkiisu dusha u saareen.

Xafladda caleema-saarka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiillo ka socday maamul-goboleedyada dalka, Midowga Yurub, IGAD iyo sidoo kale danjireyaasha Itoobiya, Jarmalka, Sweden iyo Turkiga.

Magaalada Baydhabo ayaa ah xarunta saddexaad ee ciidamada AMISOM ay ka howlgalaan, kuwaasoo ay hoggaaminayaan ciidamada dalka Itoobiya ka socda. Iyadoo danjire Sidikou uu sheegay in ciidamada AMISOM ee qaybta saddexaad ku sugan ay mas’uul ka yihiin ammaanka iyo xasilinta goobaha ay ka howlgalaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!