AMISOM oo soo dhaweysay dhismaha maamulka saddexda gobol ee K-galbeed Soomaaliya

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

Muqdisho : HN :–Ergeyga gaarka ah ee midowga Africa ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay doorashadii Shariif Xasan Sh. Aadan iyo dhismaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu ka talin doonaa gobollada Bakool, Shabeellada Hoose iyo Bay, wuxuuna qayb ka noqonayaa maamullada ka jira dalka, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya qaarkood ay dhismaha maamulkaas soo dhaweeyeen, halka kuwo kalena aysan weli ka hadlin.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dhismaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia, maamulkan wuxuu qayb ka yahay dadaalada lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Sadikou.

Ergooyinka shirkan ka qaybgalay ayaa 373 oo ka mid ah 396-dii xubnood ee goobta joogay waxay u codeeyeen Shariif Xasan Sh. AadanErgayga_AU_Somalia_Maman_Sadikou_Mogadishu oo ay u doorteen madaxweyne 17-kii bishan oo doorraad ku beegnayd, isagoo xilka haynaya afarta sano ee soo socota.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maqlo dadka Koonfurta-galbeed Soomaaliya oo doortay Shariif Xasan. Tani waa tallaabo muhiim ah oo xaqiijinayo nabadda iyo deggenaashaha Somalia. Taasoo ah aan soo dhaweynayo,” ayuu yiri.

Dhanka kale, danjire Sadikou wuxuu sheegay inuu ku amaanayo ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan gacantii ay ka geysteen doorashada, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa shir loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, ergayga Midowga Afrika ee Somalia wuxuu xusay inay shacabka gobollada Koonfur-galbeed ee Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool ay heleen rajo wanaagsan oo ku sameysteen maamul wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, soo dhaweynta AMISOM ee doorashadii Shariif Xasan Sh. Aadan iyo dhismaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa kusoo beegmaysa xilli uu soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh dhismaha maamulka iyo doorashada madaxweynahooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!