Ammaanka Muqdisho soo siweyn loo adkeeyay iyo wafuud caalami ah oo la fillayo in ay soo gaarto

by admin | Thursday, Jan 8, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa saakay siweyn ugu howlan sugida ammniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo la fillayo in ay soo gaaraan wafuud heer caalami ah oo ka socda urur gobolleedka IGAD.

Ciidammo aad u hubeysan ayaa la dhigay dhamaanba jidadka waaweyn ee caasimada Muqdisho, waxaana ka mid ah jidka galla garoonka diyaaradaha Muqdisho, waddada aada  madaxtooyada Somalia iyo jidka muhiimka ah ee Maka Al-Murama.

Askarta waddooyinka la dhigay ayaa baaritaanno ku haya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyagoo ka baaraya hub iyo waxyaabo kale oo qarxa, taasoo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay tahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha amniga dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in adkeynta amniga ay qayb ka tahayWaddada_Garoonka_Muqdisho sugidda wufuudda dalalka ku yaalla Bariga Afrika oo Muqdisho u imaanaya shirka IGAD.

“Waddooyinka muhiimka ah amnigooda waa la adkeeyay, waana mid looga hortagayo in falal amni-darro ah la geysto inta ay madaxda IGAD wadanka ku sugan yihiin,” ayuu yiri sarkaalka oo aan is-magacaabin.

Shirka wasiirro arrimo dibadeedyada IGAD ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan wasiirrada arrimaha dibadda, Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Suudaan, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo Somalia ay shir guddoomin doonto shirkaas.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!