Ammniga magaalada Muqdisho oo siweyn loo adkeeyay iyo ciidammada oo baaritaanno wadda

by admin | Monday, Jan 5, 2015

Muqdisho : HN :– Nabad-galyada jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka, kuwaasoo baaritaan ku sameynayay gaadiidka kala duwan ee dadweynaha, waxaana maanta laga dareemay magaalada howl galada ay ciidamada sameynayeen.

Waxaa la arkayaa ciidammada oo baaritaanno ka duwan kuwii hore ku sameynayay gaadiidka, waxaana dadka saaran lagu amrayay inay gaariga ka degaan, si loo baaro, iyadoo baaritaanada ay muddo qaadanayeen.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada ayay ciidamada waxay ka fadhiyeen hareeraha, iyagoo gawaarida ku istaajinayayMuqdisho meelo cayiman, waxaana la arkayay gawaari badan oo safaf ugu jiray baaritaanka.

Intii uu socday baaritaanka waxaa aad saxmad u ahaa wadooyinka oo ay adkeyd in gawaarida ay si dhaqsi leh isaga kala gooshaan.

Saraakiisha Ammaanka ayaa shalay sheegay inay ka war hayeen gaariga la doonayay in qaraxa lagu fuliyo, inkastoo weerarkaas lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Qorshahan ammniga lagu sugayo ayaa imanaya, iyadoo laamaha ammaanka ay bilaabeen feejignaan dheeri ah tan iyo markii uu sanadka cusub ee 2015 uu dhashay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!