AMNESTY International oo ka digtay in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

by Somali | Tuesday, Mar 5, 2013 | 22 views

Nairobi : HN :  Iimagesyadoo siweyn loo hadal hayo arinta ku saabsan qaadista xayiraada dhinaca hubka ee saaray dowladda Soomaaliya, aya dhinaca kale waxaa soo baxaya digniino ay jeedinayaan hay’addo caalami ah oo ka digaya in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaray Soomaaliya.

Hay’adda AMNESTY International ayaa sheegtay in qadar weyn ka iman karto haddii la qaado sida ay hadalka u dhigeen cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran dowladda Soomaaliya xiligan.

Gemma Davies oo ah madaxa Hay’adda ayaa sheegay in haddii la qaado xayiraada dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya ka iman karto qatar weyn oo dhinaca amaanka, waxaana uu kula dardaaray dalalka ku jira gollaha amaanka QM in ay arintaa ka fiirsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan codsaday in laga qaado cunaqabteynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya, taasoo sida ay sheegtay sahli karta in ay dib u dhis ku sameyso ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!