Amniga baarlamaanka dalka Kenya oo siweyn loo adkeeyay

by admin | Thursday, Apr 30, 2015

Nairobi : HN :–Dowladda dalka Kenya ayaa siweyn u adkeysay  ammaanka xarumaha muhiimka oo isku jira kuwa dowladda iyo rayidka ee ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sirdoonka dalka Kenya helleen warar sheegaya in ay jiraan weeraro la qorsheynayo in laga geysto goob muhiim ah oo ku yaala dalkaasi Kenya, waxaana gooba la qorsheynayo in la weeraro ka mid ahbaarlamaanka dalkaasi dalka Kenya.

Wararka ayaa intaa ku darraya in gooba la calaamadeeyay in la weeraro ay ka mid yihiin labo kaniisadood oo ku yaalla iyo siddoo kaleBaarlamaanka_Kenya_oo_Codeeyay jaamacada magaalad Nairobi.

Xoojinta ammniga guud ee magaalada Nairobi ayaa imaanaysa xilli ay ku dhawaaqday Al-sabaab inay weerarro kale ka geysanayso gudaha Kenya, inkastoo aysan sheegin meelaha ay beegsanayso.

Ugu danbeyntii, maalmo ka hora yay ahayd markii nin u shaqeeya xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya la xiray, kaasoo la shaaciyay inuu qorsheynayay inuu fudeedyo weerarro lagu qaado dhismaha baarlamaanka Kenya iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!