Amniga magaalada Cadaado oo siweyn loo adkeeyay

by admin | Tuesday, Apr 28, 2015

Cadaado : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ammniga siweyn loo adkeeyay, laguna arkayay inta badan qeybaha ay magaalada ka kooban tahay ciidammo hubeysan.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Cadaado, waxaa saacadihii la soo dhaafay feejignaan sare la geliyay ciidamada, kuwaasoo baro ka sameystay wadooyinka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in xaaladaha amni ee ku soo kordhay degmada ay tahay mid aan horay loo arag.

Ciidammada ayaa la dajiyay qaarkood baro cayiman oo sidda la sheegay laga sugo nabad-galyada, sida agagaarka xarunta uu shirka kacadaado socdo oo dhowr goobood dadka lagu baarayo.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa iyana amnigooda aad loo adkeeyay, waxaana goobaha ay ka degan yihiin meelo aad uga fog la dhigay ciidamo, kuwaasoo aad u feejigan.

Musharaxiinta qaar ayaa wata ciidamo ilaalo u ah oo ay kala yimaadaan Muqdisho iyo deegaanada kale, waxaana tani ay keentay in Maamulka Ximan iyo Xeeb uu ka dalbado in musharaxiinta Ilaaladooda aysan soo dhaafin goobaha ay ku sugan yihiin

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa iyana si aad ah uga qeyb qaadanaya howlaha sugida amniga, waxaana ay baarayaan baabuurta soo gasha magaalada.

Xaaladahan amni ee ku soo kordhay degmada Cadaado ayaa ka dambeysay, kadib markii todobaad ka hor uu Madaxweynaha halkaas si rasmi ah uga furay shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaca kale dhaq dhaqaaqa magaalada ayaa ah mid caadi ah, iyadoo magaalada ay tahay mid camiran, wadooyinka iyo gawaarida ayaa waxaa lagu xardhay sawirada musharaxiinta qaar ee ku tartamaya doorashada madaxtinimada maamulka gobollada dhexe.

Ugu danbeyntii, maalmaha soo socda ayaa la fillayaa in la doorto madaxweynaha maamulka gobollada dhexe, iyadoo ergada dooraneysa oo laga dhigay 350 ergo ay wali socoto xulistooda iyo sidii loogu sameyn lahaa kaararka aqoonsiga.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!