Anna Musharrax baan ahay! WQ. Bashir M. Hersi

by Yahye | Sunday, Jun 24, 2012

Qof adduun jooga addinkiisu ma laabmo, haddaan iilka la jiifin. Erayo ka mid ah hees uu ku xareediyo Alfannaan Axmed Rabsho (AUN) ayaa ahaa:

Dhammideed adduunyada
Addin baan ku kooboo
Socod iima laabnee!

Sidoo kale, Aadanaha afkiisu ma aamuso, haddaan ajashiisu dhammaan. Addin iyo af waa labada aaladood ooAadanahu wax ku unko. Dabcan maanka oo ah agabka maanintuna muhimaddiisa ayuu leedahay, halkamasaxduna kaydinta ku hawllan tahay. Hawraar iyo hawlbay markaa noqon, ay lama huraan u tahay weelayn iyo waqlal.

Heerarka nolshu kala tahay ayaa ah: nagi deganaan iyo naxdin dagaaga u dhaxaysa, midda dambe waa hoy,hergal iyo hoyaad la’aan, dhalandhool aan dhammaad lahayn ayey dhalisaa. Halka midda hore tahay guri nabada, geeddi nabada iyo guur nabada, AbwaanMaxamed Ibraahin warsame Hadraawi ayaa yiri:

Saw nabadi sahaydaada ood, sidato uun maaha!
Saw godabi surinkaad martaba, sabab qarsoon maaha!

Labadan hab, mid na soo maray ma jiraa? Hubaal kan dambe inaan iminka ku sugan nahay, balse, weydiinta qotonta yaa ah; midda hore iyada ma soo aragnay? Hadday haa tahay, maxaan ku soo aragnay? Hadday maya tahay, maxaanan ku soo arag? Isu gayn, waa han jabay, heeryo dedan, hammi laaban iyo himilo joogta ah, Allow adaa hawl ku filan!

Dhan kale, dunidu waa hadba heer, noloshanu waa ku meeran tahoo, waxay u dhaxaysaa maalinta labadeeda galline, mar waa horu kac iyo hoos u dhac, marna waa dhib iyo dheefe, dadaalka nooluhuna waa himilada hagaagta ama haawisa.

Himilana ma duuganto, ee waxaa dilma qofka ay dareenkiisa ku daaban tahay! Hirgalinta himiladase waxaa masuul ka ah arrimahan: “Hoodo” [ayaan, ama nasiib“Hoodiyo ayaan baa, Lagu kala horreeyaa”] “Hiillo xilli” [Waligeed adduunyada, Waqtigaa qof saacida, Qofna waayaha xira!] “Hal adayg” [Dadaal gaari doon tide].

Sida caadada ah, maamul iyo nidaam la’aanta waxaa ka dhasha fawdo baahsan, oo aan laga maagan karin, kala daadsanaan baaxadle iyo dayac badan. Dhanka kale, waxaa xoogaysta kalitalinta, amar ku taaglaynta, kooxaysiga, iyo is urursiga. Intuba waxay ku hirgalaan kaalinta qofka, qoyska ama qabiilku bulsada uga jiro, sidoo kale,iskaashigu wuxuu salka ku hayaa dano gaara oo isa soo gaaray iyo sidii loo gundhigi lahaa.

Waxaan filaa labadan inaan midna noo dhimmanayn,Ciidan, Madani, Gacansade, Wadaad iyo Aqoonyahan ay dhammaan ku wada dhaqmeen, waxaanba filaa xitaaOdayo Dhamqadeedku inaysan ka marnayn. Intooda waxaa ugu liita uguna xun silica qabyaaladdu reebto iyodaacuunka diin dacareedku duugo, inta kale waa la halmaamaa, marka sooyaalka laga reebo, bal adba xasuuso Xisbigii Hanti wadaaagga Kacaanka Soomaaliyeed? Malaha qoraalkan yaaba kugu soo riday, ee waad iska halmaamtay, sidaa si la mid ah, inta badan qof gaara waxa uu sameeyo iyana waa la mid, balse, lagu falaha isagu mar walba waa u gaar xasuustiisu.

Maanta xaalad kale yaan ku jirnaa, oo xay tahay? Maxaa lagu qeexi karaa? Sidee loo qeexi karaa? Saadaaline ha inoo dambaysee, ma ahan inay adag tahay, oo aan qawaarradada jooga iyo quwaaxda iman doona la garanayn, balse, waa inay noqotay maad iyo madadaalo aan malahaba la galin karin, aniguse waxaan ku tilmaami lahaa MARXALADDA MAGACYADA.

Inaan ku jirno MARXALADDA MAGACYADA waxaa kuu caddaynaya, caadi ahaan MUSHARRAX waxaa la dhihi karaa, qofku marka uu u gudbiyo magaciisa guddiga doorshada, uuna buuxyo shuruudaha looga baahan yahay qofka xilka u sharraxan, inta ka horraysa wuxuu noqon qof niyadda ka jecel, ama qalbiga ka raba.

Sidaa waxaan u leeyahay, ugu horrayn, waxaan ku jirnaaKALA GUUR, horayna ugu jirnay KU MEEL GAAR, dhanka kale, waxaa foodda nagu soo haya sida la yiri GACAN TAAG/DOORASHO, YAA QABAN? SIDEE LOO QABAN? YAA LOO QABAN? XAGGEE LAGU QABAN? MAXAA LOO QABAN?MAXAA LAGU QABAN? Waa weydiimo aan la is weydiin, malaha aqriste, hadda ayaaba kuugu horraysa, dabcan,warcelintaadu waxay ku koobnaan XILDOON. Hubaal inaad saxan tahay, aanse sii baarbaaro sida wax yihiin.

Inta aan si rasmi ah iyo si roganba loo sheegin in, doorasho dhacayso bisha siddeed ee foodda nagu soo haysa, ayaa waxaa jiray rag isa sii magacaabay, oo doonayey inay ka qaybqaataan doorashada dhici doonta, oo kuwaa waxaa magacooda la hadal hayey muddo sanad ku dhaw, haddii aysan ka badnaynba.
Raggan xilka ugu sarreeya wadanka isu soo taagay, waxay isugu jiraan kuwa asxaab iska sharraxay iyo kuwo kali sharraxan, kan xisbiga laba garaye, oo afar damac ku raacday, ama diimaysi ku raacday ama dam [dhalyo] ku raacday ayuuba wataaye, midka kali sharraxan, yaa u maqan? Malaha ruuxaanta yaa u adeegaysa! Yaa garan!

Sida loo iclaanshay inaan bisha siddeedaad aysan doorashadu ka daba marayn, waa haddii ayba xilligaa dhici kartee, ayaa waxaa soo badanaya in todobaadkiiba aad maqasho musharrax u tartamaya xilka madaxweynenimada, qaarkood inaad maqashay waa laga yaabaa, si aad ku maqashaba, xumaan iyo samaan,hawlkarnimo iyo habacsanaan, maqalka wax dhaafsiisanse lama hayo.

Raggan sharraxan waa laba laba qaybood, kuwo dawladihii hore xil ka soo qabtay iyo kuwa xilliga burburkan xil ka qabtay. Kuwo qabiil ka sharraxan iyo kuwa urur ka sharraxan, kuwo kali u sharraxan iyo wadar ka sharraxan, isu gaynse noqonaya sharrax aan Shirib lahayn.
Ujeedka aan ka lahaa, markaan sare ku soo xusayeynidaam la’aanta yaa ahaa, in tiradan u wada sharraxanxilka madaxtinimada ay sabab u tahay han aan meel dheer jirin oo ka dhashay fawdada iyo hannaan la’aanta, illeen jiritaan hannaan wuxuu baajin lahaa dad badan in hawo gashee, maadaama mudnaan iyo muunad midnamidna u lahayn, dhanka kale, garaadkeed, garashadeed iyo guudkeedna gayn karin goyna karin.

Inta sharraxan, inta is sharraxi doonta iyo inta niyadda iska sharraxday ee aan nuu la dhihi karin, waxay ka siman yihiin XANUUNKA XUKUN JACAYLKA, ugama jeedo in qof walba oo hammiyaa inuu xil qabto ama isu taaga madaxnimo inuu sidaa yahay, balse, sida wax u dhacayaan yaa sidaa ka dhigaya, aqriste, adba wax ka duwan ma kuu muuqdaan?.

Marka laga soo tago in niyadda laga jeclaan karo, ama loo tartami karo madaxnimo, maxaa diiday in meelo kale nayadda lagu hayo, si loo dhaliyo hurmar iyo hannaan dheellitiran? Maxaa diidaya in siyaasadda laga soo billaamo hoos iyo xakabadda Albaabka? Mise haddaan madaxnimo laga billaabin dhadhanba ma lahan? Inta sharraxan ma ku jiraa mid leh khibrad maamul iyo maarayn? Hadday leeyihiin, maxay qabteen oo la taaban karaa?.

Sida nolashu ku saaban tahay, dhalasho iyo dhimasho waxaa u dhexeeyo korriimo, waa haddaan si kale wax u dhicine, inta u dhaxaysa, da’da caadiga ah, waxaa lagu bartaa sirta nolosha iyo saabaheeda, sidaa awgeed, xukunkuna waa la mid, oo waxa uu baahan yahay qofku inta uusan xilal sare qaban, inuu soo qabto kuwa hoose, si ay ugu sahlanaato maaraynta dambe, hadduuse dhakada sare kaga soo dago, wallee inta uu saxo iyo inta uu qaldo kala badan!

Inta xilka ugu sarreeya wadanka u sharraxan waxay kala noqon karaa sidan: kuwa ay ka tahay waan isa sharraxay, oo aan dan kale ka lahayn, kaliya inuu liiskaa galay, kuwa kale waxay isu magacaabeen daba ka riix iyo dareen dad kale, kuwa waa hinnaaso iyo hebelba waa magacaaban yahay, kuwa waa istijaabin iyo xaggeed gaari kaartaa? Kuwa kale waa ha lagu sheegsheegee isa sharrax, oo haddaa dadka yaa hoggaamin doona? Weydiimo wercelimaheedu maqan tahay.
Si kale haddaan u eego, waxaa kaloo loo qaybin karaa sidan:

Kuwa u baahan in wadanka laga qabto, siyaabo kala duwan, siyaasi gurracan, wadaad waalan, gacansade xaaraanquute ah IWM.

Kaadir kaalintiisii gabay, loogaa baahnaa inuu xil doono, qaab kalase ku doono, ay jirto meel uu ku habboon yahay, xilkeedana qaadi karo, balse uu ka door biday, inuu madaxnimo goobo.
Dhadhanshaa waalay, waa mid hadda ka hor xil soo qabtay, Madaxweyne, Rariisul wasaare, Wasiir, Danjire IWM oo u hamuun qaba mar qura in madaxweyne ladhaho, ama loogu celiyo.
Kan kale, waa mid leh, oo xilka madaxeynenimadu ma sidan ayuu u fudud yahay, doonsis, helid iyo xukumidba, asna sidaa ku gashay xildoonnimadu.

Qaar kale, waa ma quustayaal aan qasaarin, u taagan doorsho walba ee la qabtay, malaha markan waxay u sii xuub siiban doonaan doorashooyinka maamul goboleedyada, maya kuwa degmooyinka iyotuulooyinka.

Qaar kale, dhibka ay gaysteen ku filnaa waa, oo wali waxay u ciilqabaan layn iyo gumaad, sidaa awgeed, waxay ku hamminayaan inay mar kale xilka qabtaan si aybaabi’inta u sii wadaan, baaba’na loogu jiro. isku soo wada duube waa: XILDOON iyo XOOLODOON.

Dalku uma baahna Madaxweyne kaliya, uma baahnaRa’iiusl wasaare kaliya, uma baahna Wasiirro kaliya, uma Xildhibaanno kaliya, uma baahan Danjireyaal kaliya, uma baahnaa Kaaliyayaal kaliya, uma baahnaXoghayeyaal kaliya, uma baahna Sarreeyayaal kaliya, uma baahna … uma baahna… intaa iyo ka badan ayuu u baahan yahay, maamul dheellitiran, maarayn dhug legiyo madax dhiirran.

Haddii aan ku wada aruurno madaxwene, dalka inta kale yaa u maqan? Laga billaabo qashin xaaridda ilaa laga gaarayo meeshan loo wada dig leeyahay, ani iima bixin, dadku wuxuu u baahan yahay qof walba waxa uu yaqaan inuu ku biiriyo, kuna badbaadasho wadanka, illeen wax walba oo la yaqaan waxbay badbaadiye u yihiine.

Abwaan Mustafe Sheeekh Cilmi ayaa horay ugu maansooday: “Madaxweyne mar u dhaha!” hadda sidaa ayey dadka ka taagan tahay, ama wayba ka haysaa, oo haddaan la dhihin qaar baaba qandhanaya, qaar waaba suuxayaan, Allow adaa Qaadira. Maxaa quus la taagan yahay!
Ugu dambayn, qormada waxaan ku soo afjaraya erayadan uu tiriyey Cabdiraxiim Hilowle Galayr, ee ka mid ah maansada “Murashax” waana sidan:

Madaxnimada mooyee
Murashaxa ordaayoow
Macne kale ma haysaa?!

Milge maxaad u leedahay?
Maxaad maanta ka horoow
Maatada dalkaagiyo
Maxasta u samaysoo
Mudane, lagugu doortaa?

Mise magacan baasbaa
Adigana ku madax maray
Mar uun meesha gaadhbaa
La maqiiqan tahayoo
Maqal iyo ogaaliyo
Maba lihid majare saxan!

Mabd’a lagugu aamino
Iyo mawqif horumara
I maqlayda mooyee
maxaa mudane kuu dheer?!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!