Aqalka sare oo dib u dhigay dooddii Kiiska Qalbi Dhagax

by wadani | Monday, Sep 11, 2017

Muqdisho : HN :-Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta dib-u-dhigay dooddii loo ballan-sanaa ee dhiibista xukuumadda Xasan Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Xildhibaannada ayaa ku kala qeybsamay arrinta, xildhibaanno ay ku jiraan Axmed Xaashi iyo Muuse Suudi waxaa ay soo jeediyeen in arrinta laga doodo halka Xildhibaanno kale uu Goon-Jeex ka mid yahay ay sheegeen in loo baahan yahay in laga war-sugo doodda ka dhaceysa golaha shacabka iyo go’aanka ay qaadan-doonaan si markaasi kadib uu aqalka sare arrinta u soo farageliyo.

Intaasi kadib, guddoonka golaha aqalka sare ayaa cod-geliyay in doodad la wado maanta iyo in la sugo go’aanka golaha shacabka

Natiijada Codadka ayaa noqotaya:

Waxaa ogolaaday in la sugo go’aanka golaha shacabka: 21

Waxaa diiday in la sugo Golaha shacabka: 11

Waxaa Ka Aamus: 4

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!