Aqriso Qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee Somaliya

by admin | Monday, Apr 9, 2012 | 47 views

Aqriso Qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee Somaliya

CUTUBKA 1AAD – (BAAQA JAMHUURIYADDA)

Qodobka 1aad – Mabaadi’da Asaasiga

1.     Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Quraanka kariimka ah iyo Sunnada Nabi Muxammed (scw), wuxuuna hormarinayaa maqaasidda shareecada iyo cadaaladda bulshada.

2.     Soomaaliya waa dal Islaam ah, dadkiisuna ku abtirsadaan dunida Carabta iyo Afrikaanka.

3.     Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerka caalamiga ah, cadaaladda, xukuumad loo dhan yahah oo ku dhisan wadatashi, kal-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan oo leh hannaan ku dhisan la-xisaabtan iyo hufnaan oo ka jawaabaya danaha dadweynaha.

4.     Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada madaxabannaan ee Qaranka.

Qodobka 2aad – Dowladda iyo Diinta

1.     Islaamku waa Diinta Dowladda.

2.     Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

3.     Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiddeeda (Ujeeddooyinkeeda).

Qodobka 3aad – Sarraynta Dastuurka

1.     Dastuurka Soomaaliya oo ku salaysan mabaadii’da shareecada Islaamku waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayay xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa siyaasaddaha iyo go’aannada qaybaha xukuumadda oo dhan.

2.     Sida ku xusan Cutubka tobnaad ee Dastuurka, maxkamad ayaa burin karta sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka.

Qodobka 4aad – Gobannimada Jamhuuriyadda

1.     Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimoqraaddi ah.

2.     Shacbiga Soomaaliya waa hal, lamana kala qaybin karo.

3.     Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah.

Qodobka 5aad – Afka Rasmiga ah

1.     Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-soomaaliga oo ka kooban: Maxaa tiri, Maay tiri iyo Carabi sida ku cad jadwalka.

Qodobka 6aad – Astaanka Qaranka

1.     Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyay qaybta A ee jadwalka koowaad, waalaydi buluug furan ah oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.

2.     Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rurkumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.

3.     Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa Heesta Qaranka.

4.     Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa billadaha sharafta.

5.     Baarlamaanka ayaa soo saaraya sharciga maamuuska ay mudan yihiin calanka, heesta qaranka iyo billadaha sharata ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Qodoboka 7aad Dhulka Dowladda

1.     Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.

2.     Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

3.     Guddoon afri Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qodobka 8aad – Magaalo Madaxda Qaranka

1.     Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamkma Magaalo madaxdu ay ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.

CUTUBKA 2AAD JINISIYADDA

Qodobka 9aad – Xuquuqda Gaarka ah ee Muwaaddiniinta

1.     Qos kasta oo ku dhasha gudaha Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

2.     Muwaaddiniintu ayaga oo siman waxay leeyihiin:

a.     Xuquuda, mudnaanta iyo faa’idooyin muwaaddinnimo; kuwaas oo Dastuurka ku xaddidan; iyo

b.     Baasabboor Soomaali ah, dokumeenti diiwaangelineed iyo aqoon kasta oo ay dowladdu u soo saarto muwaaddiniinta.

3.     Muwaadin kasta waxaa baasabboorka iyo dokumeentiga kale ee ku xusan faqradda (1) (b) loogu diidi karaa ama looga laali karaa ama looga qaadi karaa oo keliya sharci waafaqsan habraaca qodobka 43-aad.

Qodobka 10aad – Helidda iyo Haysadka Jinsiyadda

1.     Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn.

2.     Qof jinsiyadda ku dhashay lagama qaadi karo jinsiyadda, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.

3.     Qof jinisiyadda ku dhashay ama la Soomaaliyeeyey iskii ayuu jinsiyadda Soomaaliyeed uga tanaasuli karaa.

4.     Jinsiyadda laguma waayi karo guur ama furriin.

Qodobka 11aad – U-dhalashada Jinsiyadda

1.     Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

2.     Qof kasta oo ku dhasha Soomaaliya dibaddeeda waa Soomaali dhalasho ahaan, haddii ay hooyadii ama aabbihii ku dhashay Soomaaliya ama isir ahaan Soomaali yihiin.

3.     Qodobkani wuxuu si siman u saamaynayaa qof kasta oo dhashay taariikhda Dastuurka uu dhaqangalay ka hor ama kadib.

4.     Ilmaha laga helo Soomaaliya oo ay da’diisu ka yar tahay siddeed-jir, oo jinsiyaddiisa ama tan waalidkiisa aan la aqoon, waxaa loo aqoonsanayaa inuu Soomaali yahay.

Qodobka 12aad – Muwaaddinnimada Lagu Helo Soomaaliyeynta

1.     Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaaddin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

2.     Ilmo aan muwaaddin ahayn, balse qof muwaaddin ahi soo korsaday, xaq ayuu u leeyahay in la Soomaaliyeeyo. Waalidka korsanaya aa u dalbi kara ama markuu 18 jirsado ayuu laftirkiisu weydiisan karaa Soomaaliyeyn.

3.     Qof Shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

4.     Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama degganaasho kuma xirna in uu buuxiyay ka hor ama ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.

Qodobka 13aad – Kala-noqoshada Soomaaliyeynta

1.     Qof jinsiyadda Soomaaliyeyn ku helay waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddii maxkamad awood sharciyeed u leh arrimahan ay ogaato in:

a.     Uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;

b.     In iyada oo uu dalku dagaal ku jiro, uu si aan sharci ahayn ula ganacsado, la xiriiro, iskaashi hawleedna la yeesho cadawga oo ay caddaato inuu si ogaal ah ugu taakuleeyey dagaalkaas;

c.      Soomaaliyeyntiisa ka dib lagu xukumo khiyaano qaran ama denbi kale oo lagu mutaysan karo ugu yaraan toddobo sano oo xarig ah.

2       Qofka loo haystey in jinsiyadda uu ku helay dhalasho sida ku xusan qodobka 11 (4), waa lagala noqon karaa jinsiyadda haddi maxkamad awood sharci leh ay go’aamiso:

a.     In uu jinsiyadda ku helay been-abuur, isu-ekeynsiin wax uusan ahayn ama qarin xaqiiqo sugan;

b.     In isaga ama waalidkii dhalay la ogaado inay jinsiyad kale leeyihiin; ama

c.      In da’diisu ay ka weyneyd siddeed jir markii dalka gudihiisa laga helay.

Qodobka 14aad – Sharci u Dejinta Muwaaddinnimada

1.     Baarlamaanka ayaa soo saari kara sharci habeeya:-

a.     Soo-gelidda dalka iyo degganaashaha dadka shisheeyaha ah;

b.     Degganeyaasha joogta ah;

c.      Sida qof shisheeye ku heli karo jinsiyad Soomaaliyeed;

d.     Qaabka khiyaar-uga-tanaasulidda jinsiyadda;

e.     Habraaca jinsiyadda Soomaaliyeynta ku timid loola noqon karo; iyo

f.       Qaabka ay u dhaqan-gelayaan qodobadda ku xusan Cutubkan.

CUTUBKA 3AAD-XUQUUQDA AASAASIGA AH

Qodobka 15aad-Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah

1       Xuquuqda aas-aasiga ah iyo xorriyada lagu aqoonsaday cutubkan waa in mar kasta la dhowraa marka sharci la dejinaayo, lana fulinaayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda ku xusan cutubkan.

2       Waajibaadka Dowladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.

3       Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn karaa sida ku xusan Qodobka 43aad.

Qodobka 16aad-Karaamada Aadanaha

Xuquuqda aadanuhu waa deeq Ilaahay ugu deeqay qof kasta oo banii’aadam ah, waana ifyaalka karaamada aadanaha. Sidaas daraadeed, waa laguma-xadgudbaan, waana waajib saaran dadka oo dhan in ay dhowraan.

2       Awoodda Dawlada waa in aan marnaba loo adeegsan meel-uga-dhicidda karaamada aadanaha.

Qodobka 17aad-Sinnaanta

1.     Dadka oo dhan sharciga waa u siman yihiin.

2       Dawladdu sinnaba qof uma takoori karto. Takooridda reebban waxaa ka mid ah sinji, midab, qabiil, isir, qolo, asal bulshadeed, afguri ama luqad, labnimo ama dheddignimo, meel lagu dhashay, naafannimo, diin, siyaasad ama qabid ra’yi kale, xirfad iyo hanti.

3       Waa fal takoor ah haddi natijidiisu noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ula kac ah aan loo samayn.

4       Dowladdu uma aragto fal takoorid ah barnaamijyada loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama tacaddi.

Qodobka 18aad-Xaqa Nolosha

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.

Qodobka 19aad-Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah

Sinnaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo,  qasabna looguma shaqaysan karo.

Qodobka 20aad-Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah.

2.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nabagelyada qofnimadiisa. Nabadgelyada qofnimo waxaa ka mid ah ka-bedbaadidda xarig sharcidarro ah, qaab kasta oo gacan-ka-hadal ah oo uga iman kara dhinaca dawladda ama dad gaar ah, qaab kasta oo jirdil ah iyo inuu ka nabadgalo qaab kasta oo naxariisdarro ah, dhaqan lid ku ah aadaminnimada ama liidid ah ama ciqaab ah.

3.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay bedqabka jirkiisa, lagumana xadgudbi karo. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin ama aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax ogolaado.

4.     Gudniinka Fircooniga ee haweenku waa arrin ka soo horjeedda Shareecada, waana reebban yahay.

5.     Soo-rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjedda Shareecada, waana reebban tahay, waxaana la oggolaan karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan tahay, gaar ahaan marka la bedbaadinayo nolosha hooyada.

Qodobka 21aad-Xorriyadda Abuuridda iyo Ka-mid-noqoshada Ururrada

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro dad kale ama urur. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro shaqaale. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo.

Qodobka 22aad-Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada

1.     Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo Diintiisa.

2.     Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa.

3.     Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

Qodobka 23aad-Xorriyadda Ra’yiga

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo.

2.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.

3.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal-abuurkiisa faneed.

Qodobka 24aad-Xormada Hoyga iyo khusuusiyaadka

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan lagu xadgudbin hoygiisa iyo khusuusiyaadkiisa.

2.     Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in baaris sharcidaro ah lagu sameeyo hooygiisa, ama hantidiisa, ama in lagu soo duulo, ama faraggelin iyo boob hantidiisa lagu sameeyo.

3.     Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in sinnaba loo faraggeliyo war-isgaarsiintiisa iyo lahadalkiisa dadka kale.

Qodobka 25aad-Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qayb-galo kulammo ama bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

2.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Qoobka 26aad-Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka

1.     Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jumhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo.

2.     Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasaboor.

Qodobka 27aad-Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda

Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqakan waxaa ka mid ah inuu samaysan karo xisbiyo siyaasadeed iyo inuu ka qayb-qaadan karo hawlaha siyaasadeed ee xisbiyada. Muwaaddinka qaangaarka ah waxaa intaa u dheer in uu si xor ah oo caddaalad ah u dhiibto codkiisa doorashada.

Qodobka 28aad-Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda

Muwaaddin kastaa wuuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.

Qodobka 29aad-Xiriirrada Shaqada

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir-shaqo oo caaddil ah.

2.     Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas.

3.     Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.

4.     Urur kasta oo shaqaale ah, mid loo-shaqeeye ah iyo shaaqealuhuba waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada.

Qodobka 30aad-Degaanka

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay degaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.

2.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo degaan laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyeellada.

3.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka-faa’ideysi xad-dhaaf ah oo degaanka waxyeello u geysan kara.

Qodobka 31aad-Hanti

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahy in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, kuna naalloodo.

2.     Dawladdu waxay si qasab ah hanti kula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud, waana in la heloo magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey, ama ay maxkamadi go’aamisey.

3.     Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu xaq u leeyahay in si degdeg ah magdhaw looga siiyo.

4.     Faqradda 1, 2 iyo 3 ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 50.

Qodobka 32aad-Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay heer-nololeed habboon oo ay ka mid yihiin cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo hoy.

2.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay dareyeel caafimaad.

3.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.

4.     Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay dawalddu ama cid kale ku soo faraggelin.

5.     Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxay dawladda ku waajibinayaan:

a.     In ay hubiso inaan xuquuqdan cid kale aysan faraggelin ku yeelan; iyo

b.     In ay dejiso barnaamaj hormarineed oo xuquuqdan lagu fulinaayo, hadba intii awooddeeda dhaqaale u suurraggelin karto.

Qodobka 33aad-Daryeelka Qoyska

1.     Guurku waa aas-aaska qoyska, waana saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib saaran Dawladda.

2.     Dowladdu waa in ay daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka.

3.     Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.

4.     Waalidka aan iskood isugu filnayni waxay dhashooda qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin inay daryeelaan.

Qodobka 34aad-Caruurta

1.     Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac iyo jinsiyad.

2.     Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqan xumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

3.     Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

4.     Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa.

5.     Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta.

6.     Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.

7.     Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kastoo maslaxaddooda khusaysa.

8.     Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.

Qodobka 35aad-Waxabarasho

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho.

2.     Xaqa waxbarashada waxaa ka mid ah in tacliin la raacdo, iyadoo ay Dawladdu ama cid kale soo faraggelin.

3.     Dawladda waxaa ku waajib ah inay ilaaliso inaysan cid kale soo faragelin xaqa waxbarashada.

4.     Dowladdu waa in ay xaqiijiso fulinta xaqa waxbarasaha carruurta ee dugsiyada hoose/dhexe, qasabka iyo lacag la’aantana ah iyo in muwaddin kastaa uu helo wabarasho aas-aasi ah. Waxbarashada Dugsiyada hoose/dhexe ee Dawladda waa inay ka mid ahaadaan tacliinta Islaamka iyo aqoonta guud.

5.     Dawladda waxaa ku waajib ah inay dejiso barnaamj horumarineed oo lagu fulinaayo xaqa waxbarashada, hadba intii awooddeeda dhaqaale suurtogelin karto.

6.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu dhiso oo maamulo dugsiyo iyo machadyo waxbarasho oo madax bannaan, kharajkoodana uu isagu isu qabo, ha yeeshee hay’adaha noocaan ahi waa inay buuxiyaan shuruudaha lagama-maarmaanka ah ee ay Dawladdu u dejisey.

Qodobak 36aad-Dhaqanka iyo Afka

1.     Qof kasta oo ka mid ah bulshooyinka oo dhaqan ahaan ama af ahaan laga tiro badan yahay waxay xaq u lee yihiin inay ku dhaqmaan hadba dhaqanka ay door-bidaan.

2.     Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuda aas-aasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.

Qodobka 37aad-Xaqa Xog-helidda

1.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo xogta ay dawladdu hayso.

2.     Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka xogta ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xaq kasta oo daw loo leeyahay.

3.     Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xuquuqdan, haddiise uusan jirin sharci noocaas ah, hay’adaha Dawladdu waa in ay noqodan kuwo u illin-furan bixinta xogta looga baahan yahay intii suurtogal ah.

Qodobka 38aad-Go’aannada Maamulka

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay go’aannada maamul ee hay’adaha Dawladda inuu uga cawdo maxkamadaha si waafaqsan sharciga.

Qodobka 39aad-Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay garsoor madax bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan gaaris ah u leh:

a)     Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama

b)     Fal dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogay, ciqaabna lagu mutaysanayo.

Qodobka 40aad-Xarig, Xabsi iyo Eedayn Shakhsi

1.     Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho.

2.     Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leedahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.

3.     Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.

4.     Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo qareen difaaca.

5.     Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed ahi waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.

6.     Garsoor caaddil waxaa ka mid ah:––

(a)   Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto;

(b)   Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan xukunkiisa saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay ;

(c)    Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay qareen matala ;

(d)   Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa;

(e)   Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.

(f)    Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.

(g)   Mas’uuliyada ciqaabatu waa shakhsi; qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.

(h)   Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawlaiga ah.

Qodobka 41aad-Isu-celinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha

1.     Waxaa dib loo celin karaa qof dembi ka soo galay dalkiisa ama dal kale oo ku soo cararay dalka soomaaliyeed, haddii uu jiro heshiis caalami ah oo ku waajibinaaya Dawladda Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

2.     Isu-celinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka dawlaiga ah, waana in baarlamaanku soo saaraa sharciga lagu maamulayo isu-celinta dembiilayaasha.

Qodobka 42aad-Qaxootiga iyo Magangelyada

1.     Qof kasta oo Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.

2.     Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka Dawliaga ah; kaas oo nidaaminaaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.

Qodobka 43aad-Xaddidaadda Xuquuqda

1.     Xuquuqda lagu sheegay cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, waase haddii sharcigaan uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo.

2.     Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo reebay ama arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay maangal la caddayn karo, lana aqbali karo, si waafaqasan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.

3.     Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la aqabali karo oo maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la xiriira xadeyntaas.

4.     Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaasi mid habboon in lagu gaaro ujeeddada ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey; iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas.

5.     Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxaa lagu sheegay Cutubka 15.

Qodobka 44-Sixitaanka Ku-xadgudubka Xuquuqda

1.     Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu daweynayo xadgudubyada xaquuqda aadanaha.

2.     Daweynta xadgudubyadaas waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.

3.     Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay maxkamad tagaan, qof ahaantooda.

Qodobka 45aad-Fasiraadda Xuquuqda Aas-aasiga Ah

1.     Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan cutubkan waa in maxkamaddu raacdaa waddo ay ku raadineyso in ay ku gaarto ujeeddooyinka xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin. Maxkamaddu waxay tixgelineysaa shareecada iyo qaanuunka Dawliga ah. Maxkamaddu waxay, sidoo kale, tixgelineysaa go’aannada ay gaaraan maxkamado dalal kale, in kastoo aysan ku qasbanayn in ay raacdo.

2.     Marka, guud ahaan, sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama madal kaleba waa in ay tixgelisaa muhimmada qodobbada cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadeeda ka dhigto kuwo la socon kara qodobbadaan.

3.     Xuquuqda aas-aasiga ah ee ku xusan cutubkani kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee shareecada islaamku jideysey iyo xeer-dhaqanka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.

Qodobka 46aad-Guddiga Xuquuqda Aadanaha

1.     Dawladdu waa in ay dhistaa guddi xuquuqda aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.

2.     Hawlaha guddiga xuquuqada aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, ayaga oo u dejinaaya xeerar lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda aadanaha; dabagelidda xuquuqda aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha.

CUTUBKA 4AAD-WAAJIBAADKA JAMHUURIGA AH

Qodobka 47aad-Waajibaadka Muwaaddinka

(1) Shareecada Islaamku waxay ilaalinaysaa isu-dheelitirnaanta xuquuda iyo waajibaadka.

(2) Waajibaadka waddaniga ah sina loogama sooci karo ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda kale. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah :-

(a) In uu noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa;

(b) In uu ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qayb qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay;

(c) In uu horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo;

(d) In uu dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale;

(e) In uu horumariyo mabda’a la xisaabtanka iyo talinta sharciga;

(f) In uu noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka;

(g) In uu noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga;

(h) In uu difaaco dhulka Jamhuuriyadda.

CUTUBKA 5AAD-DHUL, HANTI IYO DEEGAAN

Qodobka 48aad-Dhulka

(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.

(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsada, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar joogto ahna leh;

(3) Dawladda Federaalku, iyadoo la tashanaysa dawlad-goboleeyada iyo ciddii kale oo ay khuseyso, waa in ay samaysaa siyaasad-dhuleed qaran iyo hannaan loogu talo-galay maamulka iyo ku-dhaqanka dhulka Jamhuuriyadda. Siyaasaddaas waa in lagu hirgeliyaa si waafaqsan awoodaha lagu qoondeeyay Jadwalka 2 waana in ay sugtaa diiwaangelinta, ku-dhaqanka, lahaanshaha, degmaysiga, xuquuqda maamulka, amniga, danaha gaarka ah iyo warqadaha sharciga lahaanshaha.

(4) Dawladdu uma bixin karto si abadi ah qayb ka mid ah dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya.

(5) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci nidaaminaya kireynta iyo arrimaha kale ee la xiriira dhulka Dawladda, badda ama hawada. Si loo xaqiijiyo in heshiisyada arrimahaas la xiriiraa ay yihiin kuwo ay danta guudi ku jirto waa in:

(a) Marka ay tahay heer federaal, waa in xeer-dejinta federaalku ay oggolaansho ku soo saartaa xeer arrinkan xakamaynaya.

(b) Marka ay tahay heer dawlad-goboleed, xeer-dejinta maamul-goboleedku oggolaansho ku soo saartaa xeer arinkan xakamaynaya.

Qodobka 49aad-Isu-celinta Hantida

(1) Xukuumadda federaalka oo kaashanaysa Dawlad-goboleedyadu waa in ay u hawl-gashaa dib-u-soo-celinta hantida Dowladda oo si sharcidarro ah ay dad kale ku haystaan.

(2) Xukuumadda federaalku, ayada oo kaashanaysa xukuumadaha Dawlad-goboleedyada, waa in ay u guntataa dib-u-soo-celinta dhammaan hantidii dadka; ha ahaato dhul ama hanti kale oo si sharcidarro ah ay dad kale ku haystaan.

Qodobka 50aad-Khayraadka Dabiiciga iyo Deegaanka

(1) Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta, daaqa iyo ugaartu waa hanti dadweyne. Waa in uu baarlamaanku dejiyaa sharci tilmaamaya habka looga faa’ideysanayo khayraadkaas, si ay ku jirto danta guud.

(2) Xukuumada federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, kaydinta iyo dhawrista deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo qaab-dhismeedka deegaanka.

(3) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta degaanka Iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maaraynta, xannaanaynta iyo dhawrista khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka.

(4) Xukuumadda Federaalka iyo xukuumadaha Dawlad-goboleedyada ee waxyeellada deegaanku ay saameeyeen waa in ay:

(a) Dhaqan-gelisaa tallaabooyin lagu nadiifinayo wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda;

(b) Dejisaa sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo ku-daadinta wasakhdaas; taas oo ah xeer-jebin qaanuunka dawliga ah iyo ku-xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda.

(c) Qaaddaa tallaabooyinka lagamamaarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa mas’uulka ka ah ku-aasidda wasakhada; ha joogeen Jamhuuriydda gudaheeda ama meel kale.

(d) Qaaddaa tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-u-qaadidda deegaanka iyo in laga hortago hawlaha wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka dalka.

CUTUBKA 6 AAD-MATALAADDA SHACABKA

 

Qodobka 51aad-Mabaadi’da Guud ee Matalaadda

(1) Nidaamaka doorashadu waa in uu ku dhisnaadaa mabaadi’da soo socota:

(a) Ku-dhaqanka xuquuqda siyaasadda ee muwaaddiniintu waxay ku caddahay qodobka 27aad.

(b) In geeddisocodka doorashadu noqoto mid sahlan, la fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba.

(c) Dadka gaarey da’da codbixinta oo dhammi xaq siman ayay u leeyihiin in ay codkooda

dhiibtaan;

(d) In dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliya ay helaan matalaad caaddil ah.

(e) In codadka cod-bixiyayashu ay sinaadaan intii suurto gal ah.

(f) In laga hortago iska-hor’imaadyada iyo kicinta colaadaha, iyo

(g) In doorashooyinku ahaadaan xor iyo caddaalad , kuna dhacaan:

i. codbixin qarsoodi ah;

ii. si ka xor ah rabshado, handdidaad, musuqmaasuq iyo laaluush;

iii. si furan, laguna maamulo eex la’aan, dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo qaab laxisaabtan leh.

(2) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci nidaaminaayo qabashada doorashooyinka qaranka iyo Dawlad-goboleedyada. Sharcigaas inta suurtogal ah waa in uu xaqiijiyaa:-

(a) In doorasho kasta codbixiyeyaashu ay helaan macluumaad ku filan oo ku saabsan nidaamka doorashada, habraacyada iyo cidda ay dooranayaan;

(b) Muwaaddin kasta oo xaq u leh in uu codeeyo waa in uu isdiiwaan-geliyo, kaddibna codeeyo, is’hortaag iyo takoorid la’aan;

(c) Qof kasta oo codaynayaa in uu awood u leeyahay in uu codkiisa u dhiibto si waafaqsan damiirkiisa, iyadoo uusan jirin cadaadis uga imaanaya cid kale;

(d) Musharraxiinta iyo xisbiyada siyaasiga ah ee ku tartamaya doorashooyinku waa in ay helaan fursado siman oo caddaalad ku dhisan, xilliga u-ol’olaynta doorashada;

(e) In la xaddido saamaynta ay lacagtu ku yeelan karto natiijada doorashooyinka;

(f) Nidaamka codbixintu waa in uu ahaadaa mid sahlan oo hufan, la hubin karo, nabadgelyo leh, lala xisaabtami karo oo furfuran;

(g) In uu jiro nidaam iyo hab lagu xaqiijin karo xafidaadda agabka doorashooyinka, loogana hortegi karo maamulxumo; iyo

(h) In la diyaariyo qaab habboon oo lagu xalliyo murannada ka dhasha doorashooyinka.

 

Qodobka 52aad-Xisbiyada Siyaasiga Ah

(1) Xisbi siyaasadeed aan diiwaaan-gashanayni musharrax ma soo xuli karo.

(2) Baarlamaanku waa in uu soo saaro sharciga diiwaan-gelinta iyo diiwaan-ka-saaridda xisbiyada siyaasadda. Waa in la diiwaan-geliyo xisbigii buuxiya shuruudaha Dastuurkaan iyo halbeegayada kale ee lagu xusay sharciga.

(3) Waxaa reebban in la diiwaan-geliyo xisbi-siyaasadeed ku dhisan hayb-qabiil iyo ujeeddo ciidan.

(4) Habraaca diiwaanka looga saarayo xisbi-siyaasadeed jebiyey Dastuurka, sharciga ama xeerdhaqanku waa in uu xaqiijiyaa in ciqaabta xisbigu ay u dhiganto xadgubka dhaqankiisa iyo in habraacu noqdo mid cadaalad ah, kana madax bannaan Dawladda ama xisbi kale oo siyaasadeed iyo faragelinno kale oo aan loo baahnayn.

(5) Sharciga lagu dhaqayo xisbiyada siyaasaddu waa in uu waajib uga dhigaa xisbiyada in ay lahaadaan Dastuur iyo habraacyo ku dhisan dimoqraaddinnimo iyo takoorid la’aan ah, si caadi ahna xisaabaadkooda loo baari karo.

(6) Sharciga lagu dhaqayo xisbiyada siyaasaddu waa in uu waajib uga dhigaa xisbiyadaasi in ay caddeeyaan, ilaa iyo xad, taageerada maaliyadeed ee ay ka helaan ilaha qaarkood.

 

Qodobka 53aad-Xeer-dhaqanka Guud ee Xisbiyada Siyaasiga Ah

Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay khuseyso, waa inuu diyaariyaa xeer-dhaqanka guud ee xisbiyada siyaasadda.

 

Qodobka 54aad-Xeer-dhaqanka Waqtiyada Doorashada

Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay khuseyso, waa in uu diyaariyaa xeer-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, musharraxiinta iyo warbaahinta, kaasoo nidaaminaya hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda xilliga ay ku jiraan ol’olaha qabashada doorashada, codaynta iyo wixii ka dambeeya.

CUTUB 7AAD-QAABDHISMEEDKAFEDERAALKA EE JAMHUURIYADDA

Qodobka 55aad-Qaabdhismeedka Jamhuuriyadda

  1. (1)  Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah, taasoo dadku, si dimoqraaddi ah, ay awood ugu leeyihiin in ay ugu dhaqmaan madaxbannaanidooda heerarka kala duwan ee hay’adaha xukuumadda, iyadoo loo marayo hay’ado iyo habab u qalma dhaqankooda iyo baahidooda. Waxaa jira saddex heer oo dawladeed.(a) Heerka degaanka oo hay’adaha iyo qaybaha bulshadu ay noqonayaan asaaska xukuumadda, kana qaybgalyaan sameynta golayaasha dowladaha hoose ee ay tahay in la dhsio.
    1. (b)  Heerka Dawlad-goboleed ku dhisan nidaam isdoorasho iyo isxisaabin sida uu dhigayo Dastuurkan iyo dastuurrada dawlad-goboleedyada oo dhan.(c)  Heerka Dawladda Qaran ee Federaalka
  2. (2)  Waxaa dastuurkan lagu qeexayaa hay’adaha iyo nidaamyada xukuumadda ee heerka federaalka iyo hay’adaha qaranka.

Qodobka 56-Mabaadi’da Federaalka Jamhuuriyadda

(1) Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kale, waa in ay ilaailyaan mabaadi’ida federalinimada; kuwaas oo ah:

  1. (a)  Heerarka xukuumadda tu’walba oo kamid ahi inay haysato taageerada dadweynaha.
  2. (b)  Awoodda oo la siiyo heerka xukuumadeed ee si wax-ku-ool ah u gudan kara una isticmaali kara awooddaas.
  3. (c)  Xiriir iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo u dhexeeya dawlad-goboleedyada dhexdooda iyo dawlad-goboleedyada iyo Dawladda federaaliga ah, si uu u jiro dareen midnimo qaran.
  4. (d)  Qayb kasta oo Jamhuuriyadda ka tirsani in ay hesho isla adeegyada ay kuwa kalena helaan iyo, sidoo kale, waxqabad xukuumadeed oo waxtar leh.
  5. (e)  Khayraadka dalka oo si siman loo qaybsado.
  6. (f)  Dakhli-ururin oo laga sameeyo heerka ugu wax-ku-oolsan .
  7. (g)  Khilaafaadka oo wadahadal iyo heshiis-raadin laguxalliyo.

Qodobka 57aad-Xiriirrada u Dhexeeya Heerarka Dawladda

  1. (1)  Dowlad-goboleed kastaa waa inay ku dedaashaa xiriiri skaashi ku dhisan inay layeelato xukuumadaha ay isku heerka yihiin iyo kuwa heerarka kale. Xukuumad waliba waa inay ilaalisaa xuduudda awoodaheeda iyo awoodaha kuwa kale. Waa inay dhiirri-gelisaa xiriir saaxiibtinnimo oo ay yeeshaan xukuumadaha ka jira meelaha kale ee dalka iyo dadweynahooda. Xukuumad waliba waa inay hubisaa xukuumadaha kale inay ku war- gelisey siyaasadaha amaba hawlaha gudaha xuduuddeeda ka socda; kuwaas oo laga yaabo inay meelo kale saamayn ku yeelan karaan. Meeshii ay suuraggal tahayna waa in xukuumaduhu si wadajir ah ay mashaariic wadaag ah uga dhaqan-geliyaan.
  2. (2)  Si loo helo xiriir iskaashi, waa in sharcigu jideeyo kulan-sannadeed ay isugu yimaadaan madaxda fulinta ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda federalku, si ay uga xaajoodaan, isuguna dubbo-ridaan qorshaha dawlad-goboleedyada iyo arrimaha la xiriira taageerada dowlad goboleedyada.
  3. (3)  Waa waajib in la qabto kulannada masuuliinta heer dawlad-goboleed, marka laga hadlayo arrimo saamaynaya wax ka badan hal dawlad-goboleed sida biyaha, beeraha iyo waxbarashada.
  4. (4)  Dawlad-goboleedyadu waxay lageli karaan heshiis qoraal ah dawladda Federaalka ah, iyaguna dhexdooda heshiis way kala saxiixan karaan. Hase ahaatee, heshiisyadaasi ma laha awood sharci, waxaase looga jeedaa inay noqdaan hab iskaashi oo keliya.Qodobka 58aad-Wada-xaajoodyada Dawliga ah
    1. (1)  Iyadoo dareen iskaashi lagu shaqeynayo, waa in dawladda federalka ahi ay dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga ama arrimaha kale ee muhiimka ah ee heshiisyada dawliga ah ku saabsan.
    2. (2)  Halka ay wada xaajoodyadu ay si gaar ah u saamaynayaan danaha gaarka ah ee dowlad- goboleedyada, dawladda federalku haddii ay suurtagal tahay waa in ay ku dartaa ergada wada-xaajoodka gelaysa wakiilo ka socda dawlad-goboleedkaas.
    3. (3)  Marka la gelayo wada-xaajoodyada, dawladda federaalka ahi waa inay tixgelisaa inay tahay wakiil lagu aamminey danaha dawlad-goboleedyada.

Qodobka 59aad-Dawladda Hoose iyo Maamulka

  1. (1)  Dowladda federaalku waxay soo saaraysaa sharciyo lagu dhisayo qaabka iyo mabaadi’da hageysa dawladaha hoose.
  2. (2)  Dawlad-goboleed kastaa waa in ay abuurto nidaam dawlad hoose oo waafaqsan habraaca sharci-dejinta federaalka.
  3. (3)  Xukumadaha Dawlad-goboleedyadu waa in ay siiyaan dawladaha hoose awood ay ku mamulaan sharciga iyo barnamijyadooda, si waafaqsan mabda’a ( b) ee mabaadi’da federaalka ah ee ku xusan qodobka 56(1). Hawlaha waxaa loogu wareejinayaa goleyaasha dowladaha hoose si tartiib- tartiib ah oo la socota hadba koritaanka kartidooda. Sharci federaali ah ayaa tilmaami doona qaabdhismeedka ay u raaci doonaan dawlad-goboleedyadu awood-wareejin kasta oo ay dawladaha hoose ku wareejinayso xilalka.
  4. (4)  Xukuumadda federaalka iyo kuwa dawlad-goboleedyadu waxay masuuliyadda maamulka sharciga iyo barnaamijyada ku wareejin karaan hay’adaha iyo bulshooyinka degaanka.
  5. (5)  Hey’adaha iyo bulshada degaanka waa in la dhiiri-geliyaa, la taageeraa, lagana kaalmeeyaa sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka uu Dastuurku dusha ka saaray eek u saabsan dimoqraaddiyada iyo xuquuqda aadanaha.Qodobka 60aad-Qaybinta Awoodaha
  1. (1)  Dowladda federaalku waxa ay awood u leedahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya oo dhan u samayso sharciyo maamul-wanaagga ku saabsan, iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulidda sharciyadaas.
  2. (2)  Dawlad-goboleed kastaa waxay awood u leedahay in ay samayso sharciyo maamul- wanaag ah oo iyada ku eg, iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulida sharciyadaas.
  3. (3)  Awoodaha waxaa lagu qaybiyey Jadwalka 2aad oo ka kooban tax lagu muujinayo awoodaha la siiyey Dowladda federaalka, xukuumadaha dawlad-goboleedka ama si wadajir ah loo siiyey federaalka iyo dawlad-goboleedda.
  4. (4)  Taxa Awoodaha u gaarka ah Dawladda federaalka waxaa fulin karaya oo keliya dawladda federaalka, haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku xusan qodob kale oo ku jira cutubkan.
  5. (5)  Taxa Awoodaha u gaarka aha Dawlad-goboleedka waxaa fulin karaya oo keliya dawlad- goboleedka, haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku xusan qodob kale oo ku jira cutubkan.
  6. (6)  Taxa awoodaha wadaagga ah ee federaliga waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federalka iyo dawlad-goboleedyada. Haddii ay dhacdo in khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaliga iyo dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah waxaa awood leh sharciga federaalka.
  7. (7)  Taxa awoodaha wadaagga ee Dawlad-goboleedyada waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyadaba. Haddi ay dhacdo in khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaaliga iyo dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah, waxaa mudnaanta leh sharciga dawlad-goboleedyada.
  8. (8)  Dawladda federaalku waxa ay sharci ka samayn kartaa arrin kasta oo aan lagu xusin taxda jadwalka 2aad.

Qodobka 61aad-Dhaqangellinta Awoodaha wadaagga ah ee sharcidejinta ee dawlad-goboleedyada

  1. (1)  Si loo xoojiyo wada-shaqaynta,dawlad-goboleeddii doonaysa inay ka soo saarto sharci arrin kasta oo soo gelaysa Taxa awoodaha la wadaago ee federaalka ama Taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedda waa in ay la tashataa dawladda federalka ah.
  2. (2)  Waa in la soo saaro sharci federaali ah si loo dejiyo habraac dawlad-goboleedyada siinaya masuuliyad ay ku samaysan karaan sharci kasta oo ku saabsan arrimaha hoos-imaanaya taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedyada. Habraaca noocaas ahi waa in uu ku lug-lahaado qiimaynta awoodda dawlad-goboleedyadu ku qaadi karaan masuuliyadda soo-saaridda iyo maamulida sharci ku saabsan arrintaas.Qodobka 62aad-Igmashada Awoodaha
  1. (1)  Xukuumad kastaa waxay u xilsaaran kartaa awood mamul iyo masuuliyado dawlad ama dawlado kale oo heer kale ah, iyadoo raacaysa habraac ay wadatashi kula yeelanayso dawladdaas.
  2. (2)  Dawladda federaalku waxay u xilsaaran kartaa mid ama ka badan xukuumadaha dawlad- goleedyada awood ay sharci ugu sameeyaan arrin ka mid ah awoodda xeerdejinta Dawlada federaalka oo looga gol leeyahay dan guud ama mid gaar ah.
  3. (3)  Haddii Dawladda federaalku u xilsaarato awood sharci mid ama dhammaan dawlad- goboleedyada, waa in ay xaqiijisaa in dawlad-goboleeddaas hesho ama loo ogolaado in ay urursato dhaqaalaha lagama-maarmaanka u ah fulinta hawsha dawladda federaalku u igmatay.
  4. (4)  Dowladda federaalku haddii loo baahdo way kala noqon kartaa awoodaha ay cid kale ugu xilsaaaratay qodobkan, iyadoo ogeysiineysa waqtiga ugu habboon dawlad- goboleedda ama dawlad-goboleedyada ay khusayso.
  5. (5)  Mid ama ka badan dawlad-goboleedyadu waxay ka codsan karaan dawladda federaalka in ay qaaddo masuuliyadda ah in ay ka soo saarto sharci arrin gaar ah oo ka mid ah awoodaha xukuumadaha dawlad-goboleedyada.Qodobka 63aad-Arimha Maaliyadeed
  1. (1)  Awoodaha dakhli-uruurinta ee heerarka kala duwan ee xukuumaddu waxay ku xusan yihiin Jadwalka 2aad.
  2. (2)  Xukuumadda federaalku waxay awood u leedahay in ay ku bixiso kharash ujeeddo kasta oo sharciga waafaqasan, ha ahaato mid ay siisay awooddeeda sharci-dejineed ama yaysan ahaane.
  3. (3)  Mabaadi’da iyo habka loogu qaybinaayo hantida maaliyadeed heerarka kala duwan ee xukuumadaha waxaa lgu qeexayaa Cutubka 14aad.Qodobka 64aad-Maxkamadaha
  1. (1) Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa ka jira nidaam garsoor midaysan, sida kucad Cutubka10aad.
  2. (2)  Ka sokow faqrada (1) khilaafaadka lagu xalliyo xeer-dhaqameed waa lagu sii dhaqmi karaa haddii aysan ka hor’imaaneynin Shareecada ama Dastuurka dalka.

Qodobka 65aad-Shaqada Dawladda ee Rayidka ah

  1. (1)  Xukuumadda federaalka iyo dawlad-goboleedyadu waxay shaqaalasanayaan hawl- wadeennadooda.
  2. (2)  Gudigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalku wuxuu dejinayaa mabaadi’da, xeerarka iyo shuruudaha shaqo-qorista iyo arrimaha kale ee khuseeya shaqada dawladda ee heer kasta.
  3. (3)  Dawladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu waxay iska kaashanayaan ka-wada- faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo’aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka.Qodobka 66aad-Awoodaha Xukuumada Federaalka ee Taageera Nidaamka Federaalka
  1. (1)  Haddii xukuumad dowlad-goboleed ay gudan kari waydo xilkeeda ama ay ku kacdo maamul xumo maaliyadeed, masuuliyada koowaad ee xukuumada federaalku waa in ku taageerto xukuumada dowlad-goboleedda sidii ay wax uga qaban laheyd xad-gudubyadaas, ayna qaado talaabo kasta oo lagama maar maan ah oo dowlad-goboleedda u suurto galinaya in ay xilkeeda u gudato si wax ku ool ah.
  2. (2)  Haddii dawlad-goboleed gudan weydo waajibaadkeeda dastuuriga ah ama sharci kale oo federaal ahi u xilsaaray, xukuumadda federaalku waa in ay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku meel marineyso fulinta waajibaadkaa. Talaabooyinkaas waxaa ka mid ah in xukuumada federaalku farto dowlad-goboleedda dhaqan-galinta arimaha ay gabtay, dawlad-goboleedduna waa in ay amarkaas u huggaansataa. Hasa yeeshee, awaamirta noocaas lama bixin karo haddii aysan ogolaan kala bar xubnaha Aqalka Wakiillada Dawlad- Goboleedyadu marka laga reebo wakiillada dawlada-goboleedda waajibaadkeeda dastuuriga ah gabtay.Qodobka 67aad-Magaala-madaxda Qaranka

Fiiro: Maqaamka Muqdisho (Xamar), oo ah Magaala-madaxda Jamhuuriyada waxaa loo habeyn karaa sedaxda hab ee soo socoda mid kood, hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka dadweynuhu ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka

XULASHADA 1aad ( Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed)

  1. (1)  Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad goboleed.
  2. (2)  Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo la tashatay Dowladda Fedelaaka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada Federaalka.
  3. (3)  Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan arimaha canshuuraha, xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda.

XULASHADA 2aad(Degmada Caasimadda Federaalka)

  1. (1)  Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah Dowladda Federaalka.
  2. (2)  Degmada magaala-madaxda federaalku kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad-goboleed.
  3. (3)  Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada magaala-madaxda federaalka.
  4. (4)  Sharciga doorashooyinka federaalku waa in uu siiyaa muwaadiniinta degan degmada magaala-madaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala Golaha Shacabka, waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dowlada Federaalka awgeed.
  5. (5)  Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada.
  6. (6)  Xukuumada federaalku waxay awood u leedahay in ay dejiso shuruuc ayna maamusho dhamaan arimaha magaalo-madaxda iyadoo adeegsaneysa taxaha awoodaha la siiyay magaala-madaxda federaalka, hase yeeshee waxay awoodaheeda u xilsaaran kartaa golaha maamul ee caasimada federaalka si la mid ah sida ay ugu xilasaaran karto dowlad-goboleedyada sida ku cad qodobka 62aad ee Cutubkan.
  7. (7)  Golaha maamul ee magaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi ee ku xusan dastuurkan.

XULASHADA 3aad (Caasimad ah Dawlad-Goboleed)

  1. (1)  Magaala-madaxda federaalku waxay noqonaysaa dowlad-goboleed;
  2. (2)  Magaala-madaxda federaalku kuma biiri karto gobol kale ma noqon karto qayb dowlada-goboleed kale ku dhul ballaarsato.
  3. (3)  Golaha maamul eemagaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashiga ee ku xusan dastuurkan. Waa in ay si gaar ah ugu heshiiyaan arimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda.Qodobka 68aad-Xalinta Khilaafaadka
  1. (1)  Mabada’ ahaan khilaafyada u dhexeeya dawladaha waa in lagu xalliyaa hab wadaxaajood iyo dhexdhexaadin ku dhisan iskaashi iyo niyadsami.
  2. (2)  Dawlada federaalka iyo xukuumadaha dowlad-goboleedyadu way ku heshiin karaan in ay dhistaan maxkamad gaar ah oo lagu xaliyo khilaafaadka dhaxsada dowladaha.
  3. (3)  Khilaafka u dhexeeya dowladaha ee lagu xallinwaayo dhexdhexaadin iyo wadaxaajood waa in loo gudbiyaa Makamada Dastuuriga oo go’aan ka gaaraysa.Qodobka 69aad-Xuduudaha Gobollada
  1. (1) Guddiga Xadeynta Xuduudaha Gobollada ayaa xallin doona dhammaan murannada hadda taagan iyo kuwa mustaqbalka ee la xariira xuduudaha iyagoo raacaya sharciga laga dejin doono arrimahaas
  2. (2) Guddiga Madaxa Bannaan Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ama ciddii bedesha ayaa iyaga oo la tashanaya guddiyada kale ee qaran ka caawin doona Dawladda Federaalka go’aaminta tirada ugu yar iyo tan ugu badan ee dawlad-goboleedyada la sameynayo.
  3. (3) Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa
  4. (4) Laba gobol ama wax ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-goboleed iyaga xor u ah go’aankoodaQodobka 70aad-Samaynta Dawlad-Goboleedyo Cusub
  1. 1)  Ugu yaraan laba gobol ama ka badan oo si xor ah isugu tagay ayaa sameysan kara dawlad- goboleed;
  2. 2)  Dawlad-goboleed cusub ayay sameysan karaan dawlad-goboleedyo jiray hadii tiro macquul ah oo ah hal iyo wax ka badan oo ka mid ah dawlad-goboleedyadaas ay doonayaan in ay sameystaan dawlad-goboleed ayna sameynta dawlad-goboleedkaas tahay sida kaliya ee ay ku gaari karaan danaha guud ee ay wadaagaan
  3. 3)  Dawlad-goboleed cusub waxaa la samayn karaa hadii arrintaas ay taageersanyihiin aqlabiyada dadka:(a) Degengobolladasameysanayadawlad-goboleedkacusub
    (b) Deggangobolladaaysaameynaysosameyntadawlad-goboleedkacusub;
    (c) Haddii aysan samenta dawlad-goboleedkaas aysan ka hor imaanayn danta qaranka;(d) Isla markaana aysan khatar gelinayn midnimada qaran ee federaalka
  4. 4)  Sameynta dawlad-goboleed cusub lama ogolaan karo haddii aysan awood u yeelan doonin in ay fuliso waajibaadka iyo hawlaha laga rabo dawlad-goboleed ka tirsan federaalka sida dhawridda xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta ku nool dawlad goboleedka, aysana lahayn isku- filnaansho dhaqaale ay ku fidiyaan adeegyada asaasiga ah. Baarlamaanka ayaa meelmarinaya sharciga sameynta dawlad-goboleedyada cusub.
  5. 5)  Haddii laba iyo wax ka badan dawlad-goboleedyada deriska ahi ay ku heshiiyaan in ay badalaan xuduudaha ay wadaagaan, Golaha Shacabku waa in uu ansixiyaa haddii saddex dalool laba dalool ka mid ah goloyaasha degmooyinku ogolaadaan xuduud bedeliddaQodobka 71aad-Oggolaanshaha Ku- soo-biiritaanka Jamhuuriyadda
  1. 1)  Hannaanka Federaalaynta waa in loo maraa wadahdal iyo iskaashi.
  2. 2)  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa maamuladda doonaya in ay kusoo biiraan Federaalka, waxayna dhiirigelinaysaa ku-soo-biiritaan qaab nabadeed loo marayo.

 

CUTUBKA 8AAD-BARLAMAANKA FEDERAALKA

 

Qodobka 72aad-Dhismaha Baarlamaanka

Barlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuu ka koobnaan doonaa labo Aqal: Golaha Shacabka iyo Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada.

Qodobka 73aad-Xilka Golaha Shacbiga

Xilka Golaha Shacbigu waa in uu matalo shacabka Soomaaliyeed, si ay uga qayb-qaataan xeerdejinta iyo oggolaanshaha miisaaniyadda qaranka iyo dhammaan kharashyada xukuumadda, kormeeridda hawlaha dawladda iyo gudashada dhammaan xilalka kale ee uu Dastuurku u xilsaaro.

 

Qodobaka 74aad-Xilka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada

Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu waxaa xil gaar ahi ka saran yahay matalaadda dawlad-goboleedyada Soomaaliya iyo ilaalinta nidaamka federaalka. Waxay ka qayb- galaan xeerdejinta iyo oggolaanshaha miisaaniyadda qaranka. Sidoo kale, waxa ay ka qayb-galaan kormeerka hawlaha xukuumadda iyo hawlaha kale ee uu u xilsaaro Dastuurku.

 

Qodobka 75aad-Xubinnimada Golaha Shacbiga

(1) Tirada xubnaha Golaha Shacbiga waxa ay noqonaysaa 200 ilaa 300 oo ay soo dooranayaan dadweynuhu iyagoo raaacaya sharciyada loo meelmariyay si waafaqsan qodobka 52(2) .

(2) Taariikhda doorashooyinka Golaha Shacbiga waa in ay gooyaan Guddiga Doorashadu kaddib markuu la tashado Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo Afhayeenka Golaha Shacbiga, waana in lagu qabtaa inta aysan dhammaan lixdanka casho ee ugu dambeeya jiritaanka Golaha Shacbiga.

Qodobka 76aad-Xubinnimada Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada

Xubnaha Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu waxa uu ka koobmaa ergo 10 xubnood ah oo ka kala imaanaysa dawlad-goboleed kasta. Xubin ka mid ah ergadu waxay noqonaysaa madaxa Xukuumadda dawlad-goboleedda ama qof isaga matalaya, 9ka xubnood ee kalena waxaa soo magacaabaya baarlamaanka dawlad-goboleedda oo ka soo xulaya xubno ka baxsan baarlamaanka dawlad-goboleedda.

Qodobka 77aad-Ka-mid-noqoshada iyo Waayidda Xubinnimada

(1) Qofna xubin kama noqon karo labada Aqal ee baarlamanka haddii aan loo diiwaangelin in uu yahay cod-bixiye Soomaali ah oo ay da’diisuna ka weyn tahay 25 sano.

(2) Qofna xubin kama noqon karo labada Aqal ee baarlamanka haddii:

  1. (a) Si sharciga waafaqsan loo caddeeyey dhimirkiisu inuusan dhammayn;
  2. (b) Si sharciga waafaqsan loo caddeeyey in uu musallif yahay;
  3. (c) Lagu helo dembi la xiriira doorashooyinka 10kii sano ee ugu dambaysey gudaheeda;
  4. (d) Lagu helo dembi ku lug leh musuqmaasuq iyo ku-tagrifalid awood xafiis ciqaabteedu ay ka badan tahay 5 sano, Kaddib marka la dhaqan-geliyo Dastuurkan; ama
  5. (e) Xabsi uu ku jiro.

Qodobka 78aad-Muddada Xilka Xubnaha Baarlamaanka

(1) Haddii aysan dhicin xaaladaha lagu xusay faqrada (2), qofka xubin ka ah Golaha Shacbigu waxa uu xilka haynayaa ilaa laga dhaariyo xubnaha baarlamaan cusub, kaddib doorashada guud ee xigta.

(2) Marka laga tago faqrada (1), xubintu waxa ay xubinnimadeeda ku waayi kartaa haddii uu:

  1. a)  Istiqaalo keeno;
  2. b)  Xubinnimada ku waayo sida ku xusan qodobka kore; ama
  3. c)  Loo doorto ama loo magacaabo xafiis hawshiisu aanay la socon karin xubinnimada baarlamaanka.

(3) Qofka Xubin ka ah Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu wuxuu xilka ku waayayaa marka:

  1. a)  uu ku waayo xubinimadiisa sida uu qabo aodobka 77.
  2. b)  xilka looga qaado si waafaqsan Dastuurka Dawlad-Goboleedda; ama
  3. c)  uu istiqaalo keeno.

Qodobka 79aad-Xilka Xubnaha

(1) Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqala ee baarlamankau markuu xilkiisa gudanayo waa in uu ku shaqeeyaa si ay danta qaranku ku jirto.

(2) Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacbiga oo matasha degaan/codbixiyeyaal waxa masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay matalaadda codbixiyayaasheeda, iyada oo aan loo eegaynin xiriirkooda siyaasadeed.

(3) Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu waxa uu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha dawlad-goboleedda uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi federaalnimo.

Qodobka 80aad-Afhayeenka iyo Ku-xigeenka Aqal Kasta

(1) Doorashada guud kaddib waa in Aqal kastaa fadhigiisa koowaad ka dhex-doorto xubinhiisa Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa. Fadhiga waxaa shir-gudoominaya xubinta Aqalka ugu da’da weyn.

(2) Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisu, Aqalku waa in uu u doortaa mid ka mid ah xubnihiisu in uu noqodo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.

(3) Afhayeenku waa in uusan qaban ama uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.

(4) Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa waxaa xilka looga qaadi karaa codbidxinta saddex dalool laba dalool xubnaha baarlamaanka.

Qodobka 81aad-Muddada

(1) Muddada xilka Golaha Shacbigu waa 5 sano laga bilaabo fadhiga koowaad ee doorashada ka dib, haddii aan Aqalka lagu kala dirin sida uu qabo Qodobka 82.

(2) Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu waa Gole Joogto ah.

Qodobka 82aad-Fadhiyada

(1) Golaha Shacabka ee cusub, lana soo doortay waa in uu qabsadaa fadhigiisa koowaad 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa gooynaya guddiga doorashada.

(2) Baarlamaanku waa in sanad kasta uu yeeshaa labo kalfadhi oo ka bilaabanya bilaha Abriil iyo Oktoobar, waana in uu kalfadhi kasta fariistaa ugu yaraan tiro go’an oo maalmo ah.

(3) Go’aan baarlamaan ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhaha kalfadhiyada Aqal kasta.

(4) Marka kalfadhiyada Aqalka la soo gebagabeeyo, kalfadhi aan caadi ahayn waxaa isugu yeeri kara Madaxweynaha (nidaamaka baarlamaaniga isaga oo fulinaya codsiga Golaha Wasiirada) ama Afhayeenka. Kalfadhi aan caadi ahayn waxaa la isugu yeeri karaa marka ay codsi qoraal ah ku weyddiistaan 20% xubnah Golaha Shacbigu ama kalabbar oo bar ergooyinka dawlad-goboleedyada ee Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyada kalfadhiyadiisa.

Qodobka 83aad-Kala-dirista Gololaha Shacbiga

Lama kala diri karo Golaha Shacbiga ka hor dhammaadka muddadiisa shanta sano ah marka laga reebo (nidaamaka baarlamaaniga) haddii uu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka dowlada sida ku xusan Qodobka 106(3).

 

Qodobka 84aad-Xeer-hoosaadka

(1) Aqal kastaa waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa iyo dadweynaha.

(2) Fadhiyada labada Aqal iyo guddiyadooduba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee furfurnaanta dawladda, haddii aanu Afhayeenku amrin sidaas si ka duwan.

Qodobka 85aad-Tirada Shirarku Ku Qabsoomayaan (Quorum)

(1) Qabsoomidda kalfadhiyada baarlamaanka waxa looga baahan yahay ka-soo-qaybgalka saddex dalool laba dalool xubnaha labada Aqal.

(2) Golaha Shacbigu wuxuu qabsan karaa hawshiisa keliya marka ay joogaan saddex dalool hal dalool xubnihiisu.

(3) Aqalka Wakiillada dawlad-goboleeddu wuxuu qabsan karaa hawlihiisa keliya marka ay joogaan ugu yaraan min hal qof oo ka socda saddex dalool hal dalool dawladgoboleed kasta isla markaana ay joogaan ugu yaraan saddex dalool hal dalool xubnaha Aqalku.

(4) Golaha Shacbigu wuxuu sharci u codayn karaa marka ay joogaan kalabbar oo bar xubnihiisu.

(5) Aqalka Wakiilladu wuxuu sharci u codayn karaa keliya marka ugu yaraan uu ka joogo min hal qof oo ka socda saddex dalool hal dalool dawladgoboleed kasta isla markaana ay joogaan ugu yaraan kala bar xubnaha Aqalku.

Qodobka 86aad-Go’aan-gaarista

(1) Haddii Dastuurku uusan u tilmaamin si kale, go’aan kasta ee Golaha Shacbiga ka soo baxaa wuxuu ku ansaxayaa codka aqlabiyadda xubnaha jooga ee codeeyey.

(2) Haddii aan si kale Dastuurku sheegin, ergada ka socota dawlad-goboleed kastaa waxay wadar ahaan u leedahay hal cod marka go’aan lagu gaarayo Golaha Wakiillada dawlad-goboleedyada.

Qodobka 87aad-Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka

(1) Hindise sharciyeed oo saamaynaya dhammaan ama qayb ka mid ah dawlad- goboleedyada ama nidaamka Dawladda federaalka waxaa la hor-geyn karaa ku’ kasta oo ka mid ah labada Aqal.

(2) Hindise sharci oo kasto waa in la hor-geeyaa Golaha Shacbiga.

(3) Xukuumadda, ugu yaraan 10 xubnood oo ka mid ah Golaha Shacabka ama ugu yaraan 10.000 oo codbixiyeyaal ah ayaa Golaha Shacbiga waxay soo hor-dhigi karaan qabyoqoraal sharci.

(4) Xukuumadda ama ergada dawlalad-goboleeddu waxay soo hordhigi karaan Aqalka Wakiillada hindise sharci.

(5) Hindise kasta ee sharci oo u baahan kharash guud ama saamaynaya canshuuraha waxaa baarlamaanka soo hor-higi kara xukuumadda oo keliya.

(6) Hindise kasta ee sharci waa in la hor-geeyo labada Aqal ee baarlamaanka.

(7) Hindise sharci oo saamaynaya dhammaan ama qaar ka mid ah dawlad-goboleedyada ama nidaamka xukuumadda federaalka, waa in ay ansixiyaan labada Aqal si uu sharci u noqdo. Kaddib marka uu ansixiyo golaha la hor-keenay waa in sharcigan loo gudbiyaa Aqalka kale.

(8) Xeer-hoosaadka labada Aqal waa in uu oggolaadaa dhismaha guddi dhexdhexadin oo isuk daya in laga gaaro wadar oggol sharci ay labada Aqal isku khilaafeen.

(9) Hindise sharci oo aan saamaynayn dhammaan ama qayb ka mid ah dawlad- goboleedyada ama nidaamka Dawladda federaalka marka uu ansixiyey Golaha Shacbiga waa in loo diraa Aqalka wakiillada. Haddii Aqalkaasu uu ansixin waayo ama uu ansixiyo kaddib marka uu ku sameeyo isbeddello, labada Aqalna ay ka gaari waayaan heshiis, Aqalka Dadweynuhu waa in uu go’aansadaa in uu u gudbiyo Madaxweynaha qabyoqoraalka sharci, isaga oo ah qaabkii uu ku ansixiyey baarlamaanku ama in uu dhinac iska dhigo si mustaqabalka looga doodo ama laga wada tagao qabyoqoraalkaa.

 

Qodobka 88aad-Oggolaanshaha Sharci iyo Suurtagalnimada Dib-ugu-celintiisa Baarlamaanka ama Maxkamadda Dastuurka

(1) Hindise sharci wuxuu sharci noqonayaa kaddib marka uu ansixiyo Barlamanku, madaxwenuhuna uu saxiixo, isla markaana lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

(2) (Nidaamka baarlamaaniga ah isaga oo fulinaya codsiga xukuumada), Madaxweynuhu wuxuu dib ugu celin karaa baarlamaanka hindise sharci oo aan loo marin habraac sax ah. Haddii baarlamanku ku celiyo Madaxweynaha hindisaha sharci isaga oo aan wax ka beddelin ama uu mar labaad ansaxiyo, Madaxweynuhu waa in uu aqbalaa.

(3) (Nidaamka baarlamaaniga ah isaga oo fulinaya codsiga Rai’iisul-wasaaraha), Madaxweynuhu wuxu weyddiisan karaa baarlamaanka in uu dib u eego Hindise sharci oo uu ansixiyey, iyada oo sabab looga dhigayo sharcigaas nuxurkiisu in aanu habboonayn. Waa in uu saxiixaa Madxweynuhu, haddii baarlamaanku mar labaad ku ansixiyo hindise sharci saddex dalool labo dalool aqlabiyadda labada Aqal, kuna soo celiyaan Madxweynaha, si uu u saxiixo.

(4) Madxweynaha, 10 xubnood oo ka mid ah Golaha Shacabka, mid ama ka badan ergada xubnaha Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada ama Golaha Wasiirrada ayaa hor-geyn kara Maxkamadda Dastuuriga hindise sharci oo uu baarlamaanku ansixiyey, si ay go’aan uga gaarto Dastuuninimada nuxurka hindisaha sharci ama habraaca loo maray oggolaanshihiisa.

(5) Madaxweynuhu haddu diido in uu saxiixo ama saxiixi waayo hindise sharci oo uu ansixiyey baarlamaanku, isaga oo aan u haysan wax sharci ah, qabyo-qoraalka sharci wuxuu noqnayaa sharci shan iyo toban beri kaddib taariikhda Madaxweynaha loo gudbiyey.

Qodobka 89aad-Guddiyada

(1) Golaha Shacabku waa in uu dhisaa guddiyo diyaariya xeerar, kormeera hawlaha xukuumadda, hubiyana miisaaniyadda iyo xisaabaadka xukuumadda iyo hay’adaha kale; kuwaas oo uu xisaabtooda baaro Hanti-dhawraha Guudi.

(2) Guddiyada la dhisay waa in ay ku jiraan guddiyada waaxyaha joogtada ah, si ay u baaraan hawsha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda sida lagu muujiyey qaybinta awoodaha ee wasiirrada. Mid kasta oo oo ka mid ah guddiyadaasi waa in uu qaadaa masuuliyada baaritaanka mid ama ka badan qaybahaas.

(3) Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu waa in uu dhisaa guddiyo fududeeya hawlihiisa.

(4) Labada Aqal waxa ay dhisan karaan guddiyo wadaag ah.

(5) Baarlamaanku wuxuu ansixin karaa sharci u oggolaanaya guddoomiyeyaasha guddiyada in shaqadooda lagu siiyo gunno macquul ah.

Qodobka 90aad-Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Baarlamaanka

(1) Wasiirradu waxay ka soo qayb-geli karaan fadhiyada baarlamaanka, kana hadli karaan, ayaga oo aan cod ku lahayn. Xeer-hoosaadka Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha. Wasiirradu waa in ay ku dedaalaan niyad iskaashi inay kalfadhiyada uga soo qayb-galaan.

(2) Wasiirrada waxaa u yeeri kara labada Aqal ama Guddi Joogto ah oo Golaha Shacbiga ka tirsan sida qodobka soo socdaa uu dhigayo.

Qodobka 91aad-Awoodaha Ku-qasbidda Ka-soo-qaybgalka Fadhiyada

Baarlamaanka iyo guddiyadiisu waxay leeyihiin awoodo la mid ah kuwa maxkamaduhu ay ku qasbaan hor-keenidda markhaatiyaasha iyo dokumeentiyada, si ay arrin kasta baaritaankeeda ula kaashadaan.

Qodobka 92aad-Xorriyadda Hadalka iyo Xasaanadda Mudanayaasha Baarlamanka

Xubnaha baarlamaanka lama dacweyn karo, lagumana eedayn karo hadal ay ka yiraahdeen baarlamaanka dhexdiisa. Xubin ka mid ah baarlamanka oo ku sugan xayndaabka aqalka baarlamaanka, laguma fulin karo amar xarig ama baaris. Xubin baarlamaanka ka mid ah lama xiri karo, lagumana eedayn karo fal-dembiyeed haddii Xeer-Ilaaliyaha Guud uusan ogolaannin.

Qodobka 93aad-Hoggaamiyaha Mucaaradka

(1) Madaxweynuhu waa in uu Hoggaamiyaha Mucaaradka u magacaabaa qofka ay u doorteen xubnaha Golaha Shacbiga ee aan ka tirsanayn xisbiga xukuumadda, isbahaysina aan kula jirin.

(2) Xafiiska Hogaamiyaha Mucaaradka waa in la siiyo dhaqaale ku filan, oo ay ku jiraan hawl-wadeenno, si awood loogu siiyo mucaaradku in ay hawlahooda gutaan.

FIIRO: Gudigu wuxuu go’aamiyay in la diyaariyo qodobo ku saabasan nidaamka baarlamentaariga iyo midka madaxtooyada oo ay la socdaan hay’ada fulinta ee midkasta oo labada nidaam ka mid ahi yeelanayo. Nidaamka baarlamentaariga ee hay’ada fulinta ayaa soo horreeya kan madaxtooyaduna waa ku xigaa. Go’aanka kama dambaysta ah waxaa lagu salaynayaa aragtiyada laga soo gudbiyo la-tashiga dadweynaha ee qabyo-qoraalka dastuurka.

CUTUBKA 9AAD-LAANTA FULINTA EE FEDERAALKA

Xulashada 2aad: Nidaamka Madaxtooyada

Qodobka 94aad-Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa madaxa Qaranka iyo xukuumadda, waana astaanta midnimada Qaranka.

Qodobka 95aad-Shuruudaha Madaxweynaha

Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka.

Qodobka 96aad-Doorashada Madaxweynaha iyo Madxweyne Ku- Xigeenka

(1) Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxaa si toos ah u doran doono dadweynaha.

(2) Qofka hela tirada codadka ugu badan ee doorashada ayaa noqonayo Madaxweyne waa haddii uu qofkaasi helo in kabadan 50% codadkii la tirayay oo anasax ah , ama uu helo in kabadan 40% codadka cod-bixiyeyaalka iyo ugu yaraan 25% codadka saddex dalool labo dalool ee dowlad-goboleed kasta. Haddii qofna shuruudahaas buuxin waayo waxaa la tartansiinayaa labada musharrax ee helay tirada ugu badan codadka la bixyay.

(3) Doorashada Maddaxweynaha iyo madaxweyne ku-Xigeenka iyo tan Golaha Shacbiga waa in la qabtaa isku maalin hadeysan lagama maarmaan noqon doorasho gaar ah sida ku xusan qodobka103(4).

Qodobka 97aad-Soo Magacaabida Musharraxa

(1) Musharraxa Madaxweynenimada ama ku-Xigeenka Madaxweynaha waxaa soo jeedin karaa xisbiyada siyaasadeed ama wuxuu noqon karaa Musharrax madax-bannaan.

(2) Qofka isu taagaya musharraxnimo madax-banaan waa in uusan haynin xafiis xisbi siyaasadeed mudadii shanta sano oo la soo dhaafay.

(3) Qofka noqonaya musharraxa madaxa-bannaan waa in uu ka heystaa ugu yaraan kala bar oo bar dowlad-goboleeddada taageerayaal ugu yaraan gaaraya 500 oo ka mida cod-bixiyeyaalka diiwaangashan. Haddii musharraxa uu soo jeediyo xisbi, magacaabistiisu waa in ay taageeraan ugu yaraan hal laan oo ka mid laamaha xisbiga ee ku yaalla dawlad-goboleed kasta.

Qodobka 98aad-Xil-ka-qaadista Madaxweynaha

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa xilka looga qaadi karaa oo keliya marka uu ku xadgudbo dastuurka, ku tagri-falo awooda xafiiska ama uu galo khiyaamo qaran.

(2) Hindisaha sharciga lagu maxkamadeynayo madaxweynaha waxaa soo jeedin kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool mudanayaasha Golaha Shacbiga. Dood kaddib haddii hindisaha sharciyeed ay oggolaadaan saddex dalool laba dalool mudanayaasha Golaha Shacbigu, waa in hindisaha sharci loo gudbiyaa Aqalka Wakiilada dowlad-goboleeddada.

(3) Haddii hindisaha sharci ay ansixiyaan saddex dalool labo dalool xubnaha Aqalka Wakiilada dowlad- goboleeddadu ayaga oo u codeynaya qof qof oo aan u codeyneynin koox goboleed maxkamadeynta Madaxweynaha waa in la socodsiiyaa.

(4) Codbixinta labada Aqal waxay u dhaceysa si qarsoodi ah.

(5) Maxkamada dastuuriga ayaa qaadeysa dacwada xilkaqaadista Madaxweynaha.

(6) Madaxweynuhu waa in uu iscasilaa haddii maxkamada dastuurigu ku hesho in uu jebiyay dastuurka galayna dambiyada kale ee lagu soo eedeeyay.

(7) Haddii hindise sharciyeedka maxkamadeynta madaxweynaha lagu ansaxiyo aqalabiyadda lagama maarmaanka ah ee labada Aqal, madaxweynaha waxaa laga joojinayaa howshiisa ilaa ay ay dhamayso dhegaysiga dacwadiisa maxkamada dastuuriga ahi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wareegaya xilka madaxweynaha inta dacwaddiisu ka dhammaaanayso.

(8) Waa in la soo saaraa sharci ay ogolaadeen saddex dalool labo dalool xubnaha labada Aqal oo lagu qeexayo habraac caddaalad ah oo xilka looga qaadayo madaxweynaha marka uu awoodi waayo in uu guto xilka xafiiskiisa sababo caafimaad darro jireed iyo maskaxeed darteed.

(9) Madaxweyne-ku-xigeenka waxaa lagu maxkamadeyn karaa isla sababaha iyo habraaca madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo.

Qodobka 99aad-Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Musharraxiinta jagada madaxweynuhu waaa in ay soo magacaabaan qofka ay u xusheen jagada madaxweyne ku-xigeenka kaasoo noqonaya madaxweyne ku-xigeen haddii uu guuleysto musharraxa soo magacaabay, haynayana xilka madaxweyne-ku-xigeenka mudada uu madaxweynuhu hayo xilka madaxweynaha.

Qodobka 100aad-Muddada Xaafiiska Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waxay haynayaan xafiiska ugu badnaan labo xili oo midkiiba uu yahay 5 sano.

Qodobka 101aad-Awooda Madaxweynaha

Awoodaha madaxweynaha waa:

(1) Magacaabista iyo kala diridda wasiirada Dowladda Federaalka;

(2) Waa taliyaha sare ee ciidamada qalabka sida;

(3) Inuu ogolaado ama dib u celiyo sharciga uu ansixiyay baarlamaanka ama in uu u diro maxkamada dastuuriga sida ku xusan qodobka 88.

(4) Magacaabista danjirayaasha iyo ergooyinka diblomaasiga ah;

(5) Ku-dhawaaqidda xaalad dagal ama nabadgalyo marka ay ogolaadaan labada gole ee baarlamaanka;

(6) Ku-dhawaaqida xaalad deg deg ah sida ku xusan qodobka 169(3).

(7) Bixinta biladaha iyo aqoonsiyada mudnaanta ee kale;

(8) In uu cafiyo, ciqaabtana ka dhimo dembiilayaasha xukuman marka uu ka talo-qaato gudiga talo-bixinta eee madaxa bannaana iyo

(9) In uu qabto hawlaha kale ee loogu xilsaaray dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 102aad-Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka

(1) Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu caawiyaa madaxweynaha, wuxuu noqodaa sii hayaha jagada madaxweynaha marka Madaxweynahu dalka uga maqanyahay dibada ama ay ku timaado sabab uu u gudanwaayo xilkiisa. Haddii Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo, shaqada xafiiska laga joojiyo, ama laga qaado xilka, madaxweyne ku-xigeenku wuxuu haynayaa xilka madaxweynimada sida ku xusan qodobka 103.

(2) Qofka ah sii-hayaha xilka Madaxweynaha malaha awoodda maagacaabista iyo kala dirista wasiirada, magacaabista garsoorayalka iyo dib ugu celinta baarlamaanka sharci ay ansixiyeen, haddii uusan Madaxweynuhu si qoraal ah ugu wakiilanin in uu sidaa fuliyo ama uusan Madaxweynuhu noqonin mid aan awoodin in uu guto howsha xafiiskiisa muddo ka badan saddex bilood.

Qodobka 103aad-Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha

(1) Haddii Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo ama laga qaado xilka, madaxweyne-ku-xigeenka ayaa la wareegaya xilka madaxweynaha. Haddii uusan jirin madaxweyne-ku-xigeen ama madaxweyne-ku-xigeenku uusan awoodin in uu qabto xilka, afhayeenka Golaha Shacabka ayaa la wareegaya xilka madaxweynaha.

(2) Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu xilka sii haynayaa inta ka harsan mudada xilka madaxweynaha.

(3) Haddii Madaxweyne ku-xigeenka waqtiga loo dhaariyay madaxweynenimada ilaa dhamaadka muddaada xilka madaxweynennimadu ay ka badantahay labo sano iyo bar, mudadii uu hayay xilka madaxweynenimada waxaa loo xisaabinayaa in ay tahay muddo xileed dhameystiran. Haddi kale waqtigaas waxaa loo tixgelinayaa in uusan aheyn muddo xileed marka la fiiriyo u jeedooyinka qodobka 100 (ee muddo xileedka Madaxweynaha).

(4) Haddii madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo ama xilka laga qaado afhayeenka baarlamaankuna uu la wareego xilka waa in la qabtaa doorashooyin 90 maalmood gudahood si loo dhamaystiro inta ka hartay muddo xileedka madaxweynaha.

(5) Haddii muddo-xileedka Madaxweynaha ay ka harsan tahay muddo aan ka badnayn 18 bilood waa in aan la qaban doorasho waxaana xilka madaxweynenimada sii haynaya Afhayeenka Golaha Shacbiga inta ay ka dhammaanayso muddo-xileedka xaafisku.

Qodobka 104aad-Habka Iscasilaadda Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu iscasilaadiisa u gudbinayaa Golaha Shacbiga isagoo sii marsiinaya Afhayeenka Golaha Shacbiga. 

Qodobka 105aad-Bannaanaanta Xaafiiska Madaxweyne-Ku-Xigeenka

Madaxweyne ku-xigeenka haddii uu geeriyoodo, iscasilo ama xilka laga qaado A fhayeenka Golaha Shacbiga ayaa la wareegaya xilkiisa.

Qodobka 106aad-Dhaarta Madaxweynaha

Inta uusan hawsha bilaabin Madaxweynaha Jamahuuriyaddu wuxuu marayaa dhaarta ku xusan sharciga, waxaana lagu hor dhaarinayaa xaflad ka dhacaysa fagaare dadweynuhu joogaan , waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamaada Dastuuriga.

Qodobka 107aad-Golaha Wasiirada

(1) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa Gole Wasaaradeed aan ka badnayn 23 xubnood oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku kuwaa oo aan ka mid aheyn xubnaha labada aqal. Wassiirka la magacaabay haddii uu xubin ka yahay labada Aqal midkood ama uu hayo xil guud ama mid gaara ah, waa in uu iska casilaa kursigiisa 90 casho gudahood kadib markii loo dhaariyo xafiiska

(2) Madaxweynuhu marka uu dhisayo Golaha Wasiirrada waa in uu tixgeliyaa qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed.

(3) Golaha Wasiirrada cusub wadar ahaan waxaa u ansixinaya Golaha shacabka ama qof qof ayuu u ansixinayaa Goluhu xubnaha gadaal laga magacaabay ee Golaha Wasiirrada.

(4) Xilka ka qaadista wasiirada waxaa awood u leh Madaxweynaha oo kaliya.

Qodobka 108aad-Dhaarta Wasiirada

Golaha Wasiirrada marka ay helaan kalsoonida Golaha Shacbiga waxay marayaan dhaarta ku xusan sharciga, waxaana ku hor dhaarinaya fadhi gaar ah ee Golaha Shacbiga Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga.

CUTUBKA 10AAD-GARSOORKA

Qodobka 113aad-Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada

Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.

Qodobka 114aad-Madaxbannaanida Garsoorka

(1) Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u huggaansamayaan oo keliya sharciga.
(2) Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorenimo.
(3) Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hooygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

Qodobka 115aad-Habka Dacwad Qaadista

(1) Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi;
(2) Go’aan maxkamadeed lama gaari karo hadii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ayku soo bandhigaan doodahooda
(3) Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.

Qodobka 116aad-Nidaamka Maxkamadaha Dalka

Waxaa jiraya hal nidaam maxkamadeed oo ka kooban:
(a) Maxkamadda Dastuurka;
(b) Maxkamadda Sare;
(c) Maxkamadda Racfaanka iyo
(d) Maxakamadda Derajada Koowaad.

Qodobka 117aad-Dhismaha Maxkamadda Dastuuka

(1) Waxa jiraya Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban ugu yaraan shan (5) garsoore ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku.
(2) Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa iska dhex dooranaya isla xubnaha Maxkamadda Dastuuriga.
(3) Magacaabista garsoorayaasha Maxkamada Dastuurka waa in lagu saleeyaa xeel dheeri
aqooneed ee shareecada iyo qaanuunka waana in ay takhasus gaar ah u leeyihiin arrimaha Dastuurka.
(4) Maxkamadda Dastuurku waxay leedahay awoodaha soo socda:
(a) In ay hubiso in hindise sharci waafaqsanyahay Dastuurka marka sidaas la weydiisto;
(b) In ay go’aan kama dambays ah ka gaarto in sharci ama go’aanno ay gaareen Golaha
fulinta uu ka soo horjeedo Dastuurka, sidaas ku buriso sharcigaas ama go’aankaas aan
waafaqsanayn dastuurka;
(c) Maxkamada waxay awood u leedahay in ay go’aamiso in burinta sharcigaas uu
dhaqangelayo laga soo bilaabo markii go’aanka Maxkamadu dhacay ama waqti
imaandoona oo xaddidan si ay ugu suurogaliso Maxkamada in talaabada ku haboon ay
ka qaadato burinta sharcigaas. Haddii burinta sharcigu u faa’ideynayo qof lagu xukumay
sharcigaas, waxay burintu ka bilaabanaysaa waqtiga go’aanka Maxkamda dastuurigu
dhacay;
(d) Awoodda kama dambaysta ee go’aan looga gaaraayo muranada ka dhaxeeya dowladgoboleedyada
iyo dowlada dhexe ama xukuumadaha dowlad goboleedyada dhexdooda;
awooddaan waxay Maxkamaddu isticmaali kartaa oo keliya ka dib marka wadahadal iyo
wada xaajood lagu xallinwaayoo khilaafka;
(e) Awoodda kama dambaysta ee lagu ansixinayo natiijooyinka aftida iyo doorashooyinka
Qaranka.
(5) Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Dastuuriga ee la xiriira arrimo Dastuur waa kuwa kamaa
dambays ah.

Qodobka 118aad-Dacwad Gudbin

(1) Dacwad-u-gudbinta Maxkamada Dastuurka waxaa leh:
(a) Madaxweynaha;
(b) [Nidaamka Baarlamaaniga ah] Ra’iisuul-Wasaaraha;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) 25 xubnood oo ka tirsan labada Aqal midkood;
(e) Xukuumadda Dowlad Goboleedda;
(f) Guddiyada Madaxa-bannaan;
(g) Qof kasta oo uu saameeyo sharci ama tallaabo ka soo horjeedda Dastuurka.
(2) Dhinacyada kor ku xusan oo aysan ku jirin shakhsiyaadka caadiga ahi waxay talo ku saabsan arrimo dastuur weyddiisan karaan Maxkamadda Dastuuriga .

Qodobka 119aad-Dacwad- u-gudbinta Maxkamadaha Kale

Maxkamadaha kale ee dalku waxay weydiisan karaan Maxkamada Dastuuriga talo ama fasiraad ku saabsan Dastuurka marka si ay go’aan uga gaaraan dacwado maxkamadahooda horyaal. Maxkamaddu waa in ay sidaas yeesha hadii qof qayb ka ah kiiska maxkamada horyaal uu codsado, maxkamadduna ay ku qanacdo in go’aan-ka- gaaridda arrimaha dastuurigaa ay udub dhexeed u tahay go’aan-ka- gaaridda kiiskan .

Qodobka 120-Maxkamadda Sare

(1) Waxaa la dhisayaa maxkamad sare oo ka kooban sagaal garsoore oo uu ku jiro Gudoomiyaha.
(2) Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa iska dhex-dooranaya xubnaha garsoorayaasha
maxkamadda sare.
(3) Xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare waa in ay aqoon sare iyo xeeldheeri u leeyihiin shareecada iyo qaanuunka.
(4) Maxkamadda sare waxay awood u leedahay dhammaan dacwooyinka marka laga reebo kuwa la xiriira arrimaha dastuuriga ah; kuwaas oo ay ikhtisaaska u leedahay Maxkamadda Dastuurigu.

Qodobka 121aad-Maxkamadaha Gaarka ah

(1) Laguma dhisi karo maxkamad si aan waafaqasaneyn mabaadi’da cadaalada ee ku xusan dastuurka.
(2) Waxaa sharci lagu samayn karaa maxkamad gaar ah oo ay leeyihiin ciidammada qalabka sida taasoo awood u leh qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ka tirsaan ciidamada qalabka sida oo keliya xilliyada nabada iyo dagaalkaba.

Qodobka 122aad-Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Derejada koowaad

Xilalka iyo qaab dhismeedka Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Darajada Koowaad waxaa qeexi doona Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Qodobka 123aad-Xal-dhaqameedka Khilaafaadka

Maxakamaduhu waxay aqoonsanayaan go’aanada xeer dhaqameedka ku xalliyo khilaafaadka, waxaana hadafka aqoonsigaasi xaddidi doona Sharci gaar ah.

Qodobka 124aad-Magacaabista Garsoorayaasha

(1) Qofka Garsoore loo magacaabayo waa inuu yahay qof hufan lehn aqoon iyo khibrad munaasab u ah jagada garsoore ee loo magcaabayo;
(2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Aqalka Wakiilada dowlad goboleedyada magacyada garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare. Madaxweynaha ayaa xeer ku magacaabaya qofka ay garsooranimada u ansaxiyeen Golaha Wakiiladu.
(3) Garsoorayaasha aan ka mid ahayn Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya magacaabistooda Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana lagu magacaabaya wareegto Madaxweyne.

Qodobka 125aad-Muddo Xileedka Garsoorayaasha

(1) Da’da hawlgabka uu garsooruhu ku gelayo waa 70.
(2) Garsoore lagama qaadi karo xilka, haddii aan loo cuskan oo aan lagu helin anshax xumo, dhaqan xumo, awooddarri jireed iyo/ama mid maskaxeed oo joogto ah oo lagu caddeeyay baaritaan. Xeerka nidaamka Garsoorka ayaa qeexi doona habraacyada la xiriira xil ka qaadista garsooraha.

(3) Cabashada laga keeno garsoore ee ku saabsan anshax xumo waxaa loo gudbin karaa Golaha Adeegga Garsoorka oo qaadaya tallaabooyinka ku habboon markay ku qancaan inay jiraan sababo macquula oo keenaya in la baaro garsooraha. Tallaabooyinka habboon in la qaado waxaa ka mid ah in loo gudbiyo kiiska garsooraha kormeeraha garsoorka, hadii kiisku culus yahayna, waxaa la magacaabaya guddi madax bannaan.

(4) Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu magacaabayaa guddi madax bannaan oo ka kooban saddex garsoore oo xilhaya ama hawlgab ah oo baara anshax xumida lagu soo eedeeyay Garsooraha. Garsooraha waxaa laga qaadayaa xilka haduu guddigu caddeeyo in ay jirto dhaqan xumada culus ee lagu soo eedeeyay garsooraha.
(5) Hadii Golaha Adeegga Garsoorku uu ku qanco inay jiraan asbaab macquul ah oo lagu aamino inuusan garsooruhu gudankarin xilkiisa sababo la xiriira awood-yari jireed iyo mid maskaxeed, waxay magacaabayaan guddi baara caafimaadka garsooraha. Guddigu waa inuu ka kobnaadaa xeeldheerayaal caafimaad iyo ugu yaraan hal garsoore hore. Haddii ay guddiga u caddaato inuusan garsooruhu sii wadi karin xilkiisa, Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu garsooraha galinayaa howlgab caafimadkiisa awgii.
(6) Dhisida Xafiiska Kormeerka Garsoorka waxa lagu soo saari doonaa xeerka nidaamka garsoorka.

Qodbka 126aad-Golaha Adeegga Garsoorka ee Madaxabannaan

(1) Waa inuu jiraa Gole Adeeg Garsoor oo Madaxbannaan xilkiisuna yahay hoggaaminta siyaasadda guud iyo maamul ee garsooka, sida magacaabidda, xil ka qaadista, anshax-marinta, kala badalidda, mushaarka iyo gunnada hawlgabka garsoorayaasha sida ku xusan sharciga. Shuruudaha hawlaha garsoorka waxaa dejinaya Golaha Adeegga Garsoorka.
(2) Golaha Adeegga Garsoorka waa ka madaxbannaan yahay awooddaha sharcidejinta iyo fulintaba.
(3) Golaha Adeegga Garsoorku wuu u madax bannaan yahay miisaaniyaddiisa, waxayna u
gudbinayaan miisaaniyaddooda Wasaaradda Maaliyadda iyaga ayaana maamulanaya jiyagoo raacaya sharciyada maaliyadda.

Qodobka 127aad-Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka

(1) Guddiga Adeega Garsoorku wuxuu ka koobanyahay:
(a) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga;
(b) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) Laba qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu;
(e) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha;
(f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen baarlmaannada dowlad-goboleedyadu;
(g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu.
(2) Gudoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka. Gudoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa mudo shan sano ah waxaana loo cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale. Gudoomiyaha gudiga wuxuu iska wareejinayaa dhammaan waajibaadka ka baxsan howlaha Guddiga islamarka loo dhaariyo xilkaas. Qofka loo doorto gudoomiyaha wuxuu haynayaa mudo xileed dhameystiran xataa haddii muddada xilka qofka la magacaabayo ay ka yartahay shan sano.

Qodobka 128aad-Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud

(1) Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adda Garsoorka ee Dalka.
(2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Golaha Wakiillada magacyada dadka u qalma in ay noqdaan Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana xeermadaxweyne ku magacaabaya.
(3) Xeer-ilaaliyaha guud waxaa shaqada looga qaadi karaa sababo iyo habraac lamid ah kuwa looga qaadayo garsooraha.
(4) Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta shuruucda dalka, wuxuuna taabbageliyaa talinta sharciga. Xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxa qeexaya xeerka nimadaaminta garsoorka.
(5) Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu u xil saaran yahay dacwad oogista.

CUTUBKA 11AAD GUDDIYADA QARANKA, XAFIISYADA IYO HAY’ADAHA MADAXABANNAAN

Qodobka 129aad-Mabaadi’da Guud

  1. (1)  Guddiga Madaxa Bannaan waa hay’ad ka madax banaan xukuumadda ama kormeerkeeda siyaasaded, kartina u leh in ay uga faa’ideeyaan dadweynaha hawlaha gaarka ah ee ay u xilsaaran yihiin.
  2. (2)  Guddiga madaxa bannaan marka ay ku jiraan gudashada waajibkooda waa in ay ka muuqataa in ay ku shaqaynayaan dareenka xuquuqda adanaha, dimuqoraaddiyad iyo wax-qarsi la’aan.
  3. (3)  Guddiga madaxa bannaani waa inaysan hoos imaan, kana amar-qaadan cid ama hay’ad kale.
  4. (4)  Maaliyadda Guddiga madaxa banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.Qodobka 130aad-Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan
  1. (1)  Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, tirada Guddiga Madaxa bannaani waa in aysan ka yaraan saddex, aysan ka badanna sagaal xubnood; kuwaas oo si joogto ah u shaqaynaya.
  2. (2)  Ugu yaraan hal xubin oo ka mid ah xubnaha Guddigu waa in ay noqtaa haween, haddii guddigu uu ka kooban yahay saddex ama afar xubnood. Sidoo kale, haddii Guddiga uu ka kooban yahay shan xubnood iyo wax ka badan, labo ka mid ahi waa in ay noqdaan haween.Qodobka 131aad-Magacaabidda Guddiyada

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Golaha Shacbiga. Haddii Golaha Shacbigu uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.

Qodobka 132aad-Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan

Qofka loo magacaabayo Guddi madax bannaan waa in uu buuxiyaa shurudaha soo socda:

  1. (a)  Inuu leeyahay aqoon asaasi ah;
  2. (b)  Inuu leeyahay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan;
  3. (c)  In uu muujiyo hawlkarnimo sare ee hawlaha Dawladda Soomaaliya;
  4. (d)  In laga helo shuruudaha kale ee lagu tilmaamay Dastuurka ama sharciga Guddiga lagu dhisay.Qodobka 133aad-Muddada Xilka
  1. (1)  Muddada xilka xubnaha Guddigu waa 5 sano, oo loo cusboonay siin karo hal mar oo keliya.
  2. (2)  Xubin Guddi oo iscasileysaa waa in ay iscasilaaddeeda qoraal ahaan Madaxweynaha ugu gudbisaa.

Qodobka 134aad-Xil-ka-qaadis

  1. (1)  Xubin Guddi waxaa looga qaadi karaa xilkiisa si waafaqsan qodobkan oo keliya.
  2. (2)  Xubin Guddi waxaa xilka looga qaadi karaa marka ay ku timaaddo awood-darro oogo iyo/ama maskaxeed, bixinta sirta xafiiska ama dhaqanxumo kale oo culus, ka- maqanaansho saddex kalfadhi oo isku xiga ama lagu helo dembi culus.
  3. (3)  Guddomiyaha Maxkamada Dastuurigu wuxuu magacaabayaa maxkamad gaar ah oo baarta eedaha dhanka ka ah xubinta Guddiga, hadduu ku qanco in ay jiraan sababo macquul ah. Haddii ay jirto xaalad la rumaysan karo in xubinta Gudigu aanay gudan karin xilkeeda, jir ama maskax ahaan, maxkamadda gaarka ah waa in uu ka mid noqdo, ugu yaraan, xeeldheere caafimaad oo leh khibrad la xiriirta arrintaas.
  4. (4)  Haddii maxkamadda gaarka ahi ay uga warbixiso Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah in xubinta Guddi ay xilkeeda gabtay ama lagu helay dembi culus oo keeni kara in xilka laga qaado, Guddomiyaha Maxkamadda Dastuurigu wuxuu talo ka siinayaa Madaxweynaha in xilka laga qaabo xubinta Guddiga, Madaxweynuhuna waa in uu ka qaadaa xilka.Qodobka 135aad-Waajibaadka WarbixnGuddi kasta oo madax bannaani wuxuu warbixin sanadeed u soo bandhigayaa baarlamaanka. Warbixinta guddiyadaasi waa in ay noqotaa mid ay heli karaan dadweynuhu, garanna karaan.Qodobka 136aad-Ku-dhaqanka Cutubkan
  1. (1)  Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa gudddiyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan iyo kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta uusan ka hor’imaaneyn qodobada Dastuurka :
    1. (a) Guddiga Doorashada;
    2. (b) Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
    3. (c) Guddiga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda;
    4. (d) Golaha Adeegga Garsoorka.
  2. (2)  Sharci ayaa lagu dhisayaa guddiyada soo socda, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkaan:
    1. (a) Guddiga Xuduudaha iyo Tirokoobka;
    2. (b) Guddiga Xallinta Khilaafaadka dhulka iyo hantida.
  3. (3)  Sharci ayaa lagu dhisi doonaa guddi kale oo madax bannaan; iyadoo la raacayo shuruudaha cutubkan, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkan.Qodobka 137aad-Xafiisyada Madaxabannaan
  1. (1)  Cutubkan waxaa laguu dhaqayaa xafiisyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan ama kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta aysan ka hor’imaaneyn qodobbada dastuurka:
    1. (a) Garyaqaanka Guud ee dawladda;
    2. (b) Hantidhoorka Guud.
  2. (2)  Cutubkan waxaa lagu dhaqayaa xafiis kasta oo kale oo lagu dhisay sharci, laguna dhawaaqay in uu madax bannaan yahay.

CUTUBKA 12AAD-HEERARKA KALA DUWAN EE SHAQAALAHA DAWLADDA EE RAYIDKA

Qodobka 138aad-Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee xukuumadda waa in lagu saleeyaa qiyamka dastuurka,
hufnaan, wax-qarsi la’aan, u-adeegis bulsho iyo dhawrista jaranjarada maamul, anshax-wanaag, karti,
howlkarnimo, mihnad sare, caddaalad, sinnaan iyo dhaqan-wanaag.

Qodobka 139aad-Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

Shaqaalaha rayidka ah laguma dhibaatayn karo gudashada hawlahooda. Shaqaalaha rayidka ah lama eryi
karo, xilka lagama qaadi karo ama derejo-rid laguma samayn karo haddii aysan jirin sabab macquul ah;
iyadoo loo maray habraac caddaalad ah oo uu sharcigu tilmaamayo.

CUTUBKA 13 AAD-HAY’ADAHA DAWLAD-GOBOLEEDYADA

Qodobka 140aad-Hay’adaha Dawlad-Goboleedyada

Dhismaha hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa mawduuc Dastuurrada maamul-goboleedyada lagu oggolaaday si waafaqsan cutubkan.

Qodobka 141aad-Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

(1) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay waafaqaan Dastuurkan oo ay ka mid yihiin mabaadi’da asaasiga.
(2) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo qaabdhismeedka Dastuurka federaalka.
(3) Dastuurrada dawlad-goboleedyada waa in ay xaqiijiyaan ilaalinta dadka lag tira badanyahay.

Qodobka 142aad-Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

(1) Dawlad-goboleedyadu waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta qaabka iyo habraaca samaynta dastuurradooda.
(2) Dawlad-goboleedyadu waa in ay u sameeyaan dastuurradooda si dimoqoraaddi ah oo ay dadweynuhuna si buuxda uga qayb-galayaan.
(3) Dastuuraka dawlad-goboleedda marka la ansixiyo kaddib waa in loo celiyaa maxakamadda Dastuuriga si ay dib-u-eegis ugu samayso in uu waafaqasan yahay dastuurka federalka, ayna ka mid yihiin mabaadi’da ku xusan qodobka sare. Haddii maxkamadda Dastuuriga ahi ay ogaato in uusan waafaqsanayn dastuurka, iyadoo sababaynaysa waa in ay ka bixisaa tilmaan sida loo waafajin karo, Dastuurka dawlad- goboleeddu ansax noqon maayo ilaa inta Maxakamadda Dastuuriga ahi ay ka caddaynayso in uu yahay mid waafaqsan Dastuurka Federaalka.

Qodobka 143aad-Wax-ka-bedelidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

Wax-ka-beddalidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada waa in lagu sameeyaa si dimoqoraaddi ah, iyadoo la siinayo dadweynaha dawlad-goboleedda fursad ku filan oo ay kaga qayb-galaan geeddisocodka wax-ka-beddalka dastuurka. Haddii ay dawlad-goboleed dooneyso in ay wax ka bedasaho dastuurkeeda, waxay wargelinaysaa Dawladda Federaalka waxayna u gudbinaysaa Maxkamada Dastuuriga qodobada la bedelay si ay u eegto. Wax-ka-beddel kasta sharci ma noqonayo mana hirgalayo ilaa Maxkamadda Dastuuriga ahi ay caddayso in uu waafaqasan yahay Dastuurka Federaalka.

CUTUBKA 14 AAD-MAALIYADDA GUUD

Qodobka 144aad-Mabaadi’da Maaliyadda Guud

Mabaadi’da asaasiga ah ee maamulka maaliyadda guud waxaa ka mid ah furfurnaan iyo laxisaabtan, in loogu isticmaalo dakhliga si caddaalad ku tilmaaman oo ay ku jirto horumarinta dalka iyo danta midnimada qaranka, lagana ilaaliyo dayaca.

Qodobka 145aad-Awoodaha Dakhli-uruurinta

  1. (1)  Dawladda federaalku waxaay ka uruurin kartaa dakhli ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad.
  2. (2)  Xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waxay dakhli ka uruurin karaan ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad.
  3. (3)  Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyodawladaha hoose in ay uruuriyaan canshuuro ama dakhli kale sida uu qabo sharcigaan, laakiin waa in Dawladda Federaalku u celisaa dawlad-goboleedyada kharajka uga baxay ururinta dakhligaas.
  4. (4)  Dakhliga dawladda federaalka ay u soo xareeyaan xukuumadaha dawlad-goboleedyada ama dowladda hoose waa in ay u qaybisaa dawlad- goboleeddaa ama dawladda hoose, dhammaan ama qaybo ka mid ah intii suurtogal ah, si ay dhiiriggelin ugu noqoto dawladaasi in ay u soo xareyso dakhliga si waxtar leh.
  5. (5)  Dawladda dhexe iyo xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa in ay si sharci ah ugu oggolaadaan dawladaha hoose in ay soo uruuriyaan, una kaydsadaan isticmaalkooda canshuuraha ku haboon sida khidmada shatiyada suuqyada, canshuurta dhismaha, IWM.Qodobka 146aad-Canshuur-soo-rogidda

Lama uruurin karo canshuur aysan oggolaan barlamaanka federaalku ama dawlad- goboleedda ay khuuseyso. Sharciga canshuuraha waa in si siman loogu dhaqo dadka oo dhan, lagamana cafinayo saraakiisha dawladda ama cid kale. Waa in sharci lagu oggolaado canshuur-dhaafka, laguna war-geliyaa Hantidhawrka Guud.

Qodobka 147aad-Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale

  1. (1)  Xukuumada federaalku dakhliga ay ka uruurisay ilaha qaranka waxay noqonayaan mid ay ku fuliso masuuliyadaheeda ama waxay u qaybinaysaa dawlad-goboleedyada ama dawladaha hoose ama waxay ka dhiganaysaa kayd qaran.
  2. (2)  Xukuumadda federaalku waxay dakhliga ugu qaybineysaa dawlad-goboleedyada sida:
    1. (a) dakhli dawladahaas loogu qoondeeyey dastuurka ama sharci;
    2. (b) talada ay kusoo jeediyeen guddiga maaliyadda qaranka, ama
    3. (c) Deeqaha xukuumadda federaalka oo ay ka mid yihiin deeqaha sinaanshaha oo loogu talo-galay in kor loogu qado awoodda dawlad-goboleedyada aan lahayn awood dakhli- uruurin marka loo fiiriyo hawlaha adeeg ee ay u fulinayaan muwaaddiniintooda, si loo soo gaarsiiyo heerka adeegyada dawladaha kale.

(d) Dawladda Federaalka iyada oo maraysa dawlad- goboleedyada waxay dakhliga u qaybin kartaa dawladaha hoose si ay u gutaan hawlahooda, dawlad-goboleedyaduse iyaga ay si toos ugu qaybin kara dakhliga dawladaha hoose

Qodobka148aad-Mabaadi’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha

Waa in la soo saaro sharci si caddalad ah loogu qaybinayo heerarka kala duwan ee xukuumadda dakhliga lagu soo uruuriyay magaca qaranka, iyadoo la tixgelinayo arimaha soo socda:

  1. (a) danta guud ee qaranka;
  2. (b) waajibaadka qaranka;
  3. (c) Masuuliyadaha heerarka kala duwan ee Dawladeed loogu xilsaaray Dastuurkan, dastuurrada dawlad-goboleedyada, shuruucda iyo barnaamijyada Dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada;
  4. (d) haqabtirka baahida asaasiga ah ee dadweynaha;
  5. (e) baahida qorshaynta horumarka muddada dheer ee dalka;
  6. (f) sinnaan la’aanta dawlad-goboleed marka loo fiiriyo awoodooda dakhli-uruurineed;
  7. (g) baahida dawladaha in ay yeeshaan saadaal heer dakhli, si ay u qorshaystaanbarnaamijyadooda;
  8. (h) Baahida in lagu dhiiriggeliyo xukuumadaha in ay si waxtar leh u soo uruuriyaan dakhliga;
  9. (i) baahida loo qabo in laga jawaabo xaaladaha degdegga ah iyo waxyaabaha aan la sii saadaalin.Qodobka 149aad-Amaahashada

Dawlad-goboleedyadu waxay amaahan karaan lacag marka ay ballanqaad ka haystaan Xukuumada Federaalka.

Qodobka150aad-Hanti Guud

Dhammaan dakhliga ay soo ururiso Dawladda federaalka ama dawlad-goboleedyada waa in lagu shubaa sanduuq lagu dhisay sharci islamarkaana ay maamulaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran, looguna isticmaalo ujeedooyinka lagu ogolaaday sharciga.

Qodobka 151aad-Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga

U-qaybinta dakhliga federaalka dawlad-goboleedyada ee lagu xusay qodobka 147 waa in lagu saleeyaa Sharciga Qaybinta Sanadlaha ee Dakhliga Federaalka oo uu ansixiyey baarlamaanka federaalku.

Qodobka152aad-Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka

Miisaaniyadda Sanadlaha ee Xukuumadda Federaalka waa in la hor-geeyaa Baarlamaanka Federaalka ugu yaraan ka hor laba bilood intuusan dhammaan sannad- maaliyadeedkii hore, waana in lagu ansixiyaa sharci uu soo saaray Baarlamaanka Federaalku.

 

Qodobka153aad-Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Barlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka

Haddii aan la ansixin miisaaniyadda bilawga sanad-maaliyadeedka, waxaa la sii isticmaali karaa lacag, iyada oo lagu salaynayo miisaaniyadda sanadkii tegey. Lama bixin karo in ka badan rubuc miisaaniyaddii sanadkii tegey ama in aan ka badnayn 4 bilood oo ka mid ah sanad- maaliyadeedka cusub.

Qodobka 154aad-Kharajyada Lama-filaanka ah

Haddii ay lagama-maarmaan noqoto in la daboolo baahi kharaj aan la fileyn ee miisaaniyadda federaalka, xukuumadda federaalka ahi waxay bixin kartaa lacag, xataa haddii uusan jirin qodob ku cad miisaaniyadda la oggolaaday. Xadka ugu sarreeya ee habkaan lagu kharaj-garayn karaa wuxuu u dhigmaa 10% miisaaniyadda la oggolaaday. Waana in lagu weydiistaa baarlamaanka oggolaansho muddo bil gudaheed ah, isla markaana muddo saddex bilood gudahood kharajkaas lagu ogolaadaa sharci.

Qodobka 155aad-Xisaabaadka iyo Hanti-dhawrka Hay’adaha Dawladda

Dhammaan xisaabaadka hay’adaha dawladda heer kastoo ay yihiinba waa in ay baarta hay’adda madaxa bannaan ee Hantidhawrka Guud.

Qodobka 156aad-Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada

Qandaraasyada Dawladda ee badeecadaha iyo adeeggu waa in ay ahaadaan kuwa dadka u furan daahna furan.

Qodobka 157aad-Guddiga Maaliyadda

  1. (1) Waa in sharci lagu dhisaa guddi maaliyadeed oo ka kooban dad laga soo magacaabay heerqaran iyo heer dawlad-goboleed. Tirada uu ka kooban yahay guddiga maaliyadda waa in lagu oggolaado xeerka Golaha Wakiillada oo ay ansixiyeen ugu yaraan kalabbar oo bar ergada Goluhu.
  2. (2)  Guddiga maaliyadda waa in uu leeyahay karti iyo dhaqale uu ku samayn karo cilmibaaris iyo qiimayn codsiyada ay soo gudbiyaan xukuumadaha dawlad-goboleedayada.
  3. (3)  GuddigamaaliyadduwuxuukalataliyaaXukuumaddafederaalka:
    (a) Qaybta laga siinayo dawlad-goboleedyada canshuuraha laga soo uruuriyey heerka qaran, iyo

(b) Sida dawlad-goboleedyadu u wadaagayaan qoondada.

  1. (4)  Guddiga maaliyaddu waa inuu markasta dib-u-eegis kusameeyo nidaamka dakhli-qaybinta, isla markaasna uu u soo jeediyo Dawladda federaalka talooyin lagu qaybinayo dakhliga muddo shan sano ah markiiba. Sidoo kale, wuxuu qabanayaa hawlaha uu u xilsaaro sharcigu.
  2. (5)  Guddiga maaliyadda qaranku waa inuu tixgeliyaa mabaadi’da ku xusan qodobka129.

Qodobka 158aad-Guddiga Hanti-Dhawrka Madaxa Bannaan ee Federaalka /Hanti-dhowraha Guud

(1) Hanti-dhawrka Guud waxaa lagu magacaabayaa habraac sharci dejiyey kaa soo xaqiijinaaya madax bannaanida xafiiska.

  1. (2)  Hantidhawraha guud waa in uu yahay qof aqoon iyo waayo’aragnimo u leh hawsha baaritaanka xisaabaadka.
  2. (3)  Hanti-dhawraha guud waxaa xilka looga qaadi karaa si caddaalad ah, iyadoo la raacayo hannaan baaritaan oo cadaalad ah.
  3. (4)  Waajibaadka waajibaadka hanta-dhawrka madaxabannaan ee federaalka/Hanti-dhawraha guud waa in uu ku sameeyo baaritaan sanadeed dhammaan xisaabaadka hay’adaha Dawladda heer kasta oo ay yihiin.
  4. (5)  Hanti dhawraha guud waa inuu baarlamaanka warbixin ugudbiyaa sanadkiiba mar.Qodobka 159aad-Bangiga Dhexe

Waa in sharci federaal ah lagu dhisaa Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hawshiisu waxay ahaanaysaa hawlaha caadiga ah ee ay qabtaan Bankiyada Dhexe.

Qodobka 160aad-Khayraadka Dalka

Mabaadi’da ilaalinta khayraadka iyo qaybinta dakhliga ka soo xerooda ilaha khayraadkaas, kuwa dabiicigaa iyo kuwa kalaba waa:

  1. (a) In dadka degaanka la siiyo dhiiriggelin ay ku ilaaliyaan, kuna maamulaan kheyraadka dabiiciga ah si masuuliyadi ku jirto.
  2. (b) In xukuumadaha heer kastaa ay haystaan dhiiriggelin iyo dhaqaale lagu horumariyo, laguna fuliyo siyaasadaha maamulka kheyraadka aan la cusbooneysiin karin, iyo in sida ugu habboon looga fa’iideysto kheyraadkaas.
  3. (c) Bulshada qaybaheeda ka faa’ideysata kheyraadka dabiicga ah waa in loo xilsaaraa xannaanaynta, maaraynta iyo ka-faa’ideysiga kheyraadkaas.Qodobka 161aad- SharcidDejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadeed

Waa in sharci federaal ah lagu soo saaraa heykal maamul-maaliyadeed oo masuuliyadihiisa ay ka mid yihiin:

  1. (a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda dawlad-goboleedda iyo jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta dawlad-goboleedyada;
  2. (b) In ay damaanad-qaad siiso Dawlada Federaalka deymaha ay soo weyddiistaan dawlad- goboleedyada;
  3. (c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud;
  4. (d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan dawliga ahayn ee dawladda dhaqaale ka hela;
  5. (e) Tallaabooyinka guud ee lagma-maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkaan.

 

CUTUBKA 15AAD-SUGIDDA NABADDA IYO AMMAANKA QARANKA

Qodobka162aad-Hawlaha Ammaanka ee Jamhuuriyadda

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyada iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo loo marayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan ciidammada qalabka sida, nabasugidda iyo ciidanka booliska ee federaalka.
(2) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed.
(3) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyada. Wuxuu kalo oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida
muwaddiniinta iyo degganeyaasha.
(4) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada dawlad-goboleedyada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iygoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska ee federaalka.

Qodobka 163aad-Kormeerka Ciidammada Qalabka Sida

(1) Ammaanka qaranka waxaa mabda’ asaasi u ah in dad rayid ah ay kormeeraan hawlaha
ciidammada qalabka Sida.
(2) Ciidamada qalabka Sida ee qaranka ayaa ah ciidanka keliya ee sida sharciga ah uga jira
Jamhuuriyada dhexdeeda, waxaana reeban maleeshiyaad hubaysan oo gaar loo leeyahay.

Qodobka 164aad-Mabaadi’da Ciidammada Qalabka Sida

(1) Waa in ay Ciidammada Qalabka Sidaa dhawraan mabaadi’da soo socota:
(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;
(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka;
(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan, iyo
(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.
(2) Qof kasta oo Soomali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka Ciidammada Qalabka Sida, iyada oo aan la takooreyn.

Qodobka 165aad-Ku-tagrifalidda Awoodeed

Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay xubno ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qalaa Maxkamadaha rayidka ah.

Qodobka166aad-Amarro Sharcidarro ah oo Cad

Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.

Qodobka 167aad-Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda

(1) Madaxweynuhu [marka lagu dhaqamayo nidaamka baarlamaaniga ah) isaga oo fulinaya codsiga Ra’iisul-wasaaraha wuxuu magacaabayaa madaxda Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda.
(2) Madaxweynaha ayaa oggolaanaya dagaal hubaysan oo lagu difaacayo Jamhuuriyadda, iyadoo la fulinayo waajibaad dawladnimo, waxaana ansixinayo Golaha Shacabka.
(3) Waa in uu jiraa Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada oo masuul ka ah arrimaha difaaca.
(4) Hawlaha Ciidammada Qalabka Sida waxaa lagu samaynayaa kormeer rayid ah oo ay ku jiraan guddi gaar ah oo baarlamaan.

Qodobka 168ad-Booliiska

(1) Ciidammada booliska ee jamhuuriyaddu waxay ka kooban yihiin ciidammada booliska madaniga ee federaalka iyo ciidan kastoo boolis ah oo ay dhistaan dawlad- goboleedyadu.
(2) Ciidammada booliska madaniga ee federaalku waxay ka hawl-gelayaan dalka oo dhan; ayagoo iskaashi dhow la samaynaya hay’adaha dawlad-goboleedyada.
(3) Dhammaan ciidammada boolisku waa in ay xushmeeyaan Dastuurka, sharciyada dalka iyo habdhaqankooda kaas oo uu sharci gaar ahi xakamaynayo.

Qodobka 169aad-Xaaladda Degdegga Ah

(1) Xaaladda degdegga ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan noqoto in la xaliyo xaalad halis ah oo ka dhalatay dagaal, weerar, gedood, rabshado, masiibo Rabaani ah ama xaalad guud oo culus.
(2) Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa marka ay dhibaato saamayso dhammaan ama qayb ka mid ah dalka, waase in aysan ka badan inta loo baahan yahay in lagu xalliyo xaaladdaas.
(3) Madaxweynuhu [Barlamaaniga, isagoo fulinaaya codsiga Golaha Wasiirada] wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, waxaana lagama-maarmaan ah in Golaha Shacbigu uu ka doodo, kuna oggolaado 21 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqay. Marka Golaha Shacbigu arrinta ka doodayo waa inay ahaato mid dhegeysiga dadweynaha u furan, haddi aanay jirin wax ka reebaya.
(4) Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa ama kordhin karaa xaaladda degdegga ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markiiba. Haddii baarlamaanku oggolaan waayo kordhinta xaaladda degdegga ah waxaa istaagaya sii-socoshada xaaladda degdegga ah.
(5) Ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ahi waxay siinaysaa hay’adda fulinta awoodo gaar ah oo lagma-maarmaan u ah xakamaynta xaaladaha.
(6) Awoodaha lagu oggolaaday xaaladaha degdega ah waa in aysan ka mid ahayn in lagu xadgudbo xuquuqaha lagu sheegay Dastuurkan, haddii xadgudubkaasi uuna u ahayn lagama- maarmaan ujeeddooyinka xakamaynta iyo xal-u-helidda xaaladda degdegga ah.
(7) Ansaxnimada ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada ku lugta leh waxaa looga hortegi karaa Maxkamadda.

Qodobka 170aad-Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga

(1) Waa in la soo saaraa sharci federaal ah si loo xaqiijiyo hirgelinta cutubkan iyo dhawrista mabaadi’da Dastuurka, waana in si gaar ah:
(a) Loogu muujiyaa siyaasadda qaranka ee ka-hortagga argaggaxisannimada, burcadbadeedda iyo tahriibinta sharcidarrada ah iyo dembiyada abaabulan, iyadoo loo dhisayo hay’ad gaar ah oo wax ka qabata khataraha gaarka ah;
(b) Loo nidaamiyaa qaabdhismeedka iyo xilalka booliska federaalka madaniga ah;
(c) loo nidaamiyaa xiriirrada u dhexeeya booliska madaniga ee federaalka iyo ciidammada
booliska dawlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo iskaashi iyo wadashaqayn;
(d) loo caddeeyaa arrimaha la xiriira u-hoggaansamidda amarrada sharcidarrada ah;
(e) loo dhisaa, lana nidaamiyaa hawlaha guddiga baarlamanka ee u xilsaaran arrimaha
Ciidammada Qalabka Sida;
(f) loo xaqiijiyo ka-qaybgalka rayidka ee kormeerka ciidamada booliska federaalka medaniga ah;
(g) Waa in ay jirto hay’ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan
xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku ay u geystaan;
(g) In la mamnuuco maleeshiyooyinka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo
(h) In la nidaamiyo shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay iyo gaar ahaan arrimaha la
xiriira shuruudaha shirkadaha amniga gaarka ah ay hub u isticmaali karaan.
(2) Sharci dawlad-goboleed waa in uu xaqiijiyaa nidaaminta booliska dawlad-goboleedyada heer u dhigma midka loo isticmaalay nidaaminta booliska madaniga ah ee federaalka , iyo in ay xaqiijiyaan inay nidaamintaasu waafaqasan tahay mabaadi’da ku xusan cutubkan oo kormeerka rayidku uu ku jiro.
(3) Sharci federaal ayaa go’aaminaya xaaladaha degdegga ah iyo awoodaha gaarka ah ee loo baahan karo.
(4) Sharci federaala ayaa go’aaminaaya xaaladaha maangalka ah ee lagu hayn karo qofka la soo xiro mudada xaaladda degdegga, sida loola dhaqmayo iyo magdhawga laga siinayo haddi dulmi lagula kaco.
(5) Sharciga federaalku cudurdaar uma samayn karo, iyadoo marmarsiiyo laga xaalad degdeg ah, cid lagu helay xadgudub xuquuq kaas oo aan la aqabali karin ama ku xadgudub masuuliyadda madaniga ama ciqaabta.

CUTUBKA 16AAD-QODOBBADA GUUD

Qodobka 171aad-Wax-ka-beddelka Dastuurka

(1) Qodobada soo socda ee Dastuurka waxba lagama beddeli karo:-
(a) Mabaadi’da Aasaasiga ah ee ku jira Cutubka 1aad;
(b) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorrriyadda ku jira Cutubka 3aad
(2) Wax-ka-beddelidda qodobbada wax laga beddeli karo ee Dastuurka waxaa lagu samayn karaa oo keliya iyadoo la raacayo habraaca ku qoran faqrqadaha hoose ee qodobkan [haddii aysan ahayn qodobbada wax looga beddelaayo xuduudaha dawlad-goboleedyada oo looga hadlay Cutubka 7aad.
(3) Habraaca wax-ka-beddelidda qodobbada dastuurka waxaa soo jeedin kara dawladda Federalka ama Dawlad-goboleedyada, xubin ka mid ah golaha xeerdejinta federaalka ama codsi qoraal ah oo ay keenaan ugu yaraan 20.000 oo muwaaddin.
(4) Soo-jeedin sharci ee wax-ka-beddelidda Dastuurka waxaa la hor-geynayaa labada Aqal ee baarlamaanka federaalka.
(5) Marka soo-jeedin sharci ee wax-ka-beddel dastuur la hor-keeno mid ka mid ah Aqallada, xubnaha Aqalka la hor-keenayna ay aqablaan, waxaa la magacaabayaa Guddi iskudhaf ah oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Wakiillada dawlad-goboleedyada.
(6) Guddiga iskudhafka ahi wuxuu ka baaraan-degayaa soo-jeedinnada waxbeddelka. Guddigu wuxuu ku war-gelinayaa daweynaha soo-jeedinnadaas, wuxuuna xaqiijinayaa in ay helaan fursad ku filan oo ay kaga doodaan. Xubnaha bulshada waa in lala tashadaa, lana siiyaa fursad ay ugu soo bandhigaan, uguna soo gudbiyaan talooyinkooda guddiga iskudhafka ah.
(7) Guddiga iskudhafka ah waxay ugu soo gudbinayaan warbixintooda baarlamaanka federalka 2 bilood gudahood marka laga soo bilaabo maalinta la magacaabay.
(8) Waxba lagama beddeli karo qodobbada dastuurka, haddii aysan ku ansixin Golaha Shacabku ugu yaraan saddex dalool labo dalool xubnihiisa, iyo ugu yaraan saddex dalool labo dalool ergooyinka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada.
(9) Qodobbada la soo jeediyey in wax laga beddelo haddii ay saamayn muuqata ku leeyihiin awoodaha iyo hawlaha dawlad-goboleedyada, sidaasna uu caddeeyey afhayeenka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu, waa in baarlamaannada dawlad-goboleedyada oo dhan loogu yeeraa inay aragtiyadooda u soo gudbiyaan baarlamaanka federaalka .
(10)Codaynta ugu dambaysa ee labada Aqal waxaa la qaadi karaa ilaa ay saddex bilood ka soo wareegto marka loo soo gudbiyo soo-jeedin wax-ka-beddelid sharci.

Qodobka 172aad-Xadididda Wax-ka-beddelka Dastuurka

Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.

Qodobka 173aad-Dib-u-eegidda Dastuurka

Dhaqangalka Dastuurka lix sano iyo bar kadib, baarlamaanku wuxuu dhisayaa Guddi dib- u-eegid ku sameeya hirgelinta Dasturka iyo shaqayntiisa, isla markaasna kala tashada dadweynaha waxka-beddelidda in lagu sameeyo ay suurtogalka tahay. Guddigani wuxuu warbixintiisa u soo gudbinayaa baarlamaanka federaalka iyo dadweynaha lix bilood gudahood. Kaddib markuu uruuriyo kana, baaraan-dego aragtiyada dadweynaha, guddigu wuxuu dib u habaynayaaa warbixintiisa. Wuxuu soo gudbinayaa talooyinkiisa haddiiba ay jiraan, wuxuuna hor-geenayaa baarlamaanka, si uu wax uga beddelo Dastuurka, isagoo raacaya habraaca lagu xusay qodobka 171.

Qodobada174aad-Dhaqangelinta Dastuurka

Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne, haddaysan jirin qodobo dhaqangalkooda dib loogu dhigay Jadwalka 1aad.

Qodobka 175aad-Hirgelinta Dastuurka

Jadwalka 1aad wuxuu jideynayaa in dib loo dhigo dhaqangalka qodobbada qaarkood, si loogu sameeyo jadwal sameynta sharciyo iyo hay’ado cusub iyo si guud ahaan loo xaqiijiyo hirgelinta Dastuurka.

Qodobka 176aad-Sii Socoshada Shuruucda Horay u Jirtay

Sharciyada jira taariikhda uu dhaqan-galo Dastuurkan way sii jirayaan haddii aan si kale loogu sheegin Jadwalka 1aad.

Qodobka 177aad-Waajibaadka Dawliga ee Caalamiga Ah

Waajibaadka ka dhasha heshiiisyada dawliga ah ee jira taariikhda uu dhaqan-galo Dastuurkan, waxay sii ahaanayaan kuwo taabbogal ah.

Qodobka 178aad-Afti

(1) Haddi ay noqoto in la qaado afti uu amary dastuurka ama sharci kale ama sababo kaleba loo qaadayo, dhammaan cod-bixiyayaasha waxay xaq u yeelanayaan in ay muujiyaan aragtiyadooda una dhiibtaan codkooda si xora, toos ah, qarsoodina ah isla waafaqsan sharci gaar ah oo
tilmaamaya habraaca aftida.
(2) Sharciga aftida waa in uu xaqiijiyaa in su’aasha ama su’aalaha dadka la weydiinayo ay noqodaan kuwo cad, una qoran qaab fududeynaya in la helo aragtida dhabta ah ee cod-bixiyayaasha isla markaana aan mugdi gelinayn arrimaha ay kala dooranayaan cod-bixiyayaasha.
(3) Waa in aysan su’aalaha qaabka loogu dhigay warqadaha codeynta iyo habraacu aftiduba aysan ku hogaamineyn cod-bixiyaha inuu jawaab gaar ah ka bixiyo su’aasha ama su’aalaha aftida.

Qodobka 179aad-Burinta Axdiga Federaalka Ku-meelgaarka

Axdiga ku-meelgaarka ee Federaalku wuxuu dhaqangeb noqonayaa laga bilaabo marka Dastuurkan dhaqan galo sida uu qabo qodobka 174, Jadwalka 1aad ee Lifaaqyada dastuurka waxaa ka mid ah in qaar kamid ah qodobada Axdiga Ku-meelgaarka Federaalku ay sii jiri karaan muddo xaddidan.

 

 

Like it? Share it!