Ardeydii ugu horeysay oo ka qalin-jabisay Jaamacada Hiiraan University [Sawirro]

by admin | Friday, Dec 26, 2014

IMG_0046Beledweyne : HN :–  Munaasabad si siweyn loo soo agaasimay islamarkaana shaado lagu guddoonsiinayay dufcadii ugu
horeysay ardey ka qalin-Jabisay Jaamacada Hiiraan [Hiiraan University]  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Waxaa ka qeyb-gallay munaasabada  mas’uuliyiinta maamulka gobolka  Hiiraan, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, maamulka sare ee Jaamacada Hiiraan University,  ardeyda Jaamacada, waalidiin, saraakiil ka tirsan ciidammada midowgga Africa AMISOM iyo marti-sharaf kale.

Ardeyda ka qalin-jabisay Jaamacada oo tiradoodu dhameyd 52 arday oo wiilal iyo gabdho lahaa ayaa soo dhameystay kuliyadaha Shareecada, caafimaad, iyo cilmiga Cumputer-ka, ay soo wadeen mudo ku dhan afar sano.

IMG_0033Pro Ibraahim Dhaqane Cali oo ka mid ah maamulka sare ee Jaamacada oo hadal ka jeediyay munaasabada, ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay Jaamacada HU oo sidda uu sheegay la aas-aasay
sanadkii 2005.

‘’Jaamacada aas-aaskeed waxaa lahaa rag aqoonyahanno ah oo qurbo joog u badan, ragaas waxaa ka xusi karnaa Alle ha u naxariistee C/qaadir Khaliif oo runtii gacan weyn ku lahaa dhismaha Jaamacadan iyo her-galinteeda intaba, siddoo kale waxaa jiray dad gudaha joogay oo iyagana kaalin mug leh  ka qaatay in maanta ay heerkan soo gaarto Jaamacada kuna faro-adeygay  xili marxalado adag la soo maray in ay maanta ka qalin-jabiyaan ardeydan quruxda badan ee hortiina ka muuqda ayuu yir’’ Pro Ibraahim Dhaqane.

IMG_0109Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay ardeyda maanta ka qalin-jabineysa Jaamacada HU oo sidda uu sheegay uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhagax dhiga.

9Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax  oo soo xirray munaasabada  ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay gacan weyn ka geysan doonaan siddii shaqo abuur loogu sameyn lahaa ardeyda maanta ka soo baxday Jaamacada, madaama sidda uu hadalka u dhigay aysan micno badan yeellin karin waxbarashada haddii aan laga faa’ideysan.

‘’ Annaga ka maamul ahaa shaqo abuur ayaan u sameyn doonaan, siddoo kale hay’adda samafalka iyagana waxaa laga doonayaa in ay ka faa’ideystaan aqoonta ardeydan qalin-jabisay islamarkaana gacan ka geystaan siddii ay fursado shaqo u heli lahaayeen, runtiina waxaan u mahad celineynaa maamulka iyo macalimiinta Jaamacada oo dhabar adeyg
muujiyay ayuu yiri’’ Cabdifitaax Xassan Afrax.

12Ugu danbeyuntii waxaa halkaa shahoodu lagu guddoonsiiyay ardeydii qalin-jabisay oo ay wadda jir  shahaadada u guddoonsiinayeen  guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo Ugaas
C/raxmaan Ugaas Khaliif.

4Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!