Askar ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu dillay gobolka W/galbeed Kenya

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

Kenya : HN :– Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay ku dilleen gobolka W/galbeed dalka Kenya tiro askari ah oo ka tirsan ciidamada dalkaasi Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ilaa saddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Turkana, waxaana la sheegayaa in dhimashada looga cabsi qabo inay gaareyso ilaa 12-askari oo saraakiil kenyan ah ay ka mid yihiin.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan labo ruux oo rayid ah, waxaana gobolkaas la geeyay ciidamo farajjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjggg badan oo gurmad ah, si ay u baadigoobaan dableydii weerarka ka dambeysay.

Afhayeen u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Masoud Mwinyi ayaa sheegay in dagaal ku dhex maray deegaanka Kapedo ciidamada booliska iyo dableyda hubeysan uu ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaro ciidamada ammaanka.

Warbaahinta Kenya ayaa weerarkan la xiriirinaya weeraro horay uga dhacay deegaanka oo dhex maray labo beelood, waxaana bishii November ee sanadkii 2012 ka dhacay galbeedka Kenya weerar noocaan oo kale ah oo dabley hubeysan ay ku dileen ilaa 32 askari.

Sanadkii la soo dhaafay in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay deegaanka Tana River ee Kenya markii labada beelood oo iska soo horjeeda dagaal todobaad soconayay oo ku saleynaa dhulka iyo kheyraadka biyaha uu ku dhexmaray degamada Tana River.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!