Askar ka tirsan ciidammada dowladda oo toogasho lagu fuliyay

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Muqdisho : HN :–Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka waxay dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo horay u dilay dad shacab ahaa, iyadoo fulinta xukunkan dilka ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Col. Liibaan Cali Yarow iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad Col. Xasan Cali Shuute.

Labada ruux ee dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Ciise Axmed oo 20-jir ahaa, ka tirsanaa ciidanka xooga dalka, waxaana taariikhda markii ay aheyd 29-kii bishii Agosto sanadkii 2012 uu si ula kac ah u dilay Marxuum la oran jiray Siciid Dhiblaawe Siyaad.

Sidoo kale qofka labaad ee xukunka dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Cali Cabdi Cigaal oo ka tirsanaa Ciidanka xoogafulin-xukun-1 dalka, waxaana isna lagu helay inuu dilay Marxuumiinta kala ah Maxamuud Xuseen Cabdi iyo Marxuumad Sahro Sheekh Cumar.

Xeer Ilaaliye kuxigeenka Maxkamada Ciidanka qalabka sida G/lle Dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed ayaa Saxaafada u aqririyay xukunkan qaabka uu u dhacay, isagoo xusay in Maxkamada ay dhageysatay kiiskan, isla markaana cadeymo iyo marqaati kadib ay dil ku riday eedeysanayaashan.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa horay u fulisay xukuno dil ahaa ciidamo ka tirsan dowladda iyo rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaasoo dilal geystay, waxaana xukunkan dilka ee ay maanta fulisay uu noqonayaa kii u horeeyay ee ay sanadkan 2015 ay Maxkamadda fuliso.

Hiiraan |Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!