Askar ka tirsan ciidammada Puntland oo ku geeriyootay shil gaari

by admin | Sunday, Jun 21, 2015

Garoowe : HN :–Madaxwaynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa maanta isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay deegaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool.

Toban askari oo kamid ah Ciidammaada uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka laba iyo Toban kalana uu ka soo gaaray dhaawacyo kala Duwan.

Saraakiisha cisbitaalka ayaa madaxweynaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda caafimaad ee ciidankaas, iyagoona sheegay in isbitaalgarohowlwadeenada caafimaadka ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar caafimaad oo deg deg ah u siin lahaayeen.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi tobankaasi askari isagoona alle uga baryey in jana Fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,qaraabadii, shacabka Puntland, saraakiisha ciidanka iyo guutadii ay ka tirsanaayeen.

Madaxwayne Gaas ayaa sidoo kale mid mid ugu booqday isbitaalka weyn ee Garoowe laba iyo Tabanka askari ee dhaawacyadu ay ka soo gaaren shilkaasi dhacay,waxaana uu si deg deg ah amar ugu bixiyay in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibadiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran .

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!