Askar ka tirsan militariga Soomaaliya oo shil gaari ugu geeriyootay Shabeelaha dhexe

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

Shabeellaha dhexe : HN :–ilaa saddex askari oo ka tirsanaa militariga dowladda Soomaaliya ayaa geeriyootay tiro kalana waa ay dhaawacmeen kaddib shil gaari oo ka dhacay deegaannka Cali-yaalle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Shilkan baabuur ayaa sidoo kale sababay dhaawayada shan askari oo kale, kuwaasoo isla markiiba la dhigay isbitaallo ku yaalla gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo saddex ka mid ah askartan dhaawaca ah xaaladooda laga dayrinayo.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay wateen ciidanka uu dhimashada iyo dhaawucu soo gaareen uu si lama filaan ah ula rogmaday, xilli uu00000000000 ku socday xawaare sare, taasoo keentay khasaaraha askartan soo gaaray.

Ciidamadan dhimashada iyo dhaawucu ay soo kala gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa guutada sagaalaad ee ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo howl-gallo kawada qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, shilalka ay khasaaraha kasoo gaaraan ciidanka xoogga dalka ayaa inta badan ka dhaca gobollada dalka iyo Muqdisho, iyadoo la sheego in khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaro ciidamada gaadiidka ay wataan oo rogmada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!