Askar ku geeriyootay qarax miino oo lagula eegtay dulleedka Muqdisho

by admin | Tuesday, Jun 16, 2015

Muqdisho : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidammada dowladda ayaa ku geeriyootay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay lala eegto gaari ay la socdeen.

Wararka ayaa intaa ku darraya in gaariga oo ahaa kolonyo ay marayeen agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duciidamada-dowladaleedka Muqdisho, iyadoo miinada dhulka la geliyay oo ahaa kuwa meelaha fog laga hago uu la kacay mid ka mid ah gawaarida ay askarta la socdeen.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen gaariga oo bur bur ka soo gaaray qaraxa iyo askar dhimasho iyo dhaawac isugu jiray oo lagu daabulayay gaadiid kale oo ay ciidamada wateen.

Wadada qaraxa lagula eegtay ciidamada ayaa aheyd goob inta badan horay gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM lagula eegtay.

Ugu danbeyntii xoogagga Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa miino ee ay la beegsadeen gaari ay la socdeen ciidamada dowladda.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!