Askar lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo oo Garoowe lagu soo bandhigay

by wadani | Wednesday, Oct 12, 2016

Garoowe : HN :– Maamulka Puntland ayaa maqribnimadii caawa soo bandhigay laba Askari oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Ciidamada NISA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo uu maamulku sheegay inay isku soo dhiibeen ciidamada Puntland, kaddib dagaal kooban oo gudaha Gaalkacyo ka dhacay maalin ka hor.

Labadaan Askari ee Puntland ay soo bandhigtay, ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay; Cabdi Cismaan Maxamuud iyo Cismaan C/laahi Jaamac oo sheegay inay kala yimaadeen degmooyinka Cabduwaaq iyo Balanbal ee kawada tirsan Gobolka Galgaduud.

Cabdi Cismaan, ayaa sheegay in markii laga soo wadayay Cabud-waaq, lagu war-geliyay inuu ka Qayb-qaadanayo Sugidda amniga Doorashada Dadban ee la filayo inay dhawaan ka dhacay degmada Cadaado ee xarunta KMG-ka ah ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Cismaan C/llaahi ayaa isna sheegay in laga so waday Balanbal oo u Tobabar Nabad-sugidda ah uu kusoo qaatay, isla markaana loo sheegay inay qayb ka noqonayaan isaga iyo ciidammo kale hawl-gal lagu sifeynayo isbaarooyin yaalla deegaanno ka tirsan Galmudug.

Dhinaca kale, Wasiirka Deegaanka, Duur-joogta iyo Dalxiiska Puntland, Cali Cadbdullaahi Warsame oo goobta askartaan lagu soo bandhigay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askartan ay iyagu isi soo dhiibeen kaddib markii ay arkeen in lasoo qalday.

Wasiirka, ayaa Dagaallada Gaalkacyo ku eedeeyay Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya. Wuxuuna ku tilmaamay hadalkii Wasiirka warfaafinta Somalia, Maareeye mid muujinayay sida dowladda federaalka Somalia ay taageerada u siinayso Galmudug iyo Al-shabaab

Ugu dambeyn, Labadan Askari ee Puntland ay soo bandhigtay, ayaa daba-socda war qoraal ah oo uu dhawaan soo saartay maamulka Puntland, kaasoo Dowladda Federaalka Somalia ku eedeynayay in dagaallada magaalada Gaalkacyo ka socda ay ka taageerayso Galmudug.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!