Askar loo soo diri lahaa Soomaaliya oo laga hellay cudurka Ebolo

by admin | Tuesday, Oct 14, 2014

Seirra Leone : HN :– Waxaa jira baqdi xoogan oo laga qabo in cudurka dilaaga ah ee Ebola oo u soo faafo Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidammo loo soo diri lahaa Soomaaliya laga hellay cudurka.

Dalka Sierra Leone oo ka mid ah waddamada ay ciidanka ka joogan Soomaaliya ayaa waxaa fara kulul ku haya xanuunka Ebola,waxaana askar badan oo loo soo waday in lugu biiriyo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM laga helay inay qabaan cudurka.

Waxaa la hakiyay boqollaal ka mid ah ciidanka Sierra Leone kuwaas oo qorshuhu ahaa in la keeno Soomaaliya,waxaana guuto ciidan ooCiidamada-Sierra-Leone1 heegan ugu jiray in Soomaaliya loo soo diro lagu soo waramaaya in laga helay cudurka dilaaga ee Ebola.

Askari ka tirsan ciidanka Soomaaliya loo soo waday ayaa laga helay xanuunka,saraakisha milateriga ayaana sheegay askarigaas inuu ka tirsanaa 800-askari oo la qorsheynayay in dhowaan loo soo diro Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Askariga ayaa la dhigay isbitaal, waxaana ay dowladda Sierra Leone sheegtay in dhamaan askarta la karantiilayo.

Cudurka Ebola oo markiisi hore ka dilaacay wadamada Galbeedka Afrika ayaa hadda kusii fidaya wadamo badan oo ku yaalla caalamka, iyadoo ay u dhinteen inka badan 4,000-qof.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!