Askari ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka sare oo toogasho ka geystay Muqdisho

by wadani | Friday, Jan 6, 2017

Muqdisho : HN :- Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa goor dhow ku toogtay isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho nin watay gaari kale oo daba socday.

Sida dad goob joogayaal ahi sheegeen gaariga rasaasta lagu furay ayaa wadada ka baxay, isagoo jiiray haweeney Qaad ku iibineysay laamiga dhinaciisa oo dhaawac uu soo gaaray.

Ninkii waday gaariga la rasaaseeyey oo markii dambe la ogaaday inuu ka tirsanaa ciidanka dowlada ayaa markiiba goobta ku qurbaxay, waxaana meydkiisa laga soo saaray gaariga wadada ka baxay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidanka rasaasta furay ay ka tirsan yihiin ilaalada xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia.

Ugu danbeyntii, laamaha amaanka ayaan ka hadlin weli dhacdadan balse ilaalada hubeysan ee ay wataan masuuliyiinta dowlada ayaa marar badan sidan oo kale rasaas isaga furay gaadiidka daba socda marka ay marayaan jidadka iyagoo ku andacoonaya iney ka shakiyeen.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!