Askari ka tirsan AMISOM oo loo xirray dhacadadii dadka lagu xasuuqay ee Marka

by admin | Sunday, Aug 2, 2015

Marka : HN :– Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in ay halkaa maanta gaareen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidammada howlgalka midowgga Africa AMISOM, kuwaa oo halkaa u tagay in ay baaritaan ku sameeyaan dilka lix ruux oo isku qoys ahaa oo ay askar ka tirsan ciidammadooda ku dillee xaafadda Ruusiya ee magaalada Marka.

Saraakiisha ciidamada ayaa markii ay halkaa tageen waxaa ay kulammo la qaateen odayaasha, waxgaradka degmada iyo qaar ka mid ah dadkii eheladooda lagu dillay magaalada Marka.

Sarkaalka ugu sareeyo ciidamada AMISON ee ka qeybgalay kulankan ayaa u sheegay odayaashii ay la kuklmeen in xabsiga ay u AMSOMtaxaabeen labo askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM.

Odayaasha ay la kulmeen AMISOM oo ka koobnaa beelaha dega magaalada Marka ayaa waxa ay ka codsadeen ciidamada AMISOM in ay wax ka bedelaan qaab dhaqameedkooda ayna jawaab cad ka keenaan sababta keentay in dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Marka ay dilkooda baneystaan ciidamada AMISOM.

Habeen hore ayaa ciidamada AMISOM waxa ay ku dileen magaalada Marka gaar ahaan xaafada Ruusiya 6 ruux oo hal qoys ka soo jeeday.

Afar wiil,aabahood iyo adeerkood oo ay ciidamada AMISOM dileen ayaa shalay lagu aasay magaalada Marka kadib markii ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka careysnaa miino dhulka loogu aasay ay rasaas ku fureen qoyskan oo degenaa xaafada Ruusiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!