Askari ka tirsan ciidammada Puntland oo saddex sarkaal toogasho ku dilay

by admin | Monday, Nov 2, 2015

Bari  : HN :–Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidammada daraawiishta Puntland uu toogasho ku dilay saddex sarkaal meel aan ka fogeyn Aaga Galgala oo saldhig u ahaa ciidammada.

Wararku waxaa ay sheegayaan in askariga toogashada geystay uu ka mid ahaa saraakiisha ku sugaskarinaa aagga buuraha Galgala, waxaana uu dilay sarkaal iyo labo sarkaal kuxigeen, halka uu dhaawacay labo sarkaal kale.

Abaanduulaha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Shire Cumar Cali ayaa u sheegay Idaacada VOA in askariga dilka geystay iyo saraakiisha kale ee uu dilka iyo dhaawaca uu u geystay aysan horay u jirin wax dhibaato ah oo ka dhex taagneyd.

“Saakay waabarigii hore saraakiisha iyo askarta oo shaah ku cabayay agagaarka xerada ciidamada waxaa sarkaal ka mid ahaa ciidamada oo hurda ka soo toosay uu rasaas ku furay, dabadeedna dilay sarkaal iyo labo sarkaal kuxigeen, isla markaana kuwo kale dhaawacay”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada daraawiishta Puntland ee Buuraha Galgala.

Sidoo kale waxaa uu xusay in askariga dilka geystay madaxa uu ka xanuunsanaa, isla markaana markii uu falka geystay oo uu cararay isna la dilay.

Meydka iyo dhaawaca saraakiisha iyo askarta ayaa la geeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo dhaawacyadana la dhigay Isbitaalka magaalada

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!