Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dil iyo dhaawac ka geysay Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 30, 2014

Muqdisho : HN :–Demgada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda la sheegay in uu toogtay qof rayid ah halka saddex kalana uu dhaawacay.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in askariga  siyaabo kala duwan uu u weeraray dadka dhibaatada uu geystay.

Ciidamada Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ayaa isku dayay inay qabtaan askariga toogashada sameeyay, balse wuu is-difaacay taasoo keentay in ay dhaawacaan, markaas kaddibna ay gacanta ku dhigaan.

“Askariga wuxuu dadka ku weeraray meelo kala duwan, markii hore wiil ay xigto yihiin ayuu gurigiisa ugu tagay oo uu xabbad killidamuqdisho (1) kaga dhuftay, wiil kale oo suuqa joogay ayuu haddana cunaha xabbad kaga dhuftay, markaas kaddib ayaa ciidamada loo yeeray, wuu is-difaacay, isagana dhaawaca ayaa loo geystay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu falkaas ka dhacay.

Goobjoogahan ayaa sidoo kale, sheegay in hal qof uu dilay askariga, saddex kalena uu dhaawac u geystay, isagoo xusay inaan la ogeyn sababta uu falka u sameeyay, balse waxaa loo maleynayaa buu yiri in maskaxda loo dhaafay.

Saraakiisha booliiiska saldhigga degmada Hodan ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay askarigii dhibaatada geystay gacanta ku dhigeen, isagoo ah dhaawac, haatanna uu ku xiran yahay xarunta dambi-baarista ee CID-da.

Ugu dambeyn, saraakiishu waxay sheegeen in baaris lagu sameyn doono sababta ku kalliftay inuu dadkan oo shacab ah siyaabo kala duwan weerar ugu qaado uuna dilo hal qof saddex kalena uu dhaawac u geysto.

Askarigan oo ka tirsan ciidamada booliiska Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo fal noocan oo kale ah Muqdisho ka geystay, iyadoo arrintan ay cabsi weyn ku beertay dadka ku nool Carwadii hore oo ku taalla degmada Hodan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!